Waa Immisa Xubnaha Diiday Xilalka uu Madaxweyne Siilaayo Xalay u Magacaabay & Sababta? Daawo Warbixin

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO OO CADHO KA MUUQATO PHOTO FILE

Hargeysa(Aftahannews):- Illaa Afar Masuul oo ka tirsan Musuuliyiin uu xalay Madaxweynaha Somaliland u magacaabay xilal kala duwan iyo kuwo uu u beddelay Jagooyin kale, ayaa la shaaciyey inay diideen, isla markaana aanay qabanaynin xilalka uu Madaxweynuhu u magacaabay.

MADAXWEYNE SIILAANYO WAA IMMISA XUBNAHA DIIDAY XILALKA UU U MAGACAABAY 2016
MADAXWEYNE SIILAANYO WAA IMMISA XUBNAHA DIIDAY XILALKA UU U MAGACAABAY 2016?

Xubnaha diiday Boosaska loo magacaabay Isku-shaandhayn, Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis uu Xalay Madaxweynaha Somaliland sameeyey qaar weeye, waxaanay ku doodeen ama ku sababeeyeen diidmadooda inta ugu badan la-tashi la’aan iyo inaanay waxba ka ogeyn xilalka Madaxweynuhu u magacaabay, sidaas daraaddeedna waxay qaarkood ku doodeen inaanay qabanaynin xilalkaas, halka ay qaarkood kaga doodeen inay qabanayaan xilal kale oo lagala tashado haddii loo magacaabo.

Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi oo loo magacaabay Wasaarad cusub oo loogu yeedhay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska. Maxamed Axmed Tiimbaro oo loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Cabdifataax Siciid Axmed oo ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti. Sidoo kale, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga.

Hase-yeeshee, dhammaantood waxay sheegeen inaan lagala tashan xilalkaas loo magacaabay, isla markaana aanay qaban doonin Jagooyinkaas Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u igmaday, sida uu baahiyey Horn Cable TV oo aannu warkan ka soo xigannay.

Hase-yeeshee, waa markii ugu horreysay ee Afar Masuul mar qudha wada diidaan xilal uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay intii ay Xukuumaddiisu jirtay tan iyo 28 Julay 2010-kii oo uu magacaabistiisii ugu horreysay sameeyey markii uu xilka ku wareejiyey Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin 27 Julay 2010-kii bil ka dib markii uu doorashada ku guulaystay Siilaanyo.

Haddaba, Warbixinta Warka Masuuliyintaas xilalka Madaxweynuhu u magacaabay iyo sababaha ay u cuskadeen diidmadooda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee ka bogasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.