Halkii Aan Ka Imi! Q/ 2: Xalka Waxbarashada Miyiga – Daawo Barnaamij Xiiso leh By: Cabdirashakuur Heersare

CABDISHAKUUR HEERSARE IYO BANDHIGGA HALKII AAN KA IMI QAYBTA 2-AAD 2016

Dhooba-wayne(AFN):- Ku soo dhawaada soo saaristii 2aad ee documentary filimkii HALKII AAN KA IMI oo uu soo saaray suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare). Maadaama oo uu markii hore kaga hadlay dhibta waxbrasho la’aanta miyiga oo uu tusaale ahaan u soo qaatay meeshii uu ku dhashay ee uu ku hana-qaaday (Dhooboweyne), qaybtani waxay xanbaarsan tahay xalal jawaab u ah dhibtii waxbarasho la’aanta ee deegaanka Dhooboweyne iyo miyiga kaleba.

CABDISHAKUUR HEERSARE IYO BANDHIGGA HALKII AAN KA IMI QAYBTA 2-AAD 2016
CABDISHAKUUR HEERSARE IYO BANDHIGGA HALKII AAN KA IMI QAYBTA 2-AAD 2016

Markii uu soo baxay HALKII AAN KA IMI 2AAD, afar bilood gudahood ayaa dadka deegaanka Dhooboweyne oo ahayd meesha uu filimka ka sameeyey waxay guddoonsadeen inay dhibtaa waxbarasho la’aanta ka tashadaan, isla markaana ay xal ka gaadhaan. Waxaana ay guddoonsadeen inay geed hoostii ood-dhigaan oo ay waxbarashada ka bilaabaan. Iyadoo wiilkii documentary filimkaa hore xuddunta u ahaa ee Mawliid Xasan Macallin na uu deeq waxbarasho helay.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Barnaamijkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.