Arrin Iga Yaabiyey! Qalinka: Cabdishakuur X. Muxumed (Heersare)

CABDISHAKUUR HEER-SARE

Waxa dhawaan i soo gaadhay in idaacadda qaranka Somaliland ee Radio Hargeysa laga sii daayey codad mid ka mid ah baraha bulshada gaar ahaan WhatsApp-ka laga soo dejiyey. Warkii waan dhegaystay, qodobka ugu weyn ee loo cuskaday wuxuu ahaa: “Qaar ka mid ah mareegaha ayaa baahiyey.”

CABDISHAKUUR HEER-SARE
CABDISHAKUUR HEER-SARE

Codkadkaasi waxay ahayeen laba qof oo sheekaysanaya oo magac reer adeegsanaya oo wasiirka warfaafinta Somaliland Mr. Caddaani u hanjabaya.

Waxa isu kay qaban wayday cod laga soo xigtay WhatsApp-ka ayaa idaacaddii qaranka laga sii dayay oo cid kastaa dhegaysanayso.

Xitaa haddii uu wasiirku ku yidhaahdo madaxda idaacadda codkaa sii daaya miyaanay wax dood ah ba ka yeelan oo aan wax la iska waydiin waxan la sii daynayaa wuxuu yahay iyo saamaynta uu yeelan karo.

Haba la sii daayo, miyaanay wasiirka ama cidda sii daysay ogayn in WhatsApp-ka ay samayn karaan dad kula jooga oo magacii la doono loo bixin karo, ka dib na inta ay codka beddelaan wixii la doono la dhex marin karo?

War (news) marka la samaynayo inta aan la gaadhin ba siidayn, shuruudaha ugu waa weyn ee salka u ah waxa ka mid ah sungaanshaha warka, xaqiijinta isha warka si waxa aad sheegaysaa uu run u ahaado.

Waa sidee arrinku? Raggii waa weynaa ee radio Hargeysa maxaa helay? Ma in WhatsApp-ka wax laga soo dejiyey war laga dhigo ayaa la marayaa?

Wasiirku waa siyaasi oo isaga siyaasadda ayaa hagta, laakiin madaxda iyo shaqaalaha radio Hargeysa gaar ahaan weriyeyaasha iyo madaxdooda iyaga mihdda saxaafadda ayaa hagta ee doorkan sidee bay wax ka noqdeen?

Anig arrinkani wuu iga yaabiyey! Waxa aan qabaa in arrinkaa dib loogu noqdo oo karaamadii iyo sharafkii Radio Hargeysa dib loo saxo, oo agaasimka iyo tifaftirayaashu dib isugu noqdaan. Ama ummada ha u caddeeyaan in aanay shaqayn karin. Waayo? Meeshii ugu hoosaysay ayay gaadheen.

Cabdishakuur  X. Muxumed Muuse (Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com