Sicir-bararka Maxay Diinta Islaamku Ka Tidhi? Maxaase La Gudboon Xukuumadda, Tijaarta iyo Bulshada?

WERIYE WALAALEEYE MUCEESSHADDA SHEEKH ALMIS IYO WAXAY DIINTU KA TIDHI SICIR-BARARKA 2017

Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleeye) … Illaahay waxa uu Aayad Qur’aanka ka mid ah oo Macnaheedu yahay innoogu sheegay in wax walba xalkeeda laaga helayo; “Wax aanu kaga tagnay Kitaabka Sheegistiisa ma jirto.” Taasoo inna faraysa in dhibaato kastoo Bulshada kula soo gudboonaata waayahooda nololeed inay u doontaan xalkeeda.

WERIYE WALAALEEYE MUCEESSHADDA SHEEKH ALMIS IYO WAXAY DIINTU KA TIDHI SICIR-BARARKA 2017
WERIYE WALAALEEYE MUCEESSHADDA SHEEKH ALMIS IYO WAXAY DIINTU KA TIDHI SICIR-BARARKA 2017

Haddaynu u soo laabanno Mushkiladda Sicir-korodhka muddooyinkii u dambeeyey bulshadeenna haysatay iyo dhibaatooyinka abaaraha baahsan ee haysta inta badan bulshada xoolo-dhaqatada iyo inbadan oo cidhiidhiga dalkeena iyo dunnida islaamka ummadahooda haystaba, waxa lama huraan ah inaynu uga raadsano xalkeeda kitaabka Alle iyo waxa diinta islaamku ka tidhi, iyo sida looga baxi karo xalkeeda.

Khudbadii Jimcaha Maanta oo Masaajidka Ibraahim-dheere kaga hadlayey Sheekh Almis Xaaji Yaxye dhibaatooyinka Sicir-korodhka iyo waxa Diinta Islaamku ka tidhi, sida Diintu ku sheegtay dhibtaa xalkeeda in lagaga bixi karo, waxaanu Sheekhu yidhi; “Diinteennu way innoo sheegtay in kheyrkii Ummadda Islaamku soo maray Qarniyadii ugu horreeyey, isla markaana Qarniyada ugu dambeeya soo mari doonaan dhibaatooyin hadday noqoto Sicir-korodhkan, Abaaraha iyo Mushkilad kastoo soo waajahda, sababna ay u tahay dunuubta dadku gacmahooda ku sameeyeen, sida Allaah ku sheegay Aayad Qur’aan ah oo macnaheedu ahaa; ‘Idinma haleesho mushkilad, haddii ay timaaddo-se waa wixii aad gacmihiinna ku kasbateen, inkastoo wax badan la idinka dhaafay’.”

Sheekh Almis, ayaa sheegay in dhibaatadan Sicir-korodhku wadato halista Fakhriga oo ku baaha guud ahaan Bulshada, maantana inta ugu badan dadkeennu waajahayaan, una sii dheer tahay dhibaatooyinka ku lamaan fakhriga oo ay ka mid tahay dunuubtu, illayn meesha fakhrigu soo galo waxa la socda dunuubtee, hadday tahay Beenta, Xaasidnimada, Sinada, wax kastoo xun, inta badan dadkuna ugu dhacayaan baahida iyo habrashada.

Haddaba, marka sidaa Diinteennu innoogu sheegtay sababaha keena dhibaato kasta, ha noqoto Sicir-korodh, Abaaro iyo Mushkiald kastoo soo waajahada Ummaddeenna Somaliland yo guud ahaan Ummadda Islaamka, ayaa isagoo Sheekh Almis ka hadlaya xalka lagaga bixi karo ee Diinteenna Islaamku innoo sheegtay waxa uu ku soo koobay saddex talo oo Xukuumadda, Tujaarta iyo Bulshada Somaliland iyo guud ahaan Islaamka uu u jeediyey.

Xukuumadda iyo Masuuliyiinta Ummadda xilkeeda haya waa waajib saaran, Illaahayna maalinta Aakhiro kala xisaabtamayo inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka maanta Bulshada Somaliland haysta, uguna horreyso Sicir-bararka xad-dhaafka ah ee maciishadihii daruuriga ahaa ee dadku quudanayeen ku soo kordhay, taasoo mushkilad Illaahay qiyaasi karo keligii sidday u saamaysay danyartii dadkeennu u badnaa keentay, waxaana looga baahan yahay inay si degdeg ah u soo farogeliyaan xal u raadinteeda, isla markaana dejiyaan siyaasad qiimo go’an oo danyartu awoodi karto in lagu iibiyo maciishada quutul-daruuriga ah, khasabna lagaga dhigo cid katoo ganacsato ah inay ku iibiso qiimaha loo gooyey, qofkii ka tallaabsadana sharciga la horgeeyo.

Sheekh Almis, ayaa sheegay in ijtimaaca Culimada Islaamku oggolyihiin marka xaalad noocan oo kale timaaddo in Xukuumadda talada haysaa qaaddo tallaabooyin ay ku fududeynayso culayska bulshada kala soo gudboonaada sicir-korodhka, una goyso qiimo go’an in lagu iibiyo maciishadaha la quuto sida Bariiska, Sonkorta, Saliidda, Daqiiqda iwm, taasoo waddamada caalamka hadday noqoto reer Galbeedka Dimuquraadiyadda iyo Ganacsiga xorta ah ku dhaqma iyo waddamada Carabtaba ay dawladuhu maamulaan qiimaha, wax diidayaana jirin. Waxa kale oo ay Xukuumaddu samayn kartaa inay soo iibiso raashinka quutal-daruuriga, sidaana uga sii iibiso ganacsatada, si xal loogu helo culayska bulshada wakhtigan haysta, hadday tallaabadaa qaadi weydana waa masuuliyad ay dayaceen oo Illaahay maalinta qiyaame kala xisaabtami doono.

Tijaarta reer Somaliland waan u duceynaynaa in Illaahay u barakeeyo tijaaraddooda, waxaanse kula dardaarmaynaa inay ummaddooda u naxariistaan wakhtigan adag ee ay marayaan, iskana ilaaliyaan in damac faa’iido raadis u horseedo tudhaale la’aanta ummaddooda, taasoo gayeysiin doonta, halis Aakhiro, sida Xadiis Nebigeennu CSW ku yidhi macnahiisu ahaa; “Taajir walba Aakhiro waxa uu soo bixi doonaa isagoo dembiile ah, kuwa naxariista, ee u dhibranaada ummaddooda mooyee.” Haddaba waxa la gudboon ganacsatadeena iyo cid kastoo saamayn ku leh cidhiidhiga sicir-korodhka maanta haysta bulshada danyarta dalkeena inay u tudhaan aakhiradooda, una naxariistaan naftooda iyo nafaha walaalahooda muslimiinta.

Ugu dambayn Sheekh Almis ayaa u soo jeediyey guud ahaan ummadda Somaliland iyo ummadaha Islaamka caalamka inay u soo noqdaan Ilaahay, isla markaana dembi-dhaaf weydiistaan, si dhamaan cidhiidhiga haysta ugu helaan faraj, sida Ilaahay quraanka inoogu sheegay aayad macnaheedu tahay, hadii ay ku toosaan dariiqa, waxaanu ku soo butaacin lahayn biyo macaan, haddaba, si ilaahay inoogu furo albaabadiisa naxariista waxa innala gudboon qof kastoo innaga mid ah inuu Ilaahay u soo noqdo, dambi-dhaafna weydiisto, oo quluubteenu saafi u noqoto walaalaheena kale, taasoo xalka aynu kaga bixi karno dhibaatada inna haysata ku jiro, hadii kale, ogaada, inaanau inoo sugnayn meelo kaloo aynu faraj u doonano innaga saarana dhibaatooyinka is-biirsaday ee maanta dalkeena iyo dunida islaamka ka jiraba. Illaahay dhamaanteen dariiq xaqa ha inna waafajiyo, Aamiin.

mohamoudali33@gmail.com

Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleeye)

Hargeysa/Somaliland.