Tirada Dadka Gaajo, Harraad iyo Xanuunno Abaarta ka dhashay ugu Dhintay Somaliland & Labadii u dambeeyey

TIRADA DADKA GAAJADA HARRAADKA IYO XANUUNNADA ABAARTA UGU DHINTAY SOMALILAND 2017

Tiicaanyo(Aftahannews):- Laba Carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 7 sano jir iyo 13 sano jir, ayaa Gaajo iyo Harraad ugu dhintay deegaan dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Badhan ee Barriga gobolka Sanaag, halkaas oo ka mid ah dhulka ay Abaaraha Somaliland ka jiraa sida ba’an u saameeyeen Dadka iyo Duunyadii ku dhaqnayd-ba.

TIRADA DADKA GAAJADA HARRAADKA IYO XANUUNNADA ABAARTA UGU DHINTAY SOMALILAND 2017
TIRADA DADKA GAAJADA HARRAADKA IYO XANUUNNADA ABAARTA UGU DHINTAY SOMALILAND 2017
Tirada Dadka Gaajo, Harraad & Xanuunno Abaarta Ka Dhashay ugu Dhintay Somaliland, Labadii u dambeeyey iyo Maamulka Badhan oo Ka Hadlay
Tirada Dadka Gaajo, Harraad & Xanuunno Abaarta Ka Dhashay ugu Dhintay Somaliland, Labadii u dambeeyey iyo Maamulka Badhan oo Ka Hadlay

Deegaanka Carruurtani ku dhinteen ayaa 19-KM kaga beegan dhinaca Koonfureed magaalada Badhan, halkaas oo lagu magacaabo Tiicaanyo. Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Badhan Cawil Maxamuud Jaamac (Cawsha) oo Somalinews TV la hadlay Shalay, ayaa sheegay in Carruurtaas da’doodu ahayd toddoba jir iyo saddex iyo toban sano jir, isla markaana ay halkaas ugu dhinteen Gaajo iyo Haraad la soo dersay, taas oo ka dhalatay Abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu dhacdadaa ku tilmaamay mid naxdin ku noqotay Dadka deegaanka, waxaanu Xukuumadda Somaliland iyo Ummadda Islaamka ahba uu ugu baaqay in loo soo gurmado Dadka deegaannadaas Abaartu sida weyn u saamaysay ku nool oo haatan maraya heer ay u dhintaan Gaajo iyo Harraad, sida uu xalay Baahiyey Somalinews TV oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Dhacdadan ka dhacday deegaanka Badhan, ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay ku sugnayeen Wefti Xukuumadda Somaliland ka socda oo uu hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland.

Toddobaadkii hore, ayey Maamulka Caafimaadka degmada Balli-gubadle iyo Maamulka gobolka Hawd, waxay caddeeyeen inay Afar Carruur ahi ugu dhinteen deegaannada gobolkaas Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay qaar ka mid ah deegaannada Hawd, isla markaana Abaarta oo hadda si weyn ugu baahday ka dhashay. Hore deegaanka Coodanle oo Buuhoodle ka tirsan waxaa Harraad iyo Gaajo ugu dhintay Wiil 12-jir.

Sidoo kale, gobolka Togdheer dhawr Qof oo ay ka mid ahaayeen Hooyo iyo ilmo yar oo ay markaa ummushay, ayaa Gaajo iyo Harraad ugu dhintay, deegaanno ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa Dad Carruur iyo Waayeelba isugu jiraa ugu dhinteen Xanuunno ay Masuuliyiinta Caafimaadku sheegeen inay ka dillaaceen Abaarta oo Shuban-dhiig iyo Xumad kale isugu jira, sida aannu ka soo xigannay Maamulka Caafimaadka ee degmada Ceel-afweyn oo bishii hore dhimashada ka dib u warramay Wargeyska Ogaal. Waxaanay Tirada Dadka xaaladaha Abaaraha ka dhashay ugu dhintay Somaliland gaadhayaan dhawr iyo toban Ruux oo Carruur u badan.

Geesta kale, Guddiga Abaaraha gobolka Togdheer, ayaa ka dayriyey xaaladda Abaarta gobollada Bari oo ay sheegeen in sidii ay markii hore ahayd ka sii laba-jibbaarantay, isla markaana saamayntu aad u sii badatay, iyaga oo ku baaqay in loo baahan yahay Gurmad deg-deg ah oo nolosha Dadka lagu badbaadiyo oo Biyo, Baad iyo Dawaba isugu jira.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.