Suldaan C/Qani oo Doorashada Foosiya Ku Tilmaamay Xaaraan

FOOSIYA YUUSUF XAAJI AADAN QABILLE DOORASHADA BAARLAMAANKA SOMALIA 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Suldaan Cabdiqani Cabdillaahi Maxamed oo ka mid ah Madax-dhaqameedka soo xulayey Ergada dooran lahayd Xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan Beelaha Foosiya ka soo jeeddo, ayaa sheegay in Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ay ku soo baxday Boob iyo Ergo Xaaraan ah oo aan ahayn Ergadii Saxda ahayd sida Sharcigu dhigayo ee uu soo xulay.

FOOSIYA YUUSUF XAAJI AADAN QABILLE DOORASHADA BAARLAMAANKA SOMALIA 2017
FOOSIYA YUUSUF XAAJI AADAN QABILLE DOORASHADA BAARLAMAANKA SOMALIA 2017

Waxa uu Suldaanka oo Saxaafadda qaarkeed caawa kula hadlay magaalada Muqdisho ku tilmaamay doorashada ay maanta ku soo baxday Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille ee ka dhacday Maanta Muqdisho ay tahay mid xaaraan ah oo Musuqmaasuqii ugu weynaa ee doorashada Soomaaliya ka dhacda ay ku kaceen iyada iyo Guddiga doorashooyinka Dadban ee gobollada Waqooyi (Somaliland).

Sidaa daraaddeed, waxa uu Suldaan Cabdiqani sheegay inuu cambaaraynayo oo la baalmaray Shircigii iyo Nidaamkii ay ahayd in Xildhibaannada lagu doorto, isagoo xusay inay Ergadaa dooratay Suuqa Muqdisho ka urursatay oo aanay ahayn Ergadii sharciga ahayd ee uu isagu xulay, sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga doorashooyinka Dadban ee heer Maamul-goboleed ee qaabbilsan gobollada Somaliland, ayaa doorashada lagu qabtay Muqdisho natiijadeeda shaaciyey, isla markaana sheegay inay ku soo baxdday Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ay sheegeen inay heshay 45 Cod.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd Xildhibaannada wakhtigoodu dhammaaday, isla markaana soo noqotay Raysal-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibedda ee Xukuumaddii Raysal-wasaare Saacid, ayaa geesteeda markii natiijada lagu dhawaaqay goobta ka hadashay, sheegtayna inay ku faraxsan tahay in la doortay, iyadoo u mahad-celisay Dadka u codeeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.