Hambalyada Bahda Aftahannews; “Qaar Kaa Horreeyoo Hodanaa Na Dhaafee Adna Hogol Da’aysiyo..”

Hambalyada Bahda Aftahannews EE CURASHADA SANNADKA CUSUB 2017.jpg

Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan Hawl-wadeennada kala duwan ee Warbaahinta Aftahannews, waxay Hambalyo iyo Bogaadin Hawada u marinayaan guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogto, bilawga sannadka 2017-ka ee caawa kawda ah awgii.

Hambalyada Bahda Aftahannews EE CURASHADA SANNADKA CUSUB 2017.jpg
Hambalyada Bahda Aftahannews EE CURASHADA SANNADKA CUSUB 2017.jpg

Waxaannu leeyanahay Hambalyo….. Hambalyo….. Hambalyo,  Allaah sannadkan sannadkiisa iyo sannado badan oo kale-ba ha innagu gaadhsiiyo Nabad, Caafimaad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad, Midnimo, Wada-jir iyo Horumar Muuqda Insha Allaah. Aammiin….Aammiin……………Aammiin.

Waxaannu Sannadkan cusub ee innoo bishay ku soo dhawaynaynaa ama ku qaabbilaynaa Heesta Ducada ah ee uu ku luuqeeyo Allaah ha u naxariistee Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec; waxaanannu iyada oo Qoraal ah iyo iyadoo Maqal ah-ba idiinku soo gudbinaynaa Qoraalka iyo Fiidyaha hoose ee kala hooseeya ee Ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

Bayj 1:-

Waan Heesayaaye

Sannad waliba Hoodiyo

Hawliyo Dhibaatiyo

Wuxuu Hadimo leeyahay

Waa laga helaayoo

Hadhaw lagu Xasuustaa.

K:

Kii Noo Hagaagee

Noqo loo Hanwaynyey.

2:-

Qaar kaa horreeyoo

Hodanaa na dhaafee

Halkii loogu Mahad-naqay

Ka Habaabi mayside

Kuwa Hadhayna dabadaa

Waa la Hubsan doonaa.

K:-

Kii Noo Hagaagee

Noqo loo Hanwaynyey.

3:-

Waan ku Haybinaynee

Illaahay hakaa dhigo.

Adna Hogol da’aysiyo

Habeen-dhalad Barwaaqiyo

Nimco la hadhsan dooniyo

Cawo Lagu Hibeeyee.

K:-

Kii Noo Hagaagee

Noqo loo Hanweynyey.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.