Muxuu Taariikh Ka Sheekeeyey Gen: Maxamed Nuur Galaal? Q2-aad

JANARAAL MAXAMED NUUR GALAAL IYO TAARIIKHDA MA GUURTADA AH EE UU KA SHEEKEEYEY 2016

Hargeysa(AFN):- Janaral Maxamed Nuur Galaal oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya wakhtigii dawladdii Kacaanka ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre hoggaamin jiray, isla markaana ka mid ah Ragga Taariikhda Millateri ee badan leh ee Soomaalida ah, wax badan oo Waayo-aragnimo ahna leh, ayaa ka warramay Marxalado cajiib ah iyo taariikh xusuus mudan oo uu goob-joog u noqday.

JANARAAL MAXAMED NUUR GALAAL IYO TAARIIKHDA MA GUURTADA AH EE UU KA SHEEKEEYEY 2016
JANARAAL MAXAMED NUUR GALAAL IYO TAARIIKHDA MA GUURTADA AH EE UU KA SHEEKEEYEY 2016

Janaraal Galaal oo ahaa Taliyihii hoggaaminayey Dagaal ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada galeen taariikhdu markay ahayd 1964-kii, sidoo kalena ka qayb-galay dagaalkii Kululaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii, isaga oo ahaa Taliyihii hoggaaminayey Ciidammadii Soomaaliya ee la wareegay ama qabsaday magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya iyo meelo kale oo Itoobiya ah.

Taariikhdaas iyo Taariikh badan oo kale-ba, waxa uu Janaraal Maxamed Nuur Galaal kaga Warramay Waraysi uu magaalada Hargeysa oo uu dhawaan Booqasho ku yimi ku siiyey Barnaamijka Xusuus-reeb oo uu Daadihiyo Weriye Ducaale oo ka tirsan Horn Cable TV, waxaannu qaybta Labaad idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee KA BOGASHO HABBOON:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.