Xog: Yaa Gacanta ku haya Hagista Guddiga doorashooyinka Somaliland? Digniinta Madaxda Dhaqanka & Abwaannada

YAA KA DAMBEEYA HAGISTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND XOG CUSUB 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, ayaa sharaxaad ka bixiyey astaamo u muuqda oo ay ku arkaan Guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaana waxay walaac ka muujiyeen, kana digeen in gacmo hoose oo dareemayaan ay gacanta ku hayaan Guddida doorashooyinka ee qabanaaya doorashada madaxtooyada, taasoo keeni karta in cadaalad-daro dhacdo oo cidda xagga dambe ka hagaysa ay doonayso oo kaliya soo baxayso.

YAA KA DAMBEEYA HAGISTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND XOG CUSUB 2017
YAA KA DAMBEEYA HAGISTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND XOG CUSUB 2017

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa calaamad su’aal galiyey ciddii ka dambaysay magacowga Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koomishanka doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha wakiilada Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in shacabka reer Somaliland ogayn halka markii u horaysay laga soo dhisay koomishanka.

“Guddida Doorashooyinka Somaliland, horta marka ugu horaysa halkee ayey ka soo dhismeen? Guddi doorasho oo un baa la yidhi ee yaa soo magacaabay ama soo xulay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddida koomishanka doorashooyinka, yaa soo dhisay, kuwan maanta jooga? Dadku waxa laga yabaa innaaney wada fahsanayn. Rag ayaa hoos u soo qortay, dabadeed inagu yidhi waa Guddidii doorashooyinka.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo la hadlay Tv-ga Star.

Waxaanu Suldaanka guud intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Wax alaale iyo wax garanayaan ma jirto. Wax alaale iyo waxay wadaana dadka u sheegimayaan. Guddida doorashooyinku waxay joogeen muddo gaadhaysa sannad, markaa cid ay wax u sheegeen iyo qaabka wax loo dooranayo ee dastuuriga ah waa inay qodobo ka soo dhigaan ayey aheyd, laakiin wax kale ayey hoostaa ka wadaan oo sax maaha arrinkoodu.”

Suldaanka oo iftiimiyey meelaha keentay in laga shakiyo oo u muuqdaan inay sababi karaan inay isku dilaan oo madaxa isu-galiyaan shacabka Somaliland, halisna ay dhici karto in Somaliland gasho waxa uu yidhi; “Haddii maalin qudha ay wax barnaamij ah laga sii dayn warbaahinta kala duwan, yaa garanaaya qaabka ay wax u wadaan. Maxay tahay Guddidan doorashooyinku annagu garan mayno waxay qarsanayaan. Waxaan ku baaqayaa oo aan soo jeedinayaa inaynu ka fiirsano Guddida doorashooyinka ee waxa iimuuqda in gacmo kale xagga dambe ka hagayaan oo cid kale hagayso oo arrin fool xun ka soo dheg weyn tahay.”

Geesta kale, Abwaanka geyiga Soomaalidu degto caanka ka ah Axmed Saleebaan Bidde oo isna ka hadlay arrintan, ayaa shaki weyn ka muujiyey in qaab cadaalad ah u dhacdo doorashada madaxtooyada Somaliland, isla markaana wuxuu ka digay in meel madow lala galin sanduuqyada codku ku jiro waxaanuu yidhi, “Hadday jirto meel madow oo lagaga wada hadlayo, iyana waa badh kuma taal.Waxaan leeyahay doorashada cadaalada yaan la xargagin.”

Hase yeeshee, xogo ayaa tusmaynaaya in gacan saar uu la leeyahay Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halka Gudoomiye xigeen Maxamuud Xasan Wacays uu isna shirkad weyn oo uu madax ka ahaa walina uu ka mid ahaa oo imaaradda Carabta ku taal, isla markaana xogahaa ayaa iftiimiyey in gacan hoose iyo xidhiidh dheer uu ka dhaxeeyo labada xubnood ee Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Jabuuti.

Xogahaa ayaa xusay in Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan uu markii hore lahaa shirkad dhismaha oo uu madax ka ahaa, kana soo jeeday Jabuuti, ka dib markii uu qadaraasay dhismaha xarunta guud ee shirkada Somtel ee ku taala suuqa weyn ay ku kacday shirkaddiisii.

Sidoo kale, xogahaa ayaa hoosta ka xariiqay haddii laga feejignaan oo laga Ilaalin inay soo fara galin doorashada lagu dooranayo madaxweynimada Somaliland ay dhici karto haddii ay faro galin ku yeeshaan Madaxweynaha Jabuuti iyo madaxda DP World oo mid walba dano gaara oo isugu jirta dhaqaale iyo ka faa,iidaysiga khayradaka ku duugan Somaliland innuu soo baxo oo Guddida doorashooyinku ku soo saran qaab kasta, ka dib saddexda xisbi ee UCID, WADDANI iyo Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng. Faysal Cali Waabe had-ba ay ka dhex arkaan danahooda ay soo saarayaan oo Madaxweyne ka noqonaaya Somaliland.

Xigasho Baraarugnews.com.