“Kulmiye Wuxuu ku Dhaqmay Budhcadnimo aan Biyo Ismarin..” Qalinka: Ibraahin-Hawd

IBRAAHIN-HAWD

Ummadda Soomaalilaand sida ay u dhan tahay, xitaa Muxaafidka intooda daacadda ah, wax ay is ku raacsan tahay, Kulmiye 7 sano ee uu talada dalka sharci iyo sharcidarraba ku joogay in uu ku dhaqmay budhcadnimo aan biyo is marin.

IBRAAHIN-HAWD
IBRAAHIN-HAWD

Toddobadaa sannadood dastuur ma jirin, boobku ceeb ma ahayn, eexda iyo qaraabakiilku faan buu ahaa, bulshadii qabiilooyin baa loo qaybiyay si aan la isu aamminin, aqoonsi raadintii faraha ayaa la ga qaaday waayo dan baa loo arki waayay, xidhiidhkii wanaagsanaa ee dunida la la lahaa waa la baylihiyay, tahriibtii iyo le’ashadii barbaartu waa ay sii korodhay… Dhab ahaan Soomaalilaand maanta qalfoofkii uun baa muuqda oo la sii eeganayaa ee ma aha dawlad sharci ah.

Xisbi guuldarraystay oo budhcadoobay waxaa la gu ciqaabaa in la rido oo talada la ga eryo. Iyada oo ay sidaa tahay, goortan dad baa Kulmiye difaaca, oo xitaa ku biira. Dadkaa yaabka badani haddaba waa dhawr nooc. Qolada hore waa maato aan haysan fursad ay ku qiimayso xaqiiqada jirta, is kana raacsan hebello ay indho garanayso. Kooxi kale waa Kulmiyihii boobka iyo budhcadnimada ku mamay ee haddana ku nabadgalay oo doonaya in ay qudhunkii is ka sii dabbaashaan.

Koox kale waa danley cusub oo iyaduna markeeda soo shaqo tagtay oo is leh, meeshan aan cidiba xisaabtamayn idinkuna shanta sano ee soo socda ka faro qabsada. Qolo afraad waa loo yeedhay oo qandaraas muddo ah oo lacagaysan baa la la galay si qaybo bulshada ka mid ah loo gu indhasarcaadiyo, amaba waa kuwo lacago siyaasad ka ga lumay loo magdhabay.

Xaaladahaas oo dhami wax ay wadaagaan laba masalo. Ta hore waa in aanu jirin xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo la ga ga mid noqdo mabda iyo dan dhaafsiisan lacag ama hebel. Ta labaadna waa in ay Kulmiye iyo xukuumaddiisu waxaas oo dhan ku socodsiinayaan lacagtii qaranka ka dhexaysay oo aan cid ka la xisaabtantaa jirin.

Dayran iyo abaabilan!

Qalinka Ibraahin-Hawd.