“Waxaa Noo Sharaf ah Maanta in ay Somaliland Nabad Noqotay…” Wasiirka Cadaaladda Somaliland

WASIIRKA WASAARADDA CADAALADDA IYO MASUULIYIIN SOMALILAND IYO AJAANIB AH 2016

Nuxurka Shir Somaliland iyo Saraakiil Ciidammada Badda ee Yurub ku dhex-maray Markab Dushii

Berbera(Aftahannews):- Markab ay saarnaayeen Ciidammo iyo Saraakiil ka tirsan kuwa Midawga Yurub ee ilaalinta Xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya, ayaa shalay ku soo xidhay Dekedda Berbera, waxaana Markabkaa Dushiisa ku qabsoomay Shir dhex-maray Saraakiil Ciidammada Badda ee Midawga Yurub ka tirsan iyo Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsan.

WASIIRKA WASAARADDA CADAALADDA IYO MASUULIYIIN SOMALILAND IYO AJAANIB AH 2016
WASIIRKA WASAARADDA CADAALADDA IYO MASUULIYIIN SOMALILAND IYO AJAANIB AH 2016

Markabkan oo ahaa sida goobtaa laga sheegay inuu yahay kii ugu weynaa ee dagaal ee noociisa ah ee Dekedda Berbera ku soo xidha tan iyo 1986-kii, ayaa Aqoon-korodhsi ku saabsan sida Dadka Badda dhexdeeda loogu badbaadiyo siiyey Ciidammo ka tirsan kuwa ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana shirka dushiisa ka qabsoomay lagaga wadahadlay aqoon-korordhinta Ciidammada ilaalada Xeebaha, xoojinta iskaashiga nabadgelyada Badada ee Midawga Yurub iyo Somaliland iyo qodobbo kale.

Masuuliyiinta Shirkaas Markabka Dushiisa ka qabsoomay Somaliland uga qaybgalay waxaa ka mid ahaa; Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Badhasaabka gobolka Saaxil, Maayerka Berbera, Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Saraakiil kale oo Ciidankiisa ka tirsan.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre, oo sharraxay muhiimadda shirkaas iyo rejada Mustaqbalka ee uu Somaliland u kordhin karo waxa uu yidhi; “Waxa uu Shirkani ahaa Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey arrimo farabadan oo ay ka mid tahay oo lagu eegay sidii loo horumarin lahaa Aqoonta Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, shuruucdooda, iyadoo dhinac walba laga eegay. Waxaa noo sharaf ah Maanta in ay Somaliland nabad noqotay, Markabkii ugu weynaa ee Calanka Netherland sitaa uu halkan (Berbera) joogo ee EU, Insha Allaahuna ay xigi doonaanna kuwii Dalxiiska iyo Baayacmushtarka u imanayey. Sidaad la socotaan hadalladii laga jeediyey (shirka) waxay ahaayeen marka dambe Dadkii Ajaanibka ahaa ee dalkan Maalgashan lahaa iyagoo sida inay yimaaddaan.”

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye, waxa uu yidhi; “Wixii aannu soo qabsannay iyo waxaad nala qabateenba waannu sheegnay, wixii aannu halkaa ka soo jeedinnay iyo waxaad idinku soo bandhigteen intaba waxaan filayaa inaynu midhahooda sida ugu dhakhsaha badan u arki doonno, aad iyo aad baanad u mahadsantiin. Annaguna Xeerarka iyo hawlaha nalaga sugayo sida ugu dhakhsaha badan ayaannu u hirgelin doonnaa, gacantiinnana waa u baahannahay.”

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Cabdi Xirsi oo halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu ku faraxsannahay in Ciidankayaga ilaalada Xeebuhu ay la qaateen Tabobbar Ciidammadan (Midawga Yurub) ah sida Dadka loo badbaadiyo, berigii hore waxaa lagu geli jiray Doonyo iyo Markabka. Laakiin, doorkan waxa lagu galay Doonyo, Markab iyo Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah, kuwaasoo intuba ay qabanayeen badbaadinta dadka. Waxa kale oo ay Ciidammadani tabobbar ku siiyeen ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Raadaarrada cusub ee aannu hadda rakibannay oo anfici doona ilaalinta Xeebta.”

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, waxa uu yidhi; “Halkan waxaa ka furmay aqoon-is-waydaarsi, kaasoo ahaa Shuruucda Badda iyo aqoon-korodhsi Ciidammada Badda iyo sidii Badaha looga faa’iiidaysan lahaa. Waad arkaysaan maanta, waxaan u malaynayaa inuu Aqoonsigi kuurka inna soo saaray.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo isaguna shirkaas sharraxaad ka bixiyey, waxa uu yidhi; “Shirkan waxaa lagaga hadlayey dembiyada ka dhaca Badda, Ciidammada ilaalinta Xeebaha Xeerarka la xidhiidha iyo weliba Hay’adaha kale iyo Hay’adaha kale ee la hal-maala, sida; Hay’adaha Sharci-dejinta, Booliska, Ammaanka, Garsoorka iyo Cadaaladda, waxaynu innagu hayno iyo iyagu waxay keeneen, sidii wax loo kala baran lahaa iyo iskaashi.” Sidaa waxaa yidhi GuddoGuddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Saraakiil ka tirsan Ciidammada Midawga Yurub oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulanka iyo wadahadalka ku dhex-maray shirkaas Markabka Dushiisa ku dhex-maray iyaga iyo Madaxda Somaliland ka soctay, isla markaana waxay ammaaneen qaabka ay u shaqeeyaan Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland oo ay sheegeen inay yihiin Ciidammo muujiyey karti iyo ammaan ay ka hirgeliyeen Baddooda, waxaanay intaas ku dareen inay sii wadi doonaan wada-shaqaynta iyo taageeridda Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland.

Hadallada Masuuliyiinta Somaliland oo uu Wasiirka Cadaaladda Cadarre ku jiro iyo Saraakiisha Ciidammada Badda ee Midawga Yurub ka socdaa Warbaahinta siiyeen; waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.comx

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.