Nuxurka ay Xambaarsan tahay Warqad Cajiib ah oo Hablaha Bush Dhalay u Qoreen Gabdhaha Obama Dhalay + Sawirro

HABLAHA OBAMA DHALAY OO BOOQASHO KU JOOGA GURIGA RAYSAL-WASAARAHA UK

Washington(Aftahannews):- Gabdhaha uu dhalay Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush, ayaa Warqad furan u qoray Hablaha uu dhalay Madaxweynaha maanta xilka wareejinaya ee Barack Obama oo isu diyaarinaya in ay ka guuraan Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo oo Hoygooda ahaa siddeeddii sannadood ee ugu dambeeyey.

HABLAHA OBAMA DHALAY OO BOOQASHO KU JOOGA GURIGA RAYSAL-WASAARAHA UK
HABLAHA OBAMA DHALAY OO BOOQASHO KU JOOGA GURIGA RAYSAL-WASAARAHA UK

Xilka Mdaxwayne Obama ayaa ku eg labaatanka Bisha Jannaayo oo maanta ah. Waxaanay Hablaha uu dhalay Madaxweynihii Obama xilka kala wareegay Bush oo la kala yidhaahdo Jenna Bush-Hager iyo Barbara Bush Warqaddan ay u soo qoreen Gabdhaha Maanta ka guuraya Guriga Cad ee Obama dhalay ku tusaaleeyeen marxaladaha nolosha, iyaga oo ku baraarujiyey nolosha ay soo mareen inay wax ka dhaxlaan, isla markaana isu diyaariyaan la qabsiga nolosha cusub ee caawaba uga bilaabmaysa.

Gabdhahaas Bush dhalay, ayaa ku noolaa Aqalka Cad siddeed sano intii u dhaxaysay 2001 illaa 2009-kii oo Obama iyo Qoyskiisu iyaga beddeleen, markaas ay iyagu sidan maanta oo kale 2009-kii uga guureen Aqalka Cad, ka dib waxay billaabeen Jaamacado iyo Shaqooyin.

Waatan Warqadda ay Labada Hablood ee ilma Bush u soo qoreen dhiggooda ilma Ubama oo ay oo ay daabacday Jariiradda Time Magazine, isla markaana ay soo turjuntay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannaguna ka soo xigannay Qoraalka Warkan. Waxaanay Warqaddaasi u dhignayd sidatan:-

“Malia iyo Sasha siddeed sano ka hor maalin uu qabaw jiro oo bishii Nofembar ka mid ah waxaan idinku salaannay Albaabka Aqalka Cad. Waxaa indhihiinna ka muuqday farxad iyo in aad rabteen in aad wax ka ogaataan Gurigiinna cusub.

Waxaan wakhti hore ka soo tagnay shaqooyin kayagii Baltimore iyo New York, waxaanan u safarnay magaalada Washington si aan idiin kala barno Aqalka cad. In aan idin tusno Guriga jiifka ee Lincoln iyo Sariirihii mar ahaa kuwayagii, si aan idiin barno Dadka oo dhan, kuwa Ubaxyada ka shaqeeya, kuwa beeraha iyo qaabdhismeedka kale ee dhulka ka shaqeeya iyo shaqaalaha kale ee noloshooda geliyay in dhismahan taariikhiga ah uu noqdo Guri. Afarteennuba waxaan si tartiib ah u dhex lugaynay Hoolalka cajiibka ah ee ku yaalla Gurigaas oo aad ku qasbanaydeen in aad u soo wareegtaan

Siddeed sano ka dib wax badan ayaa idiin qabsoomay. Wax badanna waad aragteen. Waxaad istaagteen Albaabbada Xabsiga Robben Island, halkaas oo uu tobannaan sano ku xidhnaa Nelson Mandela-hii Koonfur Afrika, idinkoo Aabbihiin idin ag taagan yahay.

Waxaad u socdaaasheen Liberia iyo Morocco idinka oo Hooyadiin la socda; si aad ula hadashaan Gabdho, uguna sheegtaan ahmiyadda waxbarashada. Gabdhahaas oo iyaguna idin arkay, Waalidkiinna arkay, kuwaas oo arkay cidda ay noqon karaan haddii ay aqoonta sii wataan oo ay wax bartaan.

Waxaad ka qayb-gasheen Cashooyin ay Xukuumaddu samaysay, waxaad la kulanteen Hoggaamiyeyaasha caalamka, waxaana idiin suuragashay in aad ku qosashaan kaftankii uu Aabbihiin ka jeediyay Xafladda sannadlaha ah ee Aqalka Cad ka dhacda ee loo yaqaanno Thanksgiving turkey pardon, idinkoo Carruur ahna waxaad dhigateen Iskuul, waxaanad yeelateen Asxaab.

Hadda waxaad ku biiri doontaan koox kale, idinkoo ka mid noqon doona Carruurtii Madaxda hore, idinku maydaan dalbannin, mana jirto wax shuruuc ah oo u dejisan kooxdaas. Laakiin, wax badan ayaa idin horyaalla. Waxaad hoosta ka xariiqi doontaan taariikhda noloshiinna, taas oo ka baxsan ku hoos noolaanshaha Waalidkiin oo caan ah, laakiin waxaa weligiin idinla socon doonta khibraddii aad kororsateen siddeeddii sano ee la soo dhaafay.

Marnaba ha illoobina Dadka wanaagsan ee Aqalka Cad ka shaqeeya. Cilaaqaad dhaw ayaan lahayn Dharcaddeenna ama Sirdoonkeena. Qayb ayayna ka ahaayeen korniinkayagii: Waxay la socdeen Shukansiyagii u horreeyey, maalmahayagii u horreeyey iyo xitaa Faraanti-gelis kayagii iyo todobaxayagii-ba.

Waan ognahay markaste arrin sahlan ma ahayn, labdiina iyo labadayaduba da’yar ayaan ahayn Niman ayaana markasta innagu ladhnaa. Laakiin, noloshoodii ayay teenna darteed u xakameeyeen.

Koleejkiinna ku raaxaysta. Sida uu Adduunku ogyahay Annagu sidaa ayaan samaynay, garbihiinna yaryarna culayskii Adduunku ma saarna hadda, waxay hiwaayadiinnu tahay sameeya. Qofkaad tihiin barta, khaladaad ha idinka dhacaan waa la idiin oggol yahay.

Waxaad sii waddaan in aad naftiinna ku xeertaan Saaxiibbo daacad ah oo aqoon idiin leh, mafsuud idinku ah oo idin difaaca iyaga oo aan baqayn. Kuwa marxaladda aad maraysan idinku qiimeeya idinma jecla, waxay idin dhahaanna qiimo ha u yeelina, taas beddelkeedana waxaa muhiim idiin ah niyaddiinna.

Wixii aad korodhsateen oo dhan la soo taga, ha noqoto Dadkii aad la kulanteen, Casharradii aad ka barateen, taasina ha idinka caawiso in aad isbeddel wanaagsan la timaaddaan. Shaki nagagama jiro in aad sidaas samayn doontaan.

Safarradii aan Waalidkayo la galnay waxaan ka barannay wax ka badan, waxkasta oo aan fasal dhexdii ku baran karaynay. Indhahayaga ayay u fureen Dad cusub iyo sidoo kale dhaqammo iyo fikrado cusub.

Waxaan la kulannay shaqaale Wershadeed oo Michigan ku sugan, Macallimiin California jooga, Dhakhaatiir dawaynaya Dad jooga Xadka Burma, Carruur taagan waddooyinka boodhka leh ee magaalada Kampala; si ay u arkaan Madaxwaynaha Maraykanka, iyo Carruur qaba Fayraska HIV oo sugaya in ay helaan Dawada Antiretroviral, taas oo laga yaabo in ay noloshooda badbaadiso.

Gabdh dhuuban oo qabta Saakadeedii ugu qurux sanayd waxay u muuqatay da’yar, laakiin may ahayn. Wax yar ayay ahayd, sababtoo ah; way xanuunsanayd, Hooyadeed waxay sheegtay in aanay filaynin in ay noolaan doonto si ay u aragto in Dawadaasi ay shaqayn doonto. Laakiin, laga yaabo iyo in ay arkaan Gabdhaha iyo Wiilasha ay Walaalaha yihiin. Markii aan Gabadhaas la kulannay ka dib, Barbara waxay ku laabatay Iskuulka waxaanay beddeshay Cilmigii ay rabtay in ay ku takhasusto iyo waliba waddadii nolosheeda.

Waxaad ku soo noolaydeen cadaadiska aan la aammini karin ee Aqalka Cad, waxaad dhagaysateen eedaymaha ad-adag ee Waalidkiin ay u soo jeedinayaan Dad aan xataa waligood la kulmin.

Waxaad u soo joogteen iyadoo Waalidkiin ay ka yaraadeen in lagu soo qaado Wararka ugu doorka roon, Waalidkiin oo wax walba idinka hormariyay, kuwaas oo aan Adduunka idin tusin oo keli ah ee weliba idin siiyay. Siday Waligoodba soo ahaayenna rukummo adag ayay idiin noqon doonaan, idinka oo bilaabaya Cutubka xiga ee noloshiinna. Annaguna sidaas oo kale ayaan idiin tilmaami doonnaa.” Sidaa ayey Gabdhaha Bush dhalay ku yidhaahdeen Warqadda ay u qoreen Hablaha uu Obama dhalay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.