Somaliland: Wasiir Maalin ka dib markii Xilka laga qaaday Kashifay Siro uu Qarinayey iyo Hanjabaad Dadban

Somaliland: Wasiir Maalin Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Kashifay Siro uu Qarinayey iyo Hanjabaad Dadban

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo ku jiray Xubno uu Habeenkii Axadda xilka ka qaaday Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa ka hadlay xil-ka-qaadistiisa, isla markaana waxa uu kashifay arrimo aanu ka hadal intii uu xilka hayey, balse uu hayn kari waayey markii xilka laga qaaday maalin ka dib.

Somaliland: Wasiir Maalin Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Kashifay Siro uu Qarinayey iyo Hanjabaad Dadban
Somaliland: Wasiir Maalin Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Kashifay Siro uu Qarinayey iyo Hanjabaad Dadban

Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu dalku gurmad deg-deg ah u baahan yahay, isla markaana wuxuu xusay in ay xubno Wasiirro ahi ay dalka jidka Qabyaaladda iyo kala-qoqobka ku jaheeyeen. “Xilkii waa meerto maalin ba ninbaa haya waan soo dhaweynayaa marka hore Madaxwaynah ayaa xilka ii dhiibay immikana isaga ayaa iga wareejiyey oo nin kale u dhiibay, aad ayaan u soo dhaweynayaa waan u mahadnaqayaa madaxweynaha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland oo Isniintii Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa.

Waxa uu Cumar ammaanay Madaxweyne Siilaanyo, balse Xubno Wasiirro ah oo aanu Magacyadooda xusin, ayuu ku eedeeyey inay dalka kala qoqob iyo Qabyaalad ku wadaan, “Madaxweynaha waxaan leeyahay waan ku ammaanaynaa wixii aad qabatay waan kugu ammaanaynaa Illaahay Cimrigaagana ha dheereeyo. Laakiin, dadku ama inta kaa hoosaysaa waa in ay dalka u soo jeestaan oo laga baxo Qabiilka oo laga baxo Qolo-qolaysiga, inta Qabiilka ku badatay, Ummaddeenna oo dhan, ayaa aragtay, waxaad aragtay Salaaddiinta ayaad aragtay, Reerkii oo kala wada fadhiya ayaad aragtay.”

“Xukuumadda lafteedii oo loo dirayo Qabaa’ilka oo Ninba meel loo dirayo oo shaqadii Salaaddiinta haysa ayaad arkaysaa. Markaa, waxaan leeyahay waar shaqada Ummadda Wasiirku wuxuu u yahay ka Bari jooga iyo ka Galbeed guntii jooga ayuu Wasiir u yahay, markaa xilka loo dhiibay waa in ay si isku mid ah ugu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Shaqadu.

Cumara Sh. Maxamed Faarax, ayaa Bulshada reer Awdal iyo Shacabka Somaliland-ba farriin u diray, waxaanu yidhi; “Reer Awdal waxaan leeyahay weli waan joognaa, xilka ayuun-baa laga wareejiyey ,wiixii baahi ah ee timaadda iyo wixii dhibaato ah ee timaadda ama wixii aannu qaban karayno, wax waliba waa noo muuqdaan wax walba waan arkaynaa, wax walba sida ay u socdaan waan ognahay oo xog-ogaal waannu nahay dalka, horena waan ugu ahayn, markaa, taasi waxay noqonaysaa in laga tashado ama dalku Anigu ma kala qaadayo Awdal Iyo Sool iyo gobolladee, dalku in uu dad midaysan iyo dal midaysan noqdo ayaan Anigu jeclahay.”

Halkan, Warkaa Wasiirkii hore ee Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax bixiyey maalin ka dib markii xilkaas uu Madaxweynuhu ka qaaday, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.