Mid ka mid ah Heesii ugu Macaanaa 2017 – Luuqda Cabdihani & Midhaha Sakariye-Awaare

CABDIHANI XAASHI CABDILLAAHI HEESTA DHOOL OO NOQOTAY TA UGU MACAAN 2017

Hargeysa(AFNS):- Mid ka mid ah Heesihii ugu Macaanaa 2017 – Luuqda Fannaanka Cabdihani iyo Midhihii Halabuur Sakariye-Awaare. Waxaa Heestaa oo Hal-ku-dheggeedu yahay Dhool Laxanka macaan ku ladhay Abwaan Laabsaalax, Musigana waxa raaciyey Cabdi Abiib.

CABDIHANI XAASHI CABDILLAAHI HEESTA DHOOL OO NOQOTAY TA UGU MACAAN 2017
CABDIHANI XAASHI CABDILLAAHI HEESTA DHOOL OO NOQOTAY TA UGU MACAAN 2017

“Dhooleey kalgacaylku wuu igu dhibcoo,

Dharaarahan waan is dhalan-rogayoo,

Jacayl dhab ah baa i dhabanaanshoo,

Dheehiyo midabkaagu waa dhalanoo,

Dhabeel waxaad tahay dhammaystiranoo,

Ku dheggan dhaqankii runta ahaa!

Haweenka dhammaan dhiggaaga

Dheg iyo qurux baad wax dheer tahay,

Mid aan ku dhigaa dunida may dhalan.”

Waxaad Heestan oo uu Ku luuqaynayo Cabdihani Xaashi Cabdillaahi idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.