Xukuumadda Siilaanyo oo Ku Fashilantay Fulinta Go’aammadii Sicir-bararka, Heshiis Telesom dhex-maray & Qiimaha Sarrifka

WASIIRKA MADAXTOOYADA OO AY GADAAL KA TAAGAN YIHIIN MASUULIYIINTA TELESOM OO KA NOQDAY GO'AANKII SICIR-BARARKA EE ZAAD 2017

Go’aammada Xukuumadda Somaliland soo saartay haddaanay fulintooda kaga dhabaynaynin, Ma Xummad-jebin Shacabka Bannaan-baxa bilaabay lagu dejinayo ayey ahaayeen?

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa si dadban uga noqotay qaar ka mid ah go’aanno Golaha Wasiirradu soo saareen Salaasadii, isla markaana Madaxweynu Digreeto ku dhaqan-geliyey oo ay sheegtay in wax lagaga qaanayo Sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka, ka dib markii ay kulan caawa ku yeesheen Madaxtooyada Guddiga Madaxweynuhu u xil-saaray deminta Sicir-bararka iyo Masuuliyiinta Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom.

WASIIRKA MADAXTOOYADA OO AY GADAAL KA TAAGAN YIHIIN MASUULIYIINTA TELESOM OO KA NOQDAY GO'AANKII SICIR-BARARKA EE ZAAD 2017
WASIIRKA MADAXTOOYADA OO AY GADAAL KA TAAGAN YIHIIN MASUULIYIINTA TELESOM OO KA NOQDAY GO’AANKII SICIR-BARARKA EE ZAAD 2017

Go’aannada ay noqotay Xukuumadda Siilaanyo waxaa ka mid ah; qodob ay ku soo rogtay Shirkadaha Telesom iyo Somtel ee bixiya adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee Lacagta Taleefannada la isugu xawilo inaan Boqol Doollar wax ka yar la isugu diri karin adeegyadaas, go’aankaas oo ay Shirkadda Telesom ku gacan-saydhay, isla markaana sheegtay inaanu ahayn suuragal, ee uu yahay qaraar siyaasadeed oo Ganacsato gaar ah loogu danaynayo, kaasoo Afhayeenkii u hadlay Telesom maalintii go’aanku soo baxay Xukuumaddu sheegtay inay xidhay.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo markii caawa kulankaasi dhammaaday Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay dhawr qodob ku heshiiyeen Shirkadda Telesom, isla markaana 48 saacadood oo ay u qabteen in Adeegga ZAAD lagaga saaro wixii ka yar Boqol Doollar inaan la isugu diri karin Taleefanka Shirkaddaas, ka dib markii uu sheegay inay garwaaqsadeen cabasho Telesom u soo gudbisay, sida uu ku dooday.

“Waxaannu isku raacnay laba Qodob; 1, in go’aammadii Xukuumadda la fuliyo, Shirkadda Telesomna oggolaatay in go’aankaas la fuliyo. 2, Waxaannu Garwaaqsannay Shirkaddi Telesom Cabatinkoodii in adeegga Zaad in 48-kii saacadood ee aannu u qabannay uu farsamo ahaan ku yar yahay inay siistamkaa ama habkaa beddelaan. Waxaannu markaa isla qaadannay in la qabto Guddi Farsamo oo Annaga Xukuumad ahaan nagala talisa xilliga ugu habboon ee la jaan-goynayo in siistamka laga saaro Zaad wixii Boqolka Doollar ka yar.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Waxaanu Wasiirku intaas ku sii ladhay; “Qoraal bay noo akhriyeen, waanay noo keeni doonaan oo arrintaa waa isaga soo noqonaynaa, Annaguna Khoboro madax-bannaan baannu Xukuumad ahaan la tashanaynaa sida siistamka laga saari karayo. Waxaannu halkan ku caddaynaynaa inay Telesom naga aqbashay inay go’aammadii meel-mariso, annaguna ka garwaaqsannay in wakhtugu ku yaryahay. Waxa kale oo aannu halkan ku caddaynaynaa inay Shirkadda kale ee Dahabshiil Group Warqad noo soo qortay rasmi ah oo ay iyaguna go’aammadaa ku aqbalayaan, dhammaantoonda waa u mahad-naqaynaa.”

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay inaanay xidhin adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee ay doonayaan inay xaddidaan lacagta ka yar boqol Doollar inaan lagu isticmaalin. Hadalkaas oo u muuqday mid uu Shacabka ku kalsooni gelinayo, ka dib markii wixii ka dambeeyey habeenkii Digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-geliyey go’aannada Golaha Wasiirrada ay dhibaato wayni la soo deristay Shirkadda Telesom, oo guud ahaan Xarumaha ay dalka ku leedahay, gaar ahaan kuwa Caasimadda Hargeysa ay Bulshadu kuyuu u gashay, isla markaana Dadku buux-dhaafiyeen, iyaga oo markii ay ka war-heleen in go’aanka 48-da saacadood loogu qabtay in lagu joojiyo isu dirista wixii boqol Doollar ka yar oo Madaxweynuhu dhaqan-geliyey ay bilaabeen inay Badi Bulshadu ku dareerto Xarumaha Telesom, isla markaana dalbadaan in looga saaro Lacagaha kaga jira adeegga Zaad.

Shakigaa Dadweynuhu ka qaaday Zaadka ee uu Qof waliba ku dalbanayey waxa lacag ugu jirta Taleefankiisa gacanta ee uu Zaadka ku isticmaalo in looga saaro intaanay saacadda Madaxweynuhu dhaqangeliyey ku dhicin, ayaa markii xarunta dhexe ee Telesom ku leedahay Badhtamaha Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ama ka soo horjeedka Cadaani Coffeteria, ay Shirkaddu dalbatay Ciidammo dheeraad ah oo Ammaankeeda ilaaliya habeenkii Khamiistu soo galaysay.

“Hadda waxaan ku jiraa Safaf dhaadheer oo loogu jiro Xarunta badhtamaha Suuqa ee Shirkadda Telesom, waxa Zaadka iigu jira Lacag 6 Doollar, waxaan rabaa intaanay Zaadda Madaxweynuhu u qabtay dhicin inaan idhaahdo iiga saaro, dhammaan Dadkan Kuyuuga ku jiraana waa ila wada mid qaar Lacag badani ugu jiro iyo qaar Lacag yari ugu jirtaba, Dadku waxay sarrifanayaan, qaarna Doollar ku qaadanayaan wixii Lacag Zaadka kaga jirtay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa Dad tiro badan oo Safaf dhaadheer u galay xarunta Shirkadda Telesom ee badhtamaha Suuqa Hargeysa Habeenkii Khamiistu soo galaysay, kaas oo u warramay Weriye ka tirsan Aftahannews.com.

Sidoo kale, marka laga tago Dadkii xilligaa soo gaadhi karayey Xarumaha Telesom, waxa jiray Dad seexday iyagu Habeenkaas, gaar ahaan Xaafadaha Suuqa ka durugsan, kuwaas oo qaarkood dalalka dibedda Biilasha looga soo diro aan Xawaalad loo soo marin jirin ee Zaad-ka Taleefannadooda gacanta loogu soo diri jiray, sida ay hirgeliyeen Shirkado ka mid ah kuwa Xawaaladaha oo lacagtii qofka loo soo marin lahaa Xawaalad ahaan Zaad ahaan ugu gudbiya, kuwaas oo iyaguna subaxnimadii Khamiista ku kallahay Xafiisyada Telesom ee inta badan Hargeysa.

“Magacaygu waa Aniisa, waxaan xilligan Suuqa u tegayaa inaan Biilkii bisha dhammaanaysa noogu hadhsanaa iyo Biilkii Bisha bilanaysa oo isagana lagu soo diray Zaad intaan Saacadda dawladdu u qabatay in Zaadka la xidho iga dhicin inaan Xaafadda uga soo saaro intii aannu ku caddilmi lahayn, Dumar badan oo aannu Jaar nahay oo iyagana sidan oo kale Biilasha loogu soo diray Zaad-na waabay iga sii horreeyeen.” Sidaa ayay tidhi Gabadh Magaceeda ku sheegtay Aniisa oo uu la kulmay Weriye ka tirsan Aftahannews maalinnimadii Khamiista ee shalay.

Si kastaba, ha ahaatee, culays badan ayaa Shirkadda Telesom ka soo fuulay ku dhawaaqistii go’aanka Xukuumadda, taasoo keentay inay Telesom bilawdo dhaqdhaqaajinta Dad Weji-ku-macaashayaal ah oo kala duwan, magaalooyin kala duwan oo Somaliland ahna ku nool oo Warbaahinta Lacagta u dhegaha-nugul ee Somaliland ka hawlgasha isla soo taagay Difaaca adeegga Zaad ee Telesom, kuwaas oo Odayaal iyo Siyaasiyiin-ba isugu jiray, isla markaana uu ka mid yahay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, kaas oo caawa ka hadlay Horn Cable TV, isla markaana si qaawan u difaacay Adeegga Zaad, sidoo kalena Xukuumadda ku eedeeyey inay caaddifadaysay go’aankaas oo ay ku deg-degtay, kana dalbaday inay xorriyaddiisa u soo celiso Cabdiwahaab Maax oo ah Madaxa xidhiidhka Bulshada ee Telesom oo BBC-da la hadlay maalintii go’aanka Xukuumaddu soo baxay, kaas oo lagu xidhay Arbacadii Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka hor-yimi go’aanka Xukuumadda iyo wax-ka-qabashada Sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka.

Go’aannada Xukuumadda ayaa yimi markii ay gelinkii hore ee Maalintii Salaasada ee toddobaadka dhammaaday, ay Ganacsatada Dabaqada dhexe iyo hoose ee Suuqyada Hargeysa iyo Berbera iyo weliba Danyarta labadaa Magaalo qaarkood Muddaharaad ay ka meeyeen labadaas magaalo. Isusoo-baxyadaas oo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan saamaynta Sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka oo Sagaal kun oo Shilinka Somaliland ah Halkii Doollar afka la sii galayey ku yeeshay noloshooda, iyaga oo Ganacsatadu shaqo-joojin sameeyey oo Meheradohooda xidhay. Muddaharaadyadaas ayaa sababay inay Shir deg-deg ah oo aan Caadi ahayn yeeshaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo, isla markaana ka soo saaraan go’aammo u muuqday Xummad-jebin Bulshada kacday lagu dejinayey, kuwaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku dhaqan-geliyey isla habeennimadii Arbacadu soo galaysay.

Qiimaha Sarrifka Halka Doollar oo lix kun iyo Shan boqol oo Lacagta Somaliland ah ku soo noqday Arbacadii ayaa Jimcihii Maanta Suuqyada Hargeysa ka maraya toddoba kun iyo shan boqol oo Shilin, isaga oo Guddoomiyaha Baanku sheegay inay iyagoo fulinaya go’aanka Xukuumadda tallaabo ka qaadi doonaan Qofka la soo sheego isaga oo Qofka lacagta Somaliland sita ee Doollarka doonaya ugu sarrifaya wax ka badan toddoba kun oo shilin, halka gacanta hore ee Qofku marka uu Doollarka sitana ka sii hoosaynayo qiimaha loogu sarrifayaa ka lagaga iibinayo Doollarka, kaas oo u muuqda mid aan hirgelin ee weli qabyo ah, maaddaama oo uu maalin ka dib qiimaha Qofka Doollarka sita loogu sarrifayaa marayo toddoba kun iyo Shan Boqol oo Lacagta Somaliland, waxaanay u muuqdaan go’aammadaasi Xummad-jebin ay Xukuumaddu ku dejinaysay Bulshada, si aanay u sii socon Bannaan-baxyada Ganacsatada iyo Shacabka Berbera iyo Hargeysa bilaabeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.