Somaliland: Haweenay Ajaanib ah oo lagu Eedeeyay inay Caqabad ku Tahay iibka Beenyada

Somaliland: Haweenay Ajaanib ah oo lagu Eedeeyay inay Caqabad ku Tahay iibka Beenyada

Hargeysa(Aftahannews):- Dadka ka Shaqeysta Beerista iyo iibinta Beenyada ee ku dhaqan gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa werwer ka muujiyey waxa noloshooda ku dhici kara haddii la joojiyo iib-geynta Beenyada.

Somaliland: Haweenay Ajaanib ah oo lagu Eedeeyay inay Caqabad ku Tahay iibka Beenyada
Somaliland: Haweenay Ajaanib ah oo lagu Eedeeyay inay Caqabad ku Tahay iibka Beenyada

Werwerka Dadkani ka qabaan in laga joojiyo inay iibiyaan Beenyada u soo go’da, ayaa timid ka dib, markii Haweenay Ajaanib ah oo lagu Magacaabo Anjanette Decarlo, isla markaana Cil-baadhis ku samaysa deegaanka ay Safar ku tagtay deegaannada gobolka Sanaag ee Beenyada laga guro, ka dibna ay ka diyaarisay Barnaamij Muuqaal ah oo ay Adduunka ugu sheegayso in Dhirta laga guro Beenyadu khatar ugu jiraan inay Dabar go’aan, sidaa darteedna loo baahan yahay in muddo Laba sannadood ah la joojiyo Guridda Beenyada iyo iibinteedaba.

“Cilmi-baadhis aanu samaynay waxaannu ku ogaannay in Qiimaha lagu kala iibsado Beenyada oo aad u sarreeya awgeed, Beenyada aad looga soo guro Dhirka, taasina waxay hoos u dhigtay Tayadii Beenyada iyo in Dhirta Beenyadu Dhintaan.” Sidaa waxa Barnaamijka Dhukumantariga ah ku sheegtay Anjanette Decarlo, waxayna intaa ku dartay oo ay Ganacsatada Beenyada u soo jeedisay in Laba Sannadood la joojiyo soo guridda Beenyada.

XABKAHA BEENYADA IYO FALEEMKA OO SOMALILAND LAGU SOO BANDHIGAY 2015
XABKAHA BEENYADA IYO FALEEMKA OO SOMALILAND LAGU SOO BANDHIGAY 2015

Hase-yeeshee, Ganacsatada Beenyada ka shaqeysta, ayaa sheegay in Gabadhan oo u dhalatay Dalka Maraykanku aanay daacad ka ahayn Barnaamijka ay wax kaga sheegayso Fayo-qabka Dhirta Beenyada, balse ay Caqabad ku noqotay Shirkadihii Shisheeye ee iibsan jiray Beenyada, “Marka Beenyada la hakiyo ayaa Dadka wax la siinayaa ayay tidhi, dabadeedna Beenyadii soo Go’day oo Taalla ayay tidhi yaan la iibin, waxayna tidhi Annagaa Dadka u hayna Mashaariic.” Sidaa ayuu yidhi mid ka mid ah Ganacsatada Beenyada oo arrintan uga warramay Warbaahin Aftahannews ka mid tahay Jimcihii maanta.

Waxaanu intaa sii raaciyey in Anjanette Decarlo ay warkeeda ah in la joojiyo guridda Beenyada uu gaadhay Wasaaradda Deegaanka, laakiin Cilm-baadhayaal Maxalli ah oo soo eegay Dhulka Beenyadu ka baxdo ay soo Xaqiijiyeen inaan Dhirtu wax dhibaato ah qabin, sidaasi awgeedna aanay jirin Sabab loo hakiyo soo guridda iyo iibka Beenyada.

Muwaaddinkan ka midka ah Ganacsatada Beenyadu wuxuu sheegay in Dhirta laga guro Beenyada ay yihiin Hanti la kala dhaxlo oo Muhiim ah, sidaa awgeedna ay Dadku daryeelaan; “Beenyada Dadka leh ayaa ilaashada.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku ladhay in aanay waxba ka jirin in Sannadkii dhowr jeer Beenyada laga guro Dhirka ay ka baxdo, “Meydiga waxa la guraa Jiilaalka, Muxurkana waxa la guraa Xilliga lagu jiro Xagaaga.”

WASIIRKA DEEGAANKA SOMALILAND SHUGRI XAAJI ISMAACIIL BAANDARE 2016
WASIIRKA DEEGAANKA SOMALILAND SHUGRI XAAJI ISMAACIIL BAANDARE 2016

Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo horraantii bishan mar ay safar ku maraysay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag ay magaalada Ceel-afweyn Weriyeyaashu ku weydiiyeen waxa ka jira in la joojinayo iibinta iyo soo-guridda Xabagta Beenyada, ayaa sheegtay inaanay jirin wax la joojinayaa, sabab loo joojiyaana jirin maaddaama oo ay Xabkaha Beenyada iyo Faleenku yihiin wax dhaqaale ka soo galo dadka iyo dawladdaba, warkaasna aanay waxba ka jirin.

“Bisinka oo sidee la innooga joojiyaa, yaa innaga joojinaya Beenyada? Cid innaga joojinaysa Beenyada ma jirto. waxay ku xidhan tahay Geedka oo aynu ilaashanno oo qurux badan oo aynu si wanaagsan u ilaashanno. Waxani waa wax soo jireen ah oo aynu leenahay oo Waalid ka Waalid laga dhaxlay, illaa yoomul-diinna waa laga ganacsanayey, immika wakhtigan oo kale xilligii Dhirta la korayey maaha. Laakiin, Beenyo haddaynaan innagu iska joojin cid innaga joojinaysaa ma jirto, Innaguna iska joojin mayno oo waynu u baahannahay oo Dhaqaaleheenna ayaa ku xidhan.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Shugri Baandare oo su’aasha arrintan laga weydiiyey ka jawaabaysay. Hase-yeeshee, weli welwelku kama bi’in Dadka ka ganacsada iyo kuwa iyagu beerta Geedka Beenyada ee reer Sanaag toona.

Xabkaha Beenyada, Fooxa iyo Faleenka, ayaa ah waxa labaad ee ay Somaliland dalka dibeddiisa u dhoofiso, marka laga yimaadda Xoolaha nool oo ah Laf-dhabarta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo uu dhoofsigooda ay si ku-meel-gaadh ah u hakisay dawladda Boqortooyada Sucuudiga  oo ahayd Sayladda ugu wayn ee Xoolaha Soomaalida oo kuwa Somaliland-na ku jiraan u dhoofi jireen, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland toddobaadkii hore shaacisay inay rejaynayso in dib loo furo dhoofka Xoolaha bisha labaad ee sannadkan 2017-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.