“Anigoo ka duulaya Shaqo ka-tagista aad Warbaahinta Ka Sheegtay, Waan Kaa Aqbalay..” Madaxweyne Siilaanyo

SAGOOTINTA-XULALKA-AWDAL-IYO-SAAXIL-EE-MADAXWEYNE-SIILAANYO-2016-5

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa is-casilaadda ka qabgalay Axmed Maxamed Tiimbaro oo ku jiray Xubno uu xalay xilal u magacaabay, isagoo Tiimbaro u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), balse uu saluugay Kursigaas, isla markaana shaaciyey inaanu qabanayn xilkaas.

SAGOOTINTA-XULALKA-AWDAL-IYO-SAAXIL-EE-MADAXWEYNE-SIILAANYO-2016-5
SAGOOTINTA-XULALKA-AWDAL-IYO-SAAXIL-EE-MADAXWEYNE-SIILAANYO-2016-5

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen-Dayr oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu intaa ku daray in Madaxweynuhu xilkaa cid sida ugu dhakhsaha badan ugu soo magacaabi doono.

War-Saxaafadeedka Aqbalaadda iscasilaadda Tiimbaro xambaarsanaa ee Madaxtooyada ka soo baxay, waxa uu u qornaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo:       Aqbalaad Istiqaalad

Ku:      Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

            Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex                               Hargeysa

 Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                          Hargeysa  

Mudane,

 Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.  Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaa xambaarsanaa aqbalaadda Madaxweynaha.

Xubnaha Madaxweynuhu xalkay xilalka u magacaabay ee diiday jagada loo magacaabay keliya kuma koobna Tiimbaro, hase-yeeshee, waxaa iska diiday Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi oo loo magacaabay Wasaarad cusub oo loogu yeedhay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Siciid Axmed oo ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti.

Sidoo kale, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga, ayaa dhammaantood diiday markii hore shalay xilalkaas Madaxweynuhu habeen-hore u magacaabay, sida; uu baahiyey Horn Cable TV oo xubnahaas qaarkood toos ula xidhiidhay, kuwo kalena xogo ka helay sida Warkaas lagu baahiyey, kuwaasoo diidmadooda ku sababeeyey inaan lagala tashan magacaabistooda ee ay Warbaahinta uun magacyadooda ka arkeen.

Hase-yeeshee, Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi oo loo magacaabay Wasaarad cusub oo ka mid ahaa Masuuliyiinta sida TV-gu baahiyey u sheegay inaanay qabanayn xilalka, ayaa caawa Shir Jara’id isagu Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, isla markaana sheegay inuu aqbalay xilkaas Madaxweynuhu u magacaabay.

Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda isagoo ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa u warramay Horn Cable TV, waxaanu yidhi; “Inaan xilka diido waxa sababay, annigu warba umaan haynin laygama tashan oo cid imay soo ogaysiin, cid ila soo hadashay ma jirto oo jaraaidka ayuun baan ku arkay. Laakiin wadadii loo maray ayaad mooda inay khaldanayd oo laygalam tashan inaan jagadan qabanayo iyo in aan diyaar u ahay.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.