Wasiirka Maaliyadda iyo Wefti ay Hoggaaminayso oo Kormeer ku maray in ka badan 20 Tuulo oo Ka Tirsan Togdheer & Buuhoodle

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO KA HADLAYSA TUULOOYINKA AY SAFARKA KU MARTAY 2017

Togdheer(Aftahannews):- Wafti ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo saddexdii maalmood ee u danbeeyey ku guda-jiray socdaal ay ugu kuurgalayaan xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka abaaruhu ku hayaan barriga dalka ayaa iskaga dab-qaaday in ka badan 20 tuulo oo ka kala tirsan goboladda Togdheer iyo Buuhoodle, kuwaas oo dhamaan tuulooyinkaas oo dhan gaadhsiiyo biyo iyo qarbado waawayn oo ay ku shubtaan biyahaasi.

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO KA HADLAYSA TUULOOYINKA AY SAFARKA KU MARTAY 2017
WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO KA HADLAYSA TUULOOYINKA AY SAFARKA KU MARTAY 2017

Waftigan ay hoggaaminayso wasiir Samsam ayaa waxa ka mid ahaa Guddida Gurmadka  Abaaraha  ee heer qaran, hay’addaha xuquuqal Iinsaanka, koox dhakhaatiir ah iyo wasiirul-dawlaha xanaanada xoolaha, kuwaas oo dhamaantood ka wada hawlgalaya gurmadka dadka abaaruhu ku hayaan deegaanadaasi.

Socdaalka waftigaasi ayaa lugtii 1-aad in ka badan 24 saacadood socod aan joogsi lahayn ku soo maray deegaanadaasi intooda badani hawdka gobolka Togdheer ku yaalaan ayaa habeenimadii Sabtidu soo galaysay saqdii dhexe ku soo guryo-noqday magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ahna u baqoolay deegaanadda waqooyiga Burco, kuwaas oo halkaasi gaadhsiin doona biyo iyo baad wixii loo sido dadkaasi.

Sidoo kale deegaanada uu waftigu markii hore socdiisa hore ku bilaabay ayaa waxay kala yihiin;  Bali-hiile, labiguun, Sanyare, Bilcin-Wayso, Waraabeeye, Xuseen Xamar, Harada, Bisiqa, Ilma Ayjeex, Duruqsi, Yucub Yabooh, Riyo xidh, Sibidhley, Dhoqoshay, Candho-dhexe, Dhagax-dheer, Dhariyaley, Balidhiig, Coodanle, Taalabuur, Balicalanle iyo Shanshacade oo ka kala tirsan Gobolada Togdheer iyo Buuhoodle.

Sidoo  kale waftigaasi ayaa waxay halkaasi dadka deegaankaasi kaga dhagaysteen xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan deegaankaasi ku sugan yihiin, waxaanay dhamaantoodba dadkaasi u sheegeen waftiga inay ku jiraan xaalad nololeed oo aad u adag isla markaana illaahay ka sakaw ay codsanayaan in kaalmo bini-aadamnimo lala soo gaadho, waxaanay dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ku amaaneen kaalinta ay kaga jirto daryeelida, ilaalinta iyo u damqashada dadka taagta daran.

Waxaana deegaanadaasi la marayey ay Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ugu deeqday min laba booyadood oo biyo ah, iyada oo deegaanka Harada iyo Dhoqoshay  ay iyaga ugu deeqday Qarbadyo loogu talo galay biyaha oo midkiiba qaadayo 80 foosto oo biyo iyo booyadihii u dhaamin lahaa. Waxaana intii la joogay deegaanka Coodanle ay wasiirka Maaliyadu Marwo Samsam Cabdi Aadan ay Timir, Caano iyo Kalluun u qaybisay qoysas ay abaartu keentay Coodanle, waxaana halkaasi ay wasiiradu ku soo kormeertay Riig loogu magacdaray Samsam, kaasi oo ay xukuumadu ay deegaankaasi ka hirgalisay, waxana halkaasi loogu yimid adhi iyo geel badan oo laga waraabinayay iyo booyado kuwaasi oo dadka abaaraysan biyaha gaadhsiinayay, iyadoo wasiirka maaliyadu ay degmadaasi ugu deeqday qarbad wayn oo biyaha lagu dhaaminayo si ay dadka taagta daran ee deegaankaasi soo gaadhay ay biyaha uga dhaansadaan isla markaana ay wakhtiyada qaar u nasato daynamada ceelkaasi biyaha kasoo tuuraysa oo u baahan in mararka qaar la bakhtiiyo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Hay’ada Xuquuqal Insaanka Qaranka Farxiya Jaahuur iyo Xubno kale oo iskugu jiray culimo iyo salaadiin oo ka tirsan Guddida Abaaraha ee Heer qaran iyo Heer Gobol ayaa iyaguna dadkaasi halkaasi uga duceeyay.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna hogaaminaysay Weftigaasi ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada uu daaran yahay socdaalkaasi iyo waxyaabaha ay soo aragtay, waxaanay wasiir Samsam sheegtay inay ka xumuumad ahaan diyaar u yihiin waxkasta oo suurta-gal ah oo lala qabankaro muwaadiniinta abaartu ku habsatay waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Intii lagu gudo jiray safarkaasi, waxa iyaguna qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Bahda Caafimaadka ee Wasaarada Maaliyada, kuwaasi oo dawaynayay dad waayeel ah iyo caruur kuwaasi oo xaalad caafimaad daro deegaanadooda ay ku haysatay, waxaana Ambulance-ka wasaaarada Maaliyada saarnaa dawooyinka noocyadooda kala duwan kuwaasi oo xaalad degdeg ah la gaadhay dadkaasi, waxaana weftigaasi la socotay booyad biyood oo qaadaysa 150 foosto, taasi oo biyaha gaadhsiinaysay deegaanada xaaladood aad u adag tahay, waxaana intii aanu safarka ku gudo jirnay ay booyadaasi biyo dhaamis gaadhsiisay Duruqsi iyo dhoqoshay, waxaanay ka qaybqaadatay booyadaasi gurmadka loogu jiro in lagu gaadhsiiyo biyaha dadka biyo la’aantu ku habsatay, taas oo iskaga dabqaadaysay deegaano aad u kala fog.

Source Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.