Kulmiyoow Haddaan Dhimanno Geeridu Kolbay Nolosha Dhaantaaye! W/Q- Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

15178148_10202742464598909_777286201302261828_nHargeysa, (Aftahannews.com)-Inta badan dadku ma xasuustaan wixii la soo dhaafay haddii aan la qorin oo aan la diiwaangelin, Dabadeedna aan diiwaanka laga baadhin Xaalad kasta oo timaadda Wakhtiga lagu jiro. Mar haddii aanu jirin diiwaan dib loo raaco, waxa yaraata fahamka xaaladaha murugsan ee had iyo jeer inala soo gudboonaada. Akhristayaal warbixintan waxaynu ku eegaynaa in yar Xasuusta waxa aan ku koobi doonaa kulankii  dhex-maray ee kaga wada hadleen qabsoomida doorashooyinka hogaamiyaasha saddexda xisbi ee Waddani, UCID, Kulmiye iyo Guddida doorashooyinka Somaliland iyo sidda uu yahay xaalka wakhti xaadirkan maanta ku jiraan ummadda ku nool gudaha dalka Somaliland.Qodobaddii ay ka wada hadleen ee muranka siyaaasadeed ka dhex dhashay ma yahay arrin ka turjumaysa Shacabka Iyo xaalada maanta dalku ku jiro?

Murashaxiinta  jagada Madaxweynaha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee Waddani, UCID iyo Kulmiye Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa jagada Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku khilaafay qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo qorshaha qaybinta Kaadhadhka cod-bixinta doorashada oo ay Guddiga doorashooyinku u soo bandhigeen, ka dib markii ay sabtidii todobaadkan aynu ku jirno shir ku yeesheen xarunta koomishanka doorashooyinka ee Hargeysa. Isla markaana  Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa soo jeediyey in la qabiyo Kaadhadhkaas, doorashadana la qabto xilligii loo cayimay inay dhacdo.halka labada murashax ee xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa soo jeediyey innaanay suuragal ahayn in doorashada Madaxtooyada lagu qabto wakhtigii ay u muddaysnayd oo ah 28-ka bisha saddexaad ee sannadkan 2017-ka.

Shacabka reer Somaliland oo inta badan ah dad xoola-dhaqato ah oo reer guuraa ah, miyi iyo magaalana noloshoodu ku xidhan tahay xoolaha nool, laf dhabarka wax soo saarkooduna yahay, una iibgeeya waddamada carabta iyo wadamo kale oo adduunka ah, ayaa waxa ku dhufatay cidhif, ka cidhif abaaro isku xiga oo soo noqnoqday oo daba dheeraatay. Abaarta labadii sanno ee u dambeeyay 2015-kii,2016-kii,la kawsadayna sanadka cusub ee 2017-ka, ayaa abaar dad iyo duunyaba galaafatay waxay ku habsatay Gobolada bariga Somaliland, iyadoo abaartani ka jirta dhamaan gayiga Soomaalidu degto, isla markaana Gobolada bariga ee Sool, Sanaag, Togdheer, Saraar, Saaxil iyo koonfurta Hargeysa, ayaa ah meelaha ugu daran, iyadoo maanta deegaanka kala jeex oo ka tirsan Gobolka Saraar ay haraad iyo gaajo ugu dhimatay inan-yar oo da’deedu gaadhayso siddeed jir, halka inan yar oo da’diisu gaadhaysay 12 jir uu hore ugu dhintay deegaanka Coodale oo ka tirsan Gobolka Togdheer. Dhamaan bulshadii reer guuraaga aheyd ee xoola-dhaqatada Gobolada bariga Somaliland, ayaa u kala hayaamay deegaano fog-fog oo ka mid yihiin Gobolka Karkaar, Shushuban oo ka tirsan deegaanada Puntland, halka qaar kalena ka dhaceen dhulka loo yaqaan safeeriya ee Itoobiya,iyadoo inta badan dhamaan hawanayaan deegaanada bariga, dadkiina ka wada cararay oo tuulooyinkana ay ku hadheen dad jilicsan oo tahli waayey socod, isuguna jira ubad yar-yar, haween iyo Odayaal da’ah, isla markaana ku nool xaalad argagax leh. Soomahaadka gaajada,  haraad  lagu saliilyoodo, silic, macaluul iyo dar-xumo ladalanbaabiyeyaan xaalada cakiran ee ba’an ee abartu keentay ayaa horseeday in barakacaan shacabka reer Somaliland oo Itoobiya  iyo meelo kale galay.

Geesta kale, labada murashax ee xisbiyada mucaaridka Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arragtidooda ku aadan in doorashada xilligii loo cayimay la qabto. “Sool oo kale 95%, Sanaag 85%, Togdheer 67%, Maroodi-jeex oo Bulshadu joogto 57%-kiiba iyo kuwo kale.Annagu waxaannu soo jeedinnay oo nidhi; ‘Lama qaybin karo Kaadhadhka’ waayo? Waa in la sila helaa Qofka iyo Kaadhka. Muuse oo Xisbi Xaakimkii ahina (Guddoomiyaha Kulmiye) wuxuu leeyahay waa la qaybin karaa. Waddani wuxuu leeyahay lama qaybin karo, waa markii uu horraysey ee Annaga iyo Waddani aannu isku mawqif noqonno. Markaa, way ammaanan yihiin Guddiga doorashooyinku wax fiican oo cad bay soo qoreen. Maanta Anigu waxaan qabaa in laga fikiro sidee Dadkeenna loo badbaadiyaa, ee aan laga fikirin sideed food u heshaa.”Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabi

Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Mawqifka Xisbigooda “Inkasta oo aannaan jeclayn inaannu ka hor-dhacno, laakiin guud ahaan waxaannu qabnaa in dhammaan Muwaaddiniintu ay xaq u leeyihiin kaadhadhkoodii inay helaan si ay doorashada u codeeyaan.” Inkastoo murashaxa xisbi xaakimka talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadal arragtiddiisa ku wajahan in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirka madaxtoyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilli socdaal uu ku tegay bariga mar uu hadal ka jeediyey magaalada Burco, ayaa sheegay in doorashada qabsoomidaada iyo abaarta isku dhex-wadayaan oo xisbiga Kulmiye diyaar u yahay inay galaan doorashada, markaa xaalka xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiye miyaanay u eekeen maanta eraygii ahaa:- “Doqon dharagtay waa lagu yaqaan, daaca-qudhunkaase” ayuu Cumar Fakad waa horre ku sifeeyey Cali Banfis, laakiin-se maanta waxa ka dhigan qolada aafooyinka abaaraha ee dhacay qolada tidhi waxaanu doonaynaa in doorasho la qabto oo shacabkuna noo codeeyaan.

Hase yeeshee, Markaan taa ka shidaal qaadano, maanta saameynta abaarta ee sholosha shacbka iyo xaalka dalku ku sugan yahay iyo siday wax u socdaan Madaxweynihii umaddan iyo murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyaga arrinkoodu ma waxa weeye waxba kama galin Kulmiye shacabka dhimanaaya ee ha iska dhinteen geeriduba kolbay nolosha dhaantaaye.?

haddaan laga hortangin, oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Wasiirada talada weyn ku leh go’aankiisa iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye caqligoodu yidhaahdo doorashada wakhtigii loo cayimay ayay dhacaysa waxa marag madoon ah innaaney dad iyo dal ka naxayn ee talo la gudboon tahay. Haddaba haddii lagu sii socdo, humaaga filashada libdhada soo socotaa siduu noqonayaa xaalka ummaddan la daala dhacaysa abaarta keentay gaajada, haraadka, cudurada iyo macaluusha, haddii la yidhaahdo codeeya?

Faallo Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

Caarshe7@hotmail.com