Dibiga Doollo Habeenkii Dhegahiisu Wax-san Bay Maqlaan, Maalintiise Indhuhuusu Wax-san Ma Arkaan! Qalinka Nagiib Muuse

maxamuud-xaashi-madaxweyne-siilaanyo-musharrax-muuse-iyo-xoghaye-xasan-siciid-2016

Sida aynu u wada naqaan meelaha Soomaalidu degto ee Xoolaha ugu badan lagu dhaqaa waa meelaha aynu ka degno dalka Itoobiya. Waxaana dhacda Biyo-yaraan aan xoogganayn iyo mid xooggan labada-ba sida aynu ku naqaan dhulkeenna, waxaanay Afarta xilli ee sannadku u qaybsamo ee Gu’ga, Xagaaga, Dayrta iyo Jiilaalka ay Xooluhu inta badan Biyaha Cabbaan labada Xilli ee Xagaaga iyo Jiilaalka oo ah labada waqti ee Dhulku qallalo, halka Gu’ga iyo Dayrta Xooluhu Badi doogga Daaqaan oo ay biyaha Bilo ka maqnaan karaan, marka laga reebo Lo’da iyo Gammaanka oo Maalin-qadayaal ah.

maxamuud-xaashi-madaxweyne-siilaanyo-musharrax-muuse-iyo-xoghaye-xasan-siciid-2016
maxamuud-xaashi-madaxweyne-siilaanyo-musharrax-muuse-iyo-xoghaye-xasan-siciid-2016

Haddaba, wakhtiga Jiilaalka iyo Xagaaga oo Xoolaha loo kal-tiriyo, ayaa Xoolaha aynu dhaqanno Geelu muddo badan ugu adkaysi badan yahay dhinaca Oonka, waxaanu ka maarmaa Biyaha oo oommanaan karaa muddo badan, Adhiguna wuxuu ka maarmaa muddo Wiig ama toddobaad ah. Laakiin, Lo’du maalin hadday ka qaddo maalin labaadda waa  la Arooriyaa.

Sidaas oo ay tahay waxaa dhacday dhacday in Lo’da oo Afar-qad ah, ayaa habeenkii Odaygii Reerka lahaa iyo Innamadiisii ay Ardaagii ay fadhiyaan ee Xerada u dhawaa ay go’aansadeen in berrito Lo’da loo arooriyo Balli in cabbaar ah u jirta. Waxaa markaa maqalaaya Dibi Lo’da ku jiray, waxaanu u farxay si aan xad lahayn, waayo? Berri baa la aroorinayaaye wuxuu Waaga barigiisa sugo Subaxdii baa Xeradii laga sii daayay oo loo jiheeyay xaggii Ceelka Biyuhu ka xigay.

Markii Ceelkii la soo dul-tubay ayaa Odaygii Ceelka wuxuu ugu tegay Biyo sii go’ay oo Lidiq ah, wuxuu ku soo noqday Innamadiisii oo wuxuu ku yidhi; “Waa Biyo yaraan Ceelku, ee Lo’da inta irmaan sii hor daaya inta kale u danbaysiiya. Dibigii wuxuu maqalay erayadii Odayga oo wuu ka naxay.” Sidii ayey u dhacday oo Dibigii Indhahiisa wuxuu ku arkay meel aan waxba uu oollin!  

Hase-yeeshee, haddii aan hoos u daaddago, hore ayey Dhegaha Dadku uga maqli jireen Xisbiga Kulmiye, waxaas ayaannu idiin qabanaynaa, balse Bulshadu ka dhab-sheegga ballamahaas badi ma hayaan, Indhahooduna ugamay baran wax ay ku farxaan. Sidaa daraaddeed, waxaan leeyahay; “Dibiga Doollo Habeenkii Dhegahiisu wax-san bay maqlaan, Maalintiise Indhuhuusu wax-san ma arkaan!”

Qalinka Nagiib Muuse Axmed

Hargeysa/Somaliland.