“Farmaajo ismaannu Arag, Ina C/Rashiidna.. Musharrax uma aqaanne Muuse waxaan leeyahay..” Xirsi

XIRSI CALI XAAJI XASAN FARMAAJO ISMAANNU ARAG INA CABDIRASHIIDNA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin Warka uu caddeeyey Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo hadda ah Musharrax u tartamaya Jagada Madaxweynennimo ee Soomaaliya, kaasoo sheegay in Weftiga Waddani ee uu hoggaamiyey Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro ku kulmeen magaalada Nairobi ee dalka Kenyo, wadahadal koobanna ku yeesheen.

XIRSI CALI XAAJI XASAN FARMAAJO ISMAANNU ARAG INA CABDIRASHIIDNA 2017
XIRSI CALI XAAJI XASAN FARMAAJO ISMAANNU ARAG INA CABDIRASHIIDNA 2017

Hase-yeeshee, Waraysigaas oo uu Jimcihii Farmaajo Kalsan TV ku siiyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waa uu beeniyey Hoggaamiye Xirsi, waxaanu sheegay inaanay Farmaajo iyo cid kale oo Soomaaliya ka socota toona ku kulmin Nairobi.

Xirsi oo Waraysi siiyey Star TV, ayaa mar wax laga weydiiyey kulanka Farmaajo sheegay inay Cabdiraxmaan-Cirro ku wadayeesheen Nairobi waxa ka jira, maaddaama oo uu ka mid ahaa Weftiga Cirro ee Nairobi ku sugan, iyaga oo marar badan oo hore Xirsi iyo Masuuliyiinta kale ee Waddani si adag u beeniyeen inay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Siyaasiyiin Soomaaliya ka tirsan ku kulmeen Nairobi, ayuu ku adkaystay Xirsi tii hore, waxaanu ku dooday inaanay cid Soomaaliya ka soo jeeddaba is-arag.

Waxa uu ka digay Xirsi in la joojiyo waxa la wado, haddii cidda wadda ee Musharraxa Madaxweynaha Waddani waxaa aan jirin ku eedaynaysa ee ujeeddada gaarka ah lihi maqli doonto waxaan raalligelin oo Xabaalaha la isku soo fiqi doono, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku dooday inaan isaga iyo Maxamed Biixi oo Weftiga Nairobi tegay ka mid ahaa cid soo hadal-qaadaysaa jirin ee si gaar ah Xubno gaar ah loo abbaarayo, iyadoo ujeeddo laga leeyahay, sida uu ku dooday Xirsi.

“Farmaajo isagu waaba Shicicb, sabab aannu u aragnaana ma jirto, Ina Cabdirashiidna (Raysal-wasaaraha Soomaaliya) maannu arag, sabab aannu u aragnaana ma jirto, waayo? Qarankuna nooma dirin, aragtidiisa wax alla waxaannu uga baahannahayna ma jiro, doorashadayada iyo hawlahayaga ayaannu u diyaar garoobaynaa. Marka labaadna waxaannu u soconnay inaannu duruufihii iyo dhibaatadii taagnaa dunida u bandhigno.” Sidaa ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay; “Waad ogayd in Weftigii u dambeeyay Aniga iyo Maxamed Biixi ka midka ahayn ee Turkiga inaannu ku soo kala kacnay oo isku soo diidnay Soomaaliya markaannu Xukuumadda ku jirnay. Waxaase layaab leh, shalay markaan wasiirka madaxtooyada ahaa, waxaan ka mid ahaa 8-dii jeer ee la wadahadlayayba, waxa nala socday Wasiirkii Khaarajiga Maxamed Biixi oo Safarkanna aannu wada soconnay.”

“Waxa Weftigayaga hoggaainayey Guddoomiyaha Baarlamaanka, ma Guddoomiyihii Baarlamaanka ayaa la tuhumayaa? Shalay maxaa naloo  tuhmi waayey markaanu xilka haynay ee aannu Wasiirrada ahayn ee wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ku jirnay oo loo odhan waayey Soomaaliya ayey la heshiiyeen, maanta xilba ma hayneee? Waxa kuu muuqanaysa inay tahay ducufnimo iyo war aanay waxba ka jirin.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

Waxaanu Xirsi farriin u diray Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu ka dambeeyey warka ah inay la kulmeen Siyaasiyiin Soomaaliya ka tirsan intii ay joogeen Nairobi, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu leenahay qolada Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxa, Anigu Musharrax uma aqaannee waxaan u aqaanaa in si khalada loo cumaamadaye, Muuse waxaan leeyahay iska daa waxyaabaha aan macnaha lahayn iyo Joornaallada la isku kabkabay, ee beenta ah, wax macno leh la kaalay oo aad kula tartanto Musharraxa aannu wadno, dhammaanna waxaan leeyahay aan wanaagha ka shaqayno, had iyo goor doorashooyinku dadka way furfuraan, innagoon doorashooyinba gaadhin inaan sii furfurannaana sax maaha.”

Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa tan iyo labadii toddobaad ee la soo dhaafay si is-daba-joog ah Warbaahinta kula duwan ugu beeninayey inay is-arkeen amaba wax kulammo ah yeesheen Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin Soomaaliya ka tirsan-ba. Hase-yeeshee, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo u sharraxan Madaxweynaha Soomaaliya, hore Raysal-wasaare uga soo noqday dalkaas, ayaa Waraysi uu Muqdisho ku siiyey Jimcihii Kalsan TV ku sheegay inay kulmeen Cabdiraxmaan-Cirro, isla markaana arrimo la xidhiidha Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed ka wada-hadleen, kaas oo uu sheegay inay is-tuseen, isku aragtina ka yihiin Mustaqbalka Carruurta Soomaaliyeed lagu hagaajin karo Midnimo Soomaaliyeed.

Haddba, si aad uga bogato Hadalka Xirsi ama Waraysigiisa oo dhan iyo arrimaha kala duwan ee beenintaasi ka midka tahay iyo qodobbo kale kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.