Sahra Ciidle Nuur Maxay ka Tidhi Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda Somaliland?

WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR

Maxay u Kori Waayeen Xisbiyada ka Jira Somaliland Muddo 14 Sano ah? Qalinka: Sahra Ciidle Nuur

Waxan dhiganayay dugsiga Sare ee Faarax Oomaar markii ugu horaysay ee nidaamka Xisbiyada laga bilaabay Somaliland waxan filayaa inay ahayd bilawgii 2002, xilligaa haba yaraatee wax fikrad ah kamaannaan haysan waxa uu Xisbigu yahay iyo waxa uu qaban doono, bilo ka dib waxa geeriyoday Allaah ha u naxaiistee Madaxwayne Maxamed X. Ibraahim Cigaal, balse waxa sii socday hanaankii xisbiyada, waxa doorashadii gole yaasha deegaanka ee dhamaadkii 2002 ka qayb galay ururo tiro badan balse waxa soo gudbay sadex Xisbi, UDUB,KULMIYE & UCID.

SAHRA CIIDLE NUUR MAXAY KA TIDHI DHAQANKA XISBIYADA SIYAASADDA SOMALILAND 2017
SAHRA CIIDLE NUUR MAXAY KA TIDHI DHAQANKA XISBIYADA SIYAASADDA SOMALILAND 2017

Geeddi-socodkii Xisbiyadu waxa uu si rasmi ah u hana-qaaday January 2003, maanta waxaynu joognaa January 2017, waxa laga joogaa 14 sano oo buuxa. Muddadaasi 14 ka sano markaynu eegno waa wakhti aad u dheer, ilmihii maalintaa dhashay wuxuu ku dhaw yahay qaan gaadh, dhismaha magaalooyinka, ganacsiga gaar ka loo leeyahay, korodhka waxbarashada, technology yada iyo ilbaxnimada casriga ah dhamaan horu mar muuqda oo baaxad leh ayaa ku kordhay.

Xagga dadka hadii aad fuudhka saarto aniga iyo intii ila fac ahayd ee xilligaa markay Xisbiyadu Xaraf Restaurant ku shirayaan gobka ka shiidanayay geedaha waaweyn ee gobka ah ee ku yaala Makhaayadda Xaraf ee ku taala Dooxa Hargeisa dhiniciisa ee xataa aan haysan lacag ay makhaayadda wax kaga cunaan, dadkii maanta waxay u badan yihin dhalin yaro wax baratay oo horumarka dunida ka qayb qaata, balse Xisbiyadii maxaa u kordhay?

Saddexda Xisbi ee maanta Jiraa waa kuwii maalintaas uun waxa meesha ka baxay magaca Xisbiga UDUB, waxana soo kordhay Magaca Xisbiga WADAN, balse taa macneheedu maaha in dad Siyaasadda ka baxeen dad cusub iyo xisbi cusub na soo kordhay, dhamaan dadka hogaamiya Xisbiyadu waa kuwii maalintaa aas-aaskii xisbiyada la furayay goob jooga ahaa haba jiraan qurbe joog iyo dhalin yaro gadaal kaga soo biiraye masuuliyiintu waa kuwii.

Berigaa Xisbiyada la furay iyo ilaa markii doorashadii Madaxtooyada ee 2003, xaafadaha jaarkayaga mid kastaa wuxuu aqalkiisa sudhay calanka Xisbiga ay hogaankiisa isku Beesha yihiin, maantana sidii bay u sudhan yihiin!

10 kii sano ee ugu dambeeyay waxan ka shaqaynayay warbaahinta waxaan xidhiidh dhow la lahaa madaxda iyo masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiyada S/Land, dhamaantood waan ku qanacsanahay shaqsiyadooda iyo qiimaha qof ahaaneed ee mid kastaaba gaar kiisa u leeyahay waana dad aan ixtiram badan u hayo, midkastana waxa jira wax uu gaar u leeyahay (Unique Qualities) oo aan aqaano balse maanta diyaar uma ahi inaan sharaxo.

Waxaan-se idiin sheegayaa weligay ma codayn ma dooran Xildhibaan ama Mmadaxwayne, weligay Xisbi ama Urur kale kuma biirin, waxa la yaab leh hadii aan ahaan lahaa qof caadi ah oo shicib ah oo ka mid ah dadka magaalooyinka, baadiyaha ama tuulooyinka jooga ee ay codka ka rabaan ma jiro mid kali ah oo igu qancin kari lahaa inaan u codeeyo maxa yeelay ma jiro mid baahidayda gaar ka ah ka hadlay oo aan u riyaaqi lahaa.

Dadku wuxuu u qaybsan yahay heerar kala duwan, xataa haddii la yidhaa Beelo ha lala hadlo Beeshu isku wada dan maaha; qaar baa Reer-guuraa Xoololay ama Xoolo-dhaqato ah, qaarbaa Muruq-maal magaalo jooga ah, qaar baa Beeralay ah, qaar baa Dhhalinyaro hadda nolol iyo mustaqbal doonaysa ah, qaar baa Ganacsato iyo Dilaalliin waawayn ah, qaar baa Weji-ku-macaash iyo Koofiyad-baclayaal ah, qaar baa Danyar aan waxbarasho iyo caafimaad iyo nolol midna haysan oo kaalmo u baahan ah, intaas oo qaybood midna midda kale la dan maaha, mid waliba wax gaar ah ayay rabaan inay ka maqlaan Xisbigaasi inuu qabanayo.

Marka madaxda Xisbigu la shirayaan Hogaamiye yasha Beelaha iyo Oday dhaqameedyada Odayaashaasi ma metelaan dhamaan qaybaha kala duwan ee ay beeshiisu ka kooban tahay? Wali inta Suldaanka ama Caaqilka reerkiinnu kuu yimi ma kuu sheegay sababta Xisbigaasi kaga fiican yahay kaa kale ee ay reerkiinnu ku doorteen? Jawaabtu waa maya, haddaan naftayda ka soo qaadana waa maya oo buuxda, sababta oo ah maba aqaanno Caaqilka reerkayaga magaciisa oo dhaar baan ka marayaa, markaa haddii isaga lala kulmay muxuu aniga iga beddeli karaa?

Halkaa ayaynu ka sii wadi maal maha soo socda hadii Alle oggolaado….