Xinjiang(Aftahannews):- Macdan-qodayaal ka shaqeeya deegaannada magaalada Xinjiang ee dalka China, ayaa sheegay inay Dhulka Hoostiisa Nolol kaga soo saareen Nin muddo 17 sano ka hor ah la waayey.
Waxaa mucjiso noqotay, ayaa ah markii ay Kooxdaani soo bandhigeen Ninkaas muddada 17-ka sano ah dhulka hoostiisa ku jiray ee inuu dhintay la aamminay markii lagu waayey dhul-gariir wakhtigaa ka dhacay deegaankaas uu ku noolaa, Cilmiga Illaahay la helo isagoo weli nool Ninkaasi.
Inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu muddo 17 sano ah ku jiray Dhulka hoostiisa, haddana Ninkani weli waa uu nool yahay, sida ay xaqiijiyeen Kooxdani Allaah ku beegay halka uu dhulka kaga hoos-jiray ee helay iyagoo Macdan qodanaya ama baadhanaya. Waxaanu Ninkani ka hoos maray Ciidda ka dib Dhul-gariir ku dhuftay Xinjiang, kaasoo cabirkiisu yahay 7.8.
Ninkan waxaa lagu magacaabaa Cheung Wai, waxaana la waayey sannadkii 1997-kii, waxaana xusid mudan inuu haatan yahay 59 sano jir, markii ay Dhulka kasoo saareen kooxdan Macdan-qodeyaasha ah Ninkani wuxuu ku jiray xaalad aad u xun oo caafimaad. Isla markii la soo saaray waxaa loola cararay Cusbitaalka oo lagu soo daweeyey Jidhkiisa iyo caafimaadkiisa. Sidoo kale, Caafimaadkiisa dhinaca Maskaxda, ayaa la sheegay in lagula tacaalayo Cusbitaal qaybta dhimirka (Maskaxda) qaabbilsan oo magaaladaas ku yaalla.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.