Somaliland: Abaar Talo iyo Abaar Duunyo Qalinka: Muuse Jaambiir

ABAARAHA-SOMALILAND-PHOTO-FILE-2016

Gaajo ma jirto/ Waa jirtaa. Abaari ma jirto/ Waa jirtaa. Doorashadu kuma dhici karto waqtigeedii/ Way ku dhici kartaa. Kaadhadhka halla qaybiyo/ Lama qaybin karro oo Abaartaa diidday. Dadka halloo gurmado, doorashaduna waqtigeeddii ha dhacdo/ Suuragal maaha taasi ee marka hore codbixiyaha halloo gurmado, doorashadanna dib halloo dhigo. Dadka reer miyiga ah ee abaartu haysaa awalba saamayn badan kumay lahayn doorashada ee yaan loo joojin/ Qofna xuquuqdiisa lagama qaadi karro, abaartunna dadkoo dhan bay haysaa miyi iyo magaalabba.

ABAARAHA-SOMALILAND-PHOTO-FILE-2016
ABAARAHA-SOMALILAND-PHOTO-FILE-2016

Qof kastaabba halkuu u qaxay kaadhka ha loogu geeyo oo ha ka coddeeyo, doorashaduna ha dhacdo waqtigeeddii/ Sharcigu wuxuu dhigayaa in qof kastaaba halkuu iska diiwaan geliyay ka coddayn karro ee aanu meel kale ka coddayn karin. Midda kale, kala badh baa xuduudaha ka talaabay oo Soomaaliya iyo Itoobiya galay, mid badweynta hindiya hor joogsatay socodkiisii iyo mid kaleba ee sidee kaadhadh loogu qaybinayaa. Komishanka doorashadu wuxuu yidhi, 57% dadkaanu diiwaan gelinay ma joogaan goobihii/ Waxa kaloo uu yidhi, waanu qaban karraa doorashada 28 march.

Abaartu dalkoo dhan baysaa/ Maya, goboladda barri uun bay ka jirtaa.  Galbeed laftiisa qayladdu waa ka soo yeedhay/ Way iska ciyaarayaan. Wasiir hebel dadka tabaalaysan ee deegaanadda barriguu ka wacyi gelinayaa inay aqbalaan shidaal baadhista/ Wasiirad heblaayonna gurmad bay gaadhsiisay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee galbeedka joogga.

Hay’addii Nerad ee aafooyinka u qaabilsanayd qaranku meedday? Wasiiradda iyo wadaaddada Guddiga abaaraha waydii. Wasiir heblaayo milyan bay ku wareejisay guddiga abaaraha, shirkad heblaayonna nus malyuun doollar……

Dadku way ooyayaan/ Maya, way qoslayaan. Dad baa haraad iyo gaajo u dhinta/ Maya, doorashada wanjalka halaga daayo. Sicir barar baa danyartii hadhimo tiray/Maya, hudheeladu waa camiran yihiin. Berbera dawladda Imaaraadka Carabtaa saldhig millateri laga siiyay.

Lagama siin karro/ waa laga siin karraa. Khatar buu inagu yahay/ Inaguma aha ee waa faa’iido soo korodhay. Masar baa imanaysa oo Itoobiya ma ogolla/ Itoobiya maxaa inaga galay danteenaynu eeganaynaaye. Ictiraaf hala dhaafsado/ Maya, wixii suuragal ah. Madaxweynuhu wuu iscasilayaa oo Saylici buu ku wareejinayaa taladda/ Maya, Madaxweynuhu wuu joogayaa. Waxaasi waa biyo/Maya, waa dhalanteed……………..

Kala maan, maanta Somaliland waxay ku jirtaa marxalad adag. Waxa is dhex socda iyo weesaaqa waqtiga midna ma yarra. Xukuumadda, Labada Gole ee Baarlamaanka, Sadexda Xisbi, Komishanka Doorashooyinka iyo Guddiga Abaaraha dhamaan jillayaashii qaranka ee wadaagga ku ahaa masuuliyadda duruufaha jirraa waxay u eg yihiin qaar aan qiimayn karin ficilkoodda.

Jillaaga riwaayadu haddaanuu u ekaan duruuftuu jillayo, Jillaa ma sii noqdo ee sidaasuu ku fashilmaa, daawadaha maankiisunna ma aqbalo. Haatan, waxay u eg tahay in lagu fashilan yahay sidaynu uga turjumayno xaalkeenna iyo waxaynu maanta ku suganahay. 

 Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.