Madaxweynihii Hore ee Gambia oo Equatorial Guinea u Dalandoolay iyo Dabbaal-degga Shacabka ee Adama Barrow

Madaxweynihii Hore ee Gambia oo Equatorial Guinea u Dalandoolay iyo Dabbaal-degga Shacabku Adama Barrow

Banjul(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Gambia, ayaa gaadhay dalka Equatorial Guinea ka dib markii uu iskaga baxay waddanka uu tan iyo 1994-kii soo hoggaaminayey, si Shaqada uu ula wareego Madaxweynaha cusub ee la doortay oo uu markii hore diiday inuu xilka ku wareejiyo.

Madaxweynihii Hore ee Gambia oo Equatorial Guinea u Dalandoolay iyo Dabbaal-degga Shacabku Adama Barrow
Madaxweynihii Hore ee Gambia oo Equatorial Guinea u Dalandoolay iyo Dabbaal-degga Shacabku Adama Barrow

Dadweynaha reer Gambia, ayaa Maanta bilaabay inay dib ugu noqdaan waddodoyinka magaalada Caasimadda ah ee Banjul, kadib markii Saacadihii dambe ee xalay dalkaas ka dhoofay Madaxweynihii hore ee Gambia ee doorashada lagaga guulaystay Yaxya Jammeh oo isagu oggolaaday inuu xilka ka dago cadaadis uga yimid waddamada Galbeedka Africa ka dib, halkaas oo laga sugayo inuu gaadho Madaxweynaha Shacabku doortay Adama Barrow oo ku sugannaa toddobaadkii u dambeeyey dalka ay deriska yihiin ee Senegal, iyaga oo Dadka Shaaracyada isugu soo baxay ee reer Gambia sheegay inay ku faraxsan yihiin in si nabad ah xilka uu u qabanayo Madaxweynaha ay doorteen, Madaxweynihii ay codkooda ku rideenna si nabad ah talada kaga tago.

DAMMAASHAADKA SHACABKA GAMBIA OO ISU DIYAARINAYA SOODHAWAYNTA MADAXWEYNAHA CUSUB 2017
DAMMAASHAADKA SHACABKA GAMBIA OO ISU DIYAARINAYA SOODHAWAYNTA MADAXWEYNAHA CUSUB 2017

Madaxweynihii hore ee Gambia Yaxya jammeh oo dalka ka baxay ka dib heshiis iyo aqbalaad ku timi culays iyo cadaadis ay saareen dalalka Galbeedka Afrika, ayaa maanta gaadhay dalkii uu ku socday ee Equatorial Guinea, isla markaana waxa uu waddankaas ku ahaan doonaa dibed-joog aan dalkiisa dib ugu noqon karin.

Waxa uu dalka ka baxay ka dib heshiis ahaa in Madaxweynaha cusub Adama Barrow uu xilka la wareego. Ciidammada waddammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii Millateri oo ay ku doonayeen inay ku farageliyaan dalkaas, ka dib markii uu diiday inuu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay horraanta bishii 12-aad ee 2016-kii, isagoo natiijada doorashaday aqbalay uu haddana diiday maalmo ka dib doorashada. Ciidammadaas, ayaa Khamiistii ka tallaabay Xuduudda Gambia, saacado yar ka dib markii la dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow, waxaanay Adama Barrow lagu dhaariyey gudaha Safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal, markaas oo uu ka dib aqbalay inuu xilka dhiibo.

In sidaas uu ku tago Jammeh waxaa diiddan Urrurada u dooda xuquuqda Aadamaha oo ku eedeynaaya inuu tacaddiyo geystay. Waxay doonayaan in cadaaladda la horgeeyo, si loogu oogo dembiyada loo haysto. Waxay ku eedeynayaan inuu, Xadhig, Jidh-dil iyo Dil lagula kacay Siyaasiyiintii Mucaariday Maamulkiiska 22 sano oo uu dalka Gambia xukumayey.

Xildhibaannada Baarlamaanka Nigera, ayaa 13-kii bishan u codeeyey, isla markaana Aqlabiyad ku meel-mariyey in Yaxma Jammeh la siiyo megengelyo Siyaasadeed maaddaama oo uu ka cabsi qabo sida inaanu dalka uu 22-ka sano soo hoggaaminayey ku noolaan karin oo Maxkamad in la saaro uu sidan u samaynayo, iyaga oo shuruud uga dhigay magangelyada haddii uu aqbalo in uu awoodda si nabad ah ku wareejiyo, balse dalkaas uma boqoolin ee waxa uu dalandool ku tegay waddanka kale ee dalkiisa la deriska ah ee Equatorial Guinea oo isaguna magangelyo siiyey.

MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE GAMBIA OO LAGU DHAARINAYO SINIINGAL 2017
MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE GAMBIA OO LAGU DHAARINAYO SINIINGAL 2017

Waxaana caawa galay Dalkaas Ciidammada Midawga Afrika ka socda, kuwaas oo sugi doona nabadgelyada dalkaas muddo aan la cayimin, maaddaama oo rabshado weli laga cabsi qabo, inta Madaxweynaha cusub Kursiga lagu fadhiisinayo ee uu Xukuumad dhisayo, ayaa la filayaa inay Ciidammadu halkaas joogi doonaan.

afathaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.