Mayeedhaanka Maxaa Loogu Gurman Waayey? Hilaal Yuusuf Axmed

Mayeedhaanka Dameerka Maxaa Loogu Gurman Waayey Qalinka Hilaal Yuusuf Axmed 2017

Beryahan dambe waxaa Caasimadda Hargeysa ku soo badnaya, oo lagu dhex arkayaa Waddooyinka, Dameeraha hawl-gabka ah, ee ku dayacan, isla markaana aan ciddii hawlgabka ka dhigtay ee sannadaha badan ku shaqaysanaysay iyo Bulshada kale toona ka helin wax daryeel ah, waxaanan is-weydiiyey su’aal a; tolow Mayeedhaankan xooggiisii lagu shaqaystay maxaa loogu gurman waayey?

Mayeedhaanka Dameerka Maxaa Loogu Gurman Waayey  Qalinka Hilaal Yuusuf Axmed 2017
Mayeedhaanka Dameerka Maxaa Loogu Gurman Waayey Qalinka Hilaal Yuusuf Axmed 2017

Sawirkan waa Dameer hawl-gab ah wuxuu ku sugan yahay degmadda 26-june gaar ahaan Xaafadda Boqol iyo Kontonka (150) isagoo halkaa muddo dhawr bilood ah ku dayacnaa, cidinna taakulaynin, lana daranyo-tirayn. Ka dib markii aan u kuurgalay xaaladdiisa nololeed waxa ay Dadku ii sheegeen in Ciddii lahayd ay dayacday, ka dib markii laga dhammaystay intifaacii uu awoodeed ee uu lahaa.

Dameerkan waxa dushiisa ka muuqda dhawacyo, markii la raran jiray soo gaadhay, waxaanan dhaawaciisa la socodsiiyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, balse wax jawaab ah ka bixin. Hase-yeeshee, taa beddelkeeda, waxaan jawaab ka helay, isla markaana si rasmi ah ugu wareejiyey Jaamacadda Gollis, qaybteeda Xannaanada Xoolaha, oo dawaynaysaa nabadarrada ka soo gaadhay rararashada markii uu xoogga ahaa.

Xogihii aan helay intii aan hawsha iyo caawinta Dameerkan ku jiray, waxay ii sheegeen Dadka qaarkood in marka uu noqdo Dameerku hawl-gab la geeyo duleedyada magaalada Hargeysa, oo ay Bahaluhu ku cunaan. Sidoo kale waxay sheegeen inay jiraan Dameero kale oo dayacan, oo la iska sii daayey markii ay talax-gabeen ee awooddoodii laga dhamaystay sannado badan oo lagu shaqaynayey ka dib, kuwaasoo marka dadkii awooddooda ku shaqaysanayey markay iska sii daayaan aanay jirin cid kale oo daryeesha cid sii firdhisa oo dhibaataysa iyo ciyaalka oo faraska dhigta mooyee.

Haddaba, si xal loogu helo dhibaatada haysata Mayeedhaankan marka manaafacaadkooda la dhammaysto la iska sii daynayo, waxaan farriin u dirayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo Dadka ka Ganacsadda Dameeraha inay waajib iska saaraan daryeelkooda.

Hilaal Yusuf Axmed

Hargeysa/Somaliland.