Fannaanka Xasan Aadan Samatar oo Hees Cusub Soo Saaray 2017 Ka Bogo

FANNAANKA XASAN AADAN SAMATAR 2016 HEES CUSUB MIIRAALE CAASHAQ

Hargeysa(Aftahannews):- Fannaanka Caanka ah ee Xasan Aadan Samatar oo dhawaan Heeso cusub oo dhawr ah soo saaray oo ku soo beegmaya dhammaadka 2016-ka ama horraanta sannadka cusub ee 2017-ka, ayaannu mid ka mid ah oo aannu idiin soo xulnay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybteenna Dhaqanka iyo Suugaanta Aftahannews.com.

FANNAANKA XASAN AADAN SAMATAR 2016 HEES CUSUB MIIRAALE CAASHAQ
FANNAANKA XASAN AADAN SAMATAR 2016 HEES CUSUB MIIRAALE CAASHAQ

Heestan oo uu Hal-ku-dheggeedu yahay; ‘Miiraale Caashaq) waxaa Erayadeeda Curiyey Suxufiga Cabdirashiid Siyaad Aw Cabdi, isla markaana loogu talo-galay Arooska Gabadh uu dhalay Xasan Saaxiibkii Axmed Cismaan Geelle-Arab oo ka qabsoomay magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu wakhtigan Xasan Aadan deggan yahay, Laxanka waxaa ku ladhay Mustafe-Kiko.

Haddaba, aan idiin kala baxno ee waatan Heestu Qoraalkeennan ka hoosaysa, ee ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.