Taxaabistaydii & Tacaddigii aan Arkay (20kii Ogos 2016 illaa 15kii Nofember 2016) Q-2aad – Siciid M. Gahayr

SICIID MAXAMUUD GAHAYR IYO TACADDIGII 88-KA CISHO QABSADAY XABSIGA 2017

Qaybta Labaad: 88kii Maalmood Ee C.I.Dda Hargeysa! Waxa Qoray Siciid Maxamuud Gahayr

Maxamed-dheere waxa uu ii tiriyay madaxii ciidanka ilaalada u ahaa xarunta unugga argaggixisada C.T.U (Center for Terrorism Unit). Halkaa waxa la igaga qoray macluumaad ay ka mid yihiin magacayga, magaca hooyaday, xaafadda aanu deggenahay, magaca sarkaalkii i soo qabtay, qolada aan ahay IWM. Inta la i weydiinayo cidda aan ahay waxa aan ka jeclaa iyada oo xaaladdayda caafimaad la iga waraysto.

SICIID MAXAMUUD GAHAYR IYO TACADDIGII 88-KA CISHO QABSADAY XABSIGA 2017
SICIID MAXAMUUD GAHAYR IYO TACADDIGII 88-KA CISHO QABSADAY XABSIGA 2017

CTU waxa ay maxaabiistu u taqaannaa Ciidanka Tacaddiga Ummadda, waxaanay ka kooban tahay 11 qol oo maxaabiista loogu tala-galay, qol seello ah oo dadka lagu ciqaabo, xafiisyada wareysiga, qolka sawirka maxaabiista iyo fara-qaadista, la-talinta sharciga iyo caafimaadka. Qol kastaaba waxa uu qaadaa laba maxbuus, sidaas darteed waxa ugu badnaan lagu xidhi karaa 22 qof. Waxa garba-duub la ii geeyay qolka kowaad ee CTU, waxa yaallay laba furaash oo bac ah, wax hu’ga hurdada ahna ma sidannin. Keligay markii la igu abudhay ayaan walaacay “ma inaad waalato ayay rabaan? Meeshan lagugu xareeyay maxay ahayd. Yaa? Cirka jeex ha soo dumiyaan, haddii ay awood u leeyihiin. Halka ay doonaan ha ku geeyaan. Khayr bay noqon” ayaan naftayda kula faqay.

Wax aan keligay is-qalabaa-geddiyo oo aan cid kale dhawro si aan qol-wadaag u helo, duhurnimadii ayaa makhsinkaygii lagu soo xidhay nin lagu magacaabo Sheekh Maxamed Faarax Raage, oo birta la soo dhaafiyay kaddib markii la arkay isaga oo maxkamadda dhexdeeda wax ka qoraya dacwad ku socotay haweenay uu adeer u yahay, markaas ayaan cidla’dii ka baxay. “Soo-dhawaw hal habeen kaa soo horreeyee” ayaan idhi. Kolka maxbuus la arko waxa la yidhaahdaa “mid baa soo dhintay”, inta laga aammuso ayaa qofka barooga ah la wareystaa.

Garsoorihii dacwadda gacanta ku hayay ayaa amray in la xidho, kaddib markii uu qoraal uu qorayay uu cawday dembi-baadhidhii gacanta ku hayay kiiska haweenayda loo haysto, oo marag ahaan u hadlayay. Wadaadkani waxa uu maamule u yahay malcaamado Quraanka lagu barto oo Boorame ku yaalla, waxaanu socdaal kaga yimi Gobolka Awdal. Inkasta oo ay sii-deyntiisa ka ergeeyeen madax-dhaqameed iyo bulsho kale, waxa la sii daayay markii uu xidhnaa dhawr iyo afartan cisho.

Waxa ku xidhan laambad dhererkeedu yahay shan taako, ballaceeduna yahay laba taako. Iftinkeedu ma aha mid sinaba loo xammili karo. Iyada oo magaaladu ilays u baahan tahay ayaa qol lagu rakibayaa guluub boqol kun oo waat ah, tan waxa aan u fahmay in ay tahay nooc jidh-dil ah. Markii uu nalku i dawakhiyay ayaa aan codsaday in la iga dembiyo, waana la ii fuliyay. Weli Hargeysa guluub la iftiin ah, xaafado dhan ayaa ay keligeed nuurin lahayd.

Qolku waxa uu leeyahay meel biyaha laga cabbo, waxa ku dhex yaalla suuligii iyo dhuun biyaha gudaha keenta oo laga cabbo. Marka aad xaajo gudanayso, qofka kula xidhani waa uu sii yara jeedsanayaa. Cuntada waxa aad ku ruugaysaa godka qashinka agtiisa! Haddii ay biyuhu kaa go’aan waxa aad gelaysaa xaalad murugo leh. Baalleyda iyo kaneecada meesha ku nool lama koobi karo. Markii aan dhawr cisho ku xidhnaa waxa aan maqaarka ku arkay boqollaal qaniinyo oo igu yaalla. Wixii dhiig igu jirayba kaneecada ayaa dhuuni ka dhigatay oo dheecaansatay. Dhirmaanyo/kaneeco uun maaha baalleydu, qaar aanan hore u arag iyo kuwo kale waa ay buuxaan.

Waxa adag in lagu soo booqdo, 24 cisho oo aan CTU ku jiray waxa ii yimi dhawr qof oo oggolaansho ka helay Taliyaha C.I.D. Inta kale waa la celin jiray. Dadku marka ay arkaan in lagu karantiimeeyay waa ay walbahaarayaan. Xaruntan la igu dhaadhiciyay waxa la dhisay dabayaaqadii sannadka 2013ka, waxaana loo nashqadeeyay qaab aad u xeel-dheer. Waxa aad dareemaysaa in lacag badan lagu bixiyay aloosideedda.

Habeennimadaa la isoo madallufiyay, waxa aan askarta ka codsaday in casho la ii keeno, maadaama oo boggu i madhnaa. Nafar bariis ah oo aan ku bogaadinayo ayaa aan safraddii ku tiray. Sidoo kale waxa ay iga qoreen taleefannadii qoyskayga si ay xadhiggayga ugu sheegaan, waxaana warka la gaadhsiiyay walaalladay, waalidkay iyo odayaal aanu xigto nahay.

Inkasta oo aan xusay dhaliilaha rugtii la igu raariday, waxa samaanteeda ka mid ah in la ilaaliyo faya-dhawrkeeda. Arooryo kasta waxa ka shaqeeya illaa saddex dumar ah oo xaaqa, maydha isla markaana saxar-tira qol kasta, daaradda iyo xafiisyadaba. Xarunta CTU iyo Xabsiga Weyn ee Hargeysi waa ay ka nadaafad-roon yihiin saldhigyada geerida ah ee ku yaalla caasimadda Somaliland.

Kolkii qorraxdu soo baxday, ayaa albaabka la iga furay si qolka loo nadiifiyo, waxa aan arkay qaar ka mid ahaa maxaabiista oo xidhnaa wakhtiyo kala duwan. Oday weyn ayaa yidhi “Waxa aan moodayay in uu dalku sidan dhaamo. Muddadii aan halkan ku jiray waxa aan ogaaday heerka ay caddaalad-darradu marayso”. Qaarkood waxa ay xidhnaayeen muddo sannad dhaafaysa, kuwo kalena bilo iyo maalmo ayaa ay taxaabnaayeen. Maxaabiis subaxnimadaas maxkamadda loo qaadaay, waxa loo soo gooyay rumaan ‘xadhig-xalaalayn’ shan iyo afartan maalmood ah. Waxa ka socda ganacsi aadame oo laga macaashayo “Human Business”

Aroornimadii 21ka Ogos 2016ka waxa ii yimi hooyaday, walaashay iyo dad ehel ah, kuwaas oo aan u sheegay cidda aan u xidhanahay, misana waxa aan ku taliyay in loo tago odayaal aan u arkayay in ay xalka ka qayb-qaadan karaan. Waxa la ii keenay caw iy go’ aan ka dugsado ciqaabaha aan ku jeebbaysanahay. Kaddib markii aanu bariido iyo bandhig-hawleedba is-dhaafsannay ayaa ay dib u laabteen. Waxa sharci ah in qof C.I.D ahi idin ag-istaago marka aad wada hadlaysaan. Hadalkayagana waxa dhegta u raaricinayay basaas weyn oo ay billado garbaha u sudhan yihiin.

Maxaabiista oo keliya lama dhegaysto, maalmaha Jimceyaasha iyo Ciidaha waxa aad arkaysaa askartii dembi-baadhista oo ku lebbisan khamiis iyo cumaamad. Halkee ayaa ay aadaan? Iyaga ayaa ku odhanaya “Khudbadaha ayaanu soo dhegaysanaynaaaa. Hebel waxa loo diray masaajid hebel, anna masaajidkaas ayaan tegayaa”. Subxaanallaah! Bal culimadu ha feejignaato. Qaar ka mid ah maxaabiista waxa laga reebaa moobillada, inta la furo ayaa la daba-galaa cid kasta oo soo wacda. Kuwo kalena waxa lagu dirqiyaa in ay furaan emailka, Facebook iyo barahooda ay xidhiidhka kula sameeyaan bulshada. Waxa la qalabaa-geddiyaa oo sir iyo caadba loo baadhaa kombuyuutarrada maxaabiista.

Misana waxa hiirtii waaberi ii ee subaxnimadaas ii yimi Gaashaanle Cabdi Xasan Cismaan “Cabdi-kiin” Madaxa baadhista C.I.D, canaan iyo guulguul gar ah ayaa na dhex-maray, waxaanu u dhacay sidan:

“Waaryaahe warran?”

“Waa nabade saw dhag maaha?”

“Waa khayre, maxaad samaysay?”

“Maqaallo aan kaga hadlayo dadkii dhulkii madaarka laga qaaday ayaan qoray”

“Miyaanan ku odhan waxan iska daa?”

“Tani hawl guud ayay ahayd. Qof mucaarid ah oo hadli kara ayaan ahay”

“I maqli weydaye, bal halka ay gaadho aynu eegno”

“Khayr bay noqon”

Mid Cabdi-kiin la socday ayaa i maagay oo yidhi “Adigu ma af-hayeen ayaad u tahay. Maxaa kaa galay dadka dhulka laga qaaday?”. Waxa aan ku garnaqsaday in aan duudsiga la iska indha-tiri karin.

Habeennimadii 21kii Ogos 2016ka ayaa dibadda la ii soo saaray waxaana la ii geeyay Gaashaanle Sare Daahir Muuse Abraar Taliyaha C.I.D oo diyaar ku ahaa xafiiskiisa si uu ii wareysto. Markii aanu indhaha isku dhufannay labadayaduba waanu dhoolla-caddaynay, “Waar Siciid ma soo noqotay?” ayaa uu si kaftan ah iigu yidhi “Haa adeer, waa iska waayaha adduunka” ayaan idhi. Taliyaha waxa horyaallayay saddex maqaal oo aan qoray 14kii, 17kii iyo 18kii Ogos 2016ka, waxa dheeraa warqad aan summad, tixraac, taariikh iyo xog kale la soconnin oo afka Ingiriisiga ku qornayd. In aan saddexda maqaal qoray ayaan u sheegay, aniga oo intaas raaciyay in aanan waxba ka ogeyn qoraalka luqadda qalaad ku qoran.

Dabagal badan oo aan sameeyay, waxa aan ogaaday in warqaddaas la qoray 25kii Mey 2016ka, haddii muddadaas la hayo daliil loo cuskado in aan qoray, maxaa saddex bilood kaddib la iigu eedeeyey? Intii horeba magaalada waan joogee maxaa la iigu la xisaabtami waayay? Ma maqaallada runsheegga ah ayaa lagu kabayaa wanjalka?

“Ninkani waxa uu ku fiican yahay, ma dafiro wixii uu qoro” ayuu yidhi Taliyuhu. Waxa uu akhriyay, su’aalana iga weydiiyay saddexdii maqaal ee aan qoray. Mar waxa uu yidhaahdaa “Waad fiican tahay haddii aad xuquuqda dadka u doodayso”. Xilliyo kalena waxa uu yidhaahdaa “Dadka ay madaxweynaha xigaalka yihiin, miyaanay ahayn muwaaddiniin xaq u leh in ay dadlka maal-gashadaan?”.

“Waa muwaaddiniin xaq u leh in ay dalka maal-gashadaan. Laakiin aniga miyaa la ii oggol yahay in aan madaarka wax ka maal-gashado? Haddii keligood loo fasaxo, anigana la ii diido waa sharci-darro” ayaan idhi. “Maxaa aad maal-gashan lahayd?” ayaa uu yidhi. “Imaka waan xidhanahay, xilligeediina lama joogo” ayaan hadalkii ku af-jaray.

Mar kale aniga oo qof ahaan wax weydiinaya waxa aan ku idhi “Adeer, maxaad qaybta argaggixisada igala doontay. Miyaad i geysid qaybta kale ee maalintii hore la igu xidhay?”. Taliyuhu waxa uu yidhi “Adeer wallaahi waa ay buuxdaa, waxa ku jira 42 maxbuus caawa, idinkuna 19 ayaad tihiin. 62kaas qof ayaa wadar ahaanna xidhan. Meel cag la dhigaa kama bannaana. Iska joog, halka aad ku jirto ayaa nadaafad badane”. Cabbaar kolkii aanu weydiimo, haasaawe guud iyo sheeko wadaagnay ayaa dib la iigu celiyay makhsinkii hoyga ii ahaa.

Arooryo Axad ah, 22ii Ogos 2016ka ayaa maxaabiis aan ku jiro loo qaaday Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Dembi-baadhihii igu lammaanaa oo ahaa Maxamed-dheere ayaa xeer-ilaalinta ku yidhi “Ninkan kiiskiisa waxa ku qornaa Taliyaha, laakiin saaka hawl ayuu ku maqan yahay sidaas awgeed ayaan u soo raacay. Waxa aanu doonaynnaa in aad xadhiggiisa noo xalaalaysaan oo aad toddoba cisho rumaan u dirtaan”. Waxa aan idhi “Maxaa toddobada cisho la qabanayaa? Wixii aan qoray waa la hayaa, wakhtiga soo koob”. Dusha ayuu xeer-ilaaliye bannaanka xafiiska fadhiyaa galkii dacwadda kaga qoray “U tixgeli codsigooda”. Maxaa la xalaaleeyaa? Miyaan hore loogu maahmaahin “hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”

Waxa la ii gudbiyay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo uu amintaas fadhiyay Garsoore Yaxye Xuseen Cali oo aanu isku gedo ahayn geeddiggii waxbarasho ee dugsiga sare annaga oo Maxamuud Axmed Cali wada dhigan jirnay, si la mid ah ayaan u kala qeexay waxa aan qabo iyo waxa qadafka igu ah. Kolkii uu dhuuxay hadalkayaga, waxa garsooruhu uu baadhaha faray in ay afar cisho ku soo caddeeyaan warqadda Ingiriisiga ah ee la igu eedaynayo, taasina waxa ay ku ekayd 27kii Ogos 2016ka. Laakiin ballantaas lama oofin.

La soco qaybta saddexaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.