Saamaynta Ka Dhalatay Shaqa-joojin Ay Dhakhaatiirta Dalka Kenya Sameeyeen iyo Sababta Keentay

DHAKHAATIIRTA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA KENYA U SHAQAYNAYEY OO SHAQADA JOOJIYEY 2016

Nairobi(Aftahannews):- Dhakhaatiirta Caafimaadka ee waddanka Kenya, ayaa bilaabay Shaqo-joojin ay ku dalbanayaan in Mushahar-kordhin dawladdu u samayso, waxaanu dalabkoodani qayb ka yahay heshiis ay dawladdu la gashay muddo saddex sano ah ka hor oo aan weli dhinaca dawladda ka fulin.

DHAKHAATIIRTA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA KENYA U SHAQAYNAYEY OO SHAQADA JOOJIYEY 2016
DHAKHAATIIRTA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA KENYA U SHAQAYNAYEY OO SHAQADA JOOJIYEY 2016

Shaqo-joojinta Dhakhaatiirta oo Isniintii bilaabantay, ayaa saamaysay in ka badan 2000 oo xarumo Caafimaad ah oo dowladda Kenya ay maamusho. Waxay sidoo kale Dhakhaatiirtu dalbanayaan in shaqaale badan la qoro si culeeysku uga yaraado Shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawlgala Cusbitaallada dowladda ee dalka Kenya.

Dawladda Kenya, ayaa shaqo-joojinta ku tilmaamtay mid Sharci-darro ah, maaddaama oo ay Maxkamaddu amartay in dib loo dhigo illaa dhammaadka bishan si labada dhinac ay u uga wadahadlaan tabashada mushuhar-kordhinta Shaqaalaha Caafimaadka. Balse, Dhakhaatiirtu waxay ku doodayaan oo ay sheegeen in xitaa hawlaha deg-degga ah ee Caafimaad aanay qaban doonin muddada ay Shaqa-joojinta ku jiraan.

Hase-yeeshee, Tallaabadan ay Dhakhaatiirtu shaqada ku joojiyeen, ayaa halis gelin karta nolosha Kumannaan Qof oo Reer Kenya ah oo aan awoodin inay tagaan Cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee dalkaas ku yaalla. Waxaana Cusbitaallada dawladda Kenya Maamusho ee aan shaqaynaynin ka mid ah ah kuwa Dhalmada, Cudurrada Maskaxda, qaybaha Qalliinnada lagu fuliyo kuwo kale.

Mid ka mid ah Cusbitaallada lagu daweeyo Dadka qaba Cudurrada Dhimirka (Maskaxda) ayaa la sheegayaa in illaa 100 Ruux oo Bukaankii ku jiray ka tirsani ay ka baxsadeen. Cusbitaalka Madare ee magaalada Nairobi, ayaa lagu hayaa Boqollaal Qof oo Maskaxda xanuunsanaya, kuwaas oo ay dawladdu caawiso. Ciidammada Booliska Nairobi, waxay sheegeen in qaar ka mid ah Bukaannada baxsaday ay soo qabteen, kuwo kalana ay weli raadinayaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.