“Masuulka Telesom u hadlay wuxuu Caddeeyey Dhiig-miirad inay yihiin, Xadhiggiisana waan..” W/Ku-xigeenka Maaliyadda

DHIBAATADA AY SHIRKADDAHA TELESOM BULSHADA IYO WARBAAHINTA SOMALILAND KU HAYSO 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cali Dhagoole, ayaa sheegay in Masuul u hadlay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom markii ay soo baxeen go’aammada Xukuumaddu ku xallinayso Sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka ee qiimo tiray lacagta dalka uu muujiyey inay Shirkad ahaan Dhiig-miirad yihiin, isla markaana aanay u tudhaynin Shacabka dhibaatooyinka Abaaraha iyo Sicir-bararku aafeeyeen ee Somaliland ku dhaqan.

DHIBAATADA AY SHIRKADDAHA TELESOM BULSHADA IYO WARBAAHINTA SOMALILAND KU HAYSO 2017
DHIBAATADA AY SHIRKADDAHA TELESOM BULSHADA IYO WARBAAHINTA SOMALILAND KU HAYSO 2017
WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA MAALIYADDA SOMALILAND TELESOM WAXAY CADDEEYEEN DHIIGMIIRAD INAY YIHIIN 2017
WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA MAALIYADDA SOMALILAND TELESOM WAXAY CADDEEYEEN DHIIGMIIRAD INAY YIHIIN 2017

Go’aannada Golaha Wasiirradu soo saareen shalay oo uu Madaxweynuhuna xalay Digreeto ku dhaqan-geliyey, waxaa ka mid ah inaan Adeegyada ay bixiyaan Shirkadaha Telesom iyo Somtel ee Zaad iyo E-Dahab ee Lacagta Taleefannada gacanta la isugu diro lagu diri karin wax ka yar Boqol Doollar, isla markaana la badiyo xaddiga Lacagta Shilinka Somaliland ah ee lagu diri karo Adeegyadaas.

Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u jooga Somaliland Axmed Siciid Cige oo Warbixintan diray, waxa uu yidhi; “Shirkiidda Telesom ayaa ila soo xidhiidhay markiiba, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Bulshada Cabdiwahaab Maax, waxa uu sheegay in aan haba-yaraatee habka Zaadka Shirkaddooda Telesom ee lacagaha la isugu diraa Moobbeellada (Taleefannada gacanta) aanay saamayn ku lahayn qiimo dhaca Lacagta Somaliland, horena Khoboro aqoon lihi u caddeeyeen, Adduunyadana laga isticmaalo.”

Weriye Axmed Siciid Cige oo sii watay Warbixinta uu BBC-da siiyey oo uu isagu tebinayey, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Arrinta ah Boqol Doollar wax ka yar la isuguma diri karo Taleefannada; taa macneheedu waxa weeyaan buu yidhi; ‘halla xidho Zaadka,’ waxaanu sheegay waa sida uu hadalka u dhigaye inay u arkayaan qaraar Siyaasadeed oo loogu danaynayo Ganacsatada qaar. Waxa uu sheegay Afhayeenka Telesom u hadlay inay isticmaalaan Dadku Boqol Doollar wax ka yar, hal Doollar illaa boqol Doollar wax ka yar inta badani.”

Hase-yeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cali Dhagoole oo ka mid ahaa Masuuliyiin Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda, Baanka dhexe iyo Taliyaha Booliska oo shir jaraa’id ku qabtay Arbacadii Maanta magaalada Hargeysa ay digniin ugu direen Ganacsatada waxa uu ka sheegay inay amreen xadhigga Afhayeenka Telesom u hadlay Cabdiwahaab Maax oo uu sheegay inuu u hadlay si ka baxsan tudhaalaha Shacabka, isla markaana caddeeyey inay dhiig-miirad yihiin.

Hadalka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cali Dhagoole kaga jawaabay go’aanka Shirkadda Telesom ku diidday in loo tudho Bulshada Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa isagoo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.