Xaas Madaxweyne oo lagu Maxkamadaynayo Fargal Hal Milyan iyo Badh Doollar Qiimihiisu ku dhaw yahay

Xaaska Madaxweyne Rubart Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe oo Fargashi loo haysto 2016

Harar(Aftahannews):- Xaaska Madaxweynaha Da’da ah ee dalka Zimbabwe Rubart Mugabe, ayaa Dacwad lala tiigsanayaa, ka dib markii lagu soo eedeeyey inay dalbatay Fargal ama Fargashi Dahab ah oo qiimaha Lacagta lagu iibinayaa dhan tahay Hal Milyan iyo Afar Boqol oo Kun oo Doollarka Maraykanka ah.

Xaaska Madaxweyne Rubart Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe oo Fargashi loo haysto 2016
Xaaska Madaxweyne Rubart Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe oo Fargashi loo haysto 2016

Sida uu shalay qoray Wargeys ka soo baxa dalka Zimbabwe oo lagu magacaabo Independent, ayaa Boggiisa hore Jimcihii ku soo daabacay Sheeko ku saabsan in Dacwad lala tiigsaday Xaaska Madaxweyne Rubart Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe, ka dib markii laga war helay inay dalbatay Fargashi qiimihiisu gaadhayo 1.4 Milyan oo Doollar.

Fargashiga ama Fargalka, ayaa looga gol lahaa in Madaxweynuhu Xaaskiisa hadiyad uu uga dhigo sannad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay markii ay is-guursadeen bisihii August (ogosto) ee sannadkii1996-kii. Waxaana la tilmaamaa inay Gabadhani ka mid tahay Marwooyinka ugu awoodda badan Marwooyinka Madaweynayaasha Afrika.

Grace Mugabe, ayaa Fargashiga ka dalbatay Qof Dahabka iibiya, iyadoo loo maray Nin Ganacsade ah. Waxa kale oo Wararku intaas ku dareen in Dacwadda ay qayb ka yihiin mid ka mid ka ah Wiilasheeda oo lagu magacaabo Russell Goreraza iyo Waardiyaheeda.

Qorshihii Fargashiga loogu keeni lahaa Marwo Grace Mugabe, ayaa dhicisoobay ka dib markii Qofkii ka soo qaadi lahaa magaalada Dubai uu diiday in uu qaado, waxaase xaaladda sii adkeeyey markii Qofkii laga soo iibinayey uu diiday in Lacagta uu celiyo si dhammaystiran.

Balse, waxa uu sheegay inuu lacagta laba meeloodoow meel ka mid ah dib u celinayo haddii laga noqday Fargalka marka hore laga iibsaday ee Lacagtiisa loo qaddimay, taasoo muranka ka dhashay sababay in Warkaasi dibedda u soo baxo oo uu helo Wargeyskan Jimcihii shalay Boggiisa koowaad ku soo daabacay Xogtaas..

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somasliland.