Majaajillayste Ajakis oo ka hadlay Sababta Hargeysa loogu xidhay, Jidh-dil loo geystay & Sida Muqdisho loogu celiyey

Somaliland oo Cadho ay u haysay Majaajillaystaha Ajakis ugu Xidhay Hargeysa, Dibna ugu celisay Muqdisho

Hargeysa(Aftahannews):- Majaajiliste Cabdi Muuriidi Dheere (Ajakis), ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ka dib markii lagu xidhay magaalada Hargeysa oo sida la sheegay uu uga sii gudbi lahaa magaalada Jigjiga ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Somaliland oo Cadho ay u haysay Majaajillaystaha Ajakis ugu Xidhay Hargeysa, Dibna ugu celisay Muqdisho
Somaliland oo Cadho ay u haysay Majaajillaystaha Ajakis ugu Xidhay Hargeysa, Dibna ugu celisay Muqdisho

Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku laabtay Warbaahinta la hadlay Maanta, ayaa sheegay in Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal Maxamed Yuusuf uu bixiyey amarka xadhiggiisa, isaga oo wax uu geystay oo dhib ah iyo sabab lagu xidhay oo cad aan loo sheegin, balse uu Maareeyaha Madaarku ku eedeeyey inuu aflagaaddeeyey ama caayey Madaxweynaha Somaliland sida uu Ajakis sheegay.

“Markii aan Diyaaradda ka soo degay jidh-dil ayaa la ii geystay, Derbiga ayaa Madaxa la iigu dhuftay, Maareeyaha garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa xadhiggeyga amray, Isaga oo leh saw ma tihin Ninkii Madaxweynaha aflagaaddeynayay, sidaa ayaan Xabsiga ku gallay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Muriidi Dheere Ajakis.

Hase-yeeshee, sida ay Warbaahinta qaar faafiyeen, Maamulka Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, ayaa laga soo xigtay inay ku doodeen in sababta Ajakis loo xidhay timi, inay ka waayeen Warqad ay ugu yeedheen Warqadda oggolaanshaha ee soo gelitaanka Somaliland, taas oo ay sheegeen in dadka Warbaahinta ka shaqeeyaa ay marka hore soo dalbadaan, balse loo arko sabab jaban, maaddaama oo aanay jirin cid isaga ka horreysay oo Muqdisho ka timi oo lagu xidhay Warqaddaas, balse la ogyahay inay Weriyeyaasha Muqdisho ka hawlgalaa si caadi ah u yimaaddaan Hargeysa, halka kuwa Hargeysa qaarkoodna ay si caadi ah u tagaan Muqdisho.

Majaajilayste Ajakis oo Barnaamijka Faaliyaha Qaranka loo yaqaanno ka baahiya Universal TV, ayay hore Kaftanka Siyaasadda ee Barnaamijkaas ay isaga iyo Xubnaha kale ee la jila ama la soo saaraa ku soo qaateen Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, ay aad u dhibsatay Xukuumadda Somaliland, Barnaamijkaas oo Kaftan-dacaayadeedkiisa ay ku soo qaataan dhammaan Madaxda Soomaalida, Dunida iyo dhacdooyinka Xiisaha leh ee Dhulka Soomaalida iyo Dunida qaybo ka mid ah-ba ka dhaca. Sababta xadhiggiisa Hargeysana waxaa loo arkaa mid arrintaas la xidhiidhsan, sida uu Ajakis laftiisu Warbaahinta u caddeeyey markii uu Maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee ay Somaliland dib ugu celisay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.