“Baanku wuxuu Caddaynayaa in Zaad-ku saamayn weyn ku leeyahay Sicir-bararka, Amarkuna wuu fulayaa ..” Baanka dhexe

“Somaliland ama Qarankaa jiri iyo dawladnimada ama Nin Dan leh oo aan dalka dan ka lahayn oo si hoose u fikiraya..” Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xasan Aadan

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey War-Saxaafadeed ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom shalay soo saartay oo ay ku sheegtay inaan adeegga Lacagta Taleefannada gacanta la isugu diro ee Zaad wax saamayn ah ku lahayn Sicir-bararka iyo Sarrif-bararka Doollarka iyo qiimo-dhaca Lacagta Somaliland, isla markaana aanu suuragal farsamo ahaan iyo maaliyad ahaan suuragal ahayn fulinta go’aanka Xukuumaddu ka soo saartay adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee in aan Boqol Doollar wax ka yar la isugu diri karin.

AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE EE SOMALILAND CABDILLAAHI XASAN AADAN 2017
AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE EE SOMALILAND CABDILLAAHI XASAN AADAN 2017

Hase-yeeshee, Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xasan Aadan oo Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay xarunta Baanka ee magaalada Hargeysa ka akhriyey War-Saxaafadeed ay arrimahaas kaga hadlayaan, ayaa sheegay inaanay dawladdu u joojin doonin Shaqsiyaad danaystayaal ah oo dantooda mooyee danta Qaranka Somaliland ka fikiraynin, isla markaana ay noqon doonto in Qaranku jiro iyo inay Shaqsiyaad tooda wataan midkood.

Agaasime Cabdillaahi Xasan Aadan, waxa uu sheegay inaanay wax iska beddeli karaa jirin ee ay fulinayaan go’aanka Xukuumadda, isla markaana lagu qasban yahay in loo hoggaansamo go’aammada lagu badbaadinayo jiritaanka Qaranka Somaliland, adkaynta nabadgelyada iyo isku dhawaanshaha Nolosha Bulshada.

Waxaannu Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.