Gambia:- Madaxweynaha cusub oo lagu dhaarinayo Senegal

Gambian(Aftahannews.com)- Madaxweynaha la doortay ee Gambia, Adama Barrow, ayaa sheegay in xafladda lagu dhaarinayaa gelinka dambe ee maanta dhici doonto, laakiin waxay ka dhici doontaa buu yidhi safaaradda Gambia ku leedahay Dakar oo ah xaruta dalka ay olloga yihiin ee Senegal.

Qoraal uu bogiisa twitter-ka ku baahiyay ayuu ku sheegay in qof kasta martiqaadku u furanyahay saacaddu markay tahay 7:00 fiidnimo Geeska Afrika.

Ninkii doorashada ku guul darraystay, Yahya Jammeh, ayaa isagu weli ku sugan xarunta Gambia waanu diidanyahay inuu xilka ka dego, in kasta oo ay hogaamiyeyaasha dalalka Afrikada Galbeed ku handadeen inay tallaabo milatari qaadi doonaan.

Isku daygii u dambeeyay oo uu waday madaxweynaha Mauritania oo habeenimadii Arbacada gaadhay Gambia aya isna fashilmay oo aan midho dhalin.

Ciidamada dalalka Galbeedka Afrika ayaa haatan dhooban soohdinta dalkaa, wararka qaarna waxay tibaaxayaan in guuto ciidanka Senegal ka tirsani durba gashay dalka, oo ay taageerayaan askar Gambian ah.

xIGASHO BBC