“Waxaa nalaga dhigay sidii waxaannu nahay Dad Ajanebiya oo meel kale ka yimi…” Prof: Axmed Ismaaciil Samatar

AXMED ISMAACIIL SAMTAR MARKII UU SOOMAALIYA KU SOO HUNGOOBAY SOMALILAND DHUNKANAYA PHOTO FILE

Hargeysa(Aftahannews):- Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay inuu rejo fiican oo dhiirrigelisay uu ka helay Somaliland, taasoo uu xusay inaanu ka helin Soomaaliya oo uu sheegay in loogala dhaqmay markii uu Muqdisho tegay sidii oo uu yahay Qof Ajaanib ah oo aanay Soomaaliba ahayn oo kale.

AXMED ISMAACIIL SAMTAR MARKII UU SOOMAALIYA KU SOO HUNGOOBAY SOMALILAND DHUNKANAYA PHOTO FILE
AXMED ISMAACIIL SAMTAR MARKII UU SOOMAALIYA KU SOO HUNGOOBAY SOMALILAND DHUNKANAYA PHOTO FILE

“Anigu waan isku dayey labaatan sannadood in ka badan ayaan isku dayey inaan ku adkaysto Soomaaliweyn, waa nalala garan waayey, waxaa nalaga dhigay sidii waxaannu nahay Dad Ajaanib ah oo meel kale ka yimi. Maxaannu qabannaa markaa?” sidaa ayuu yidhi Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan u warramay Warbaahinta Soomaalida ee dalalka dibedda ka hawlgala.

Waxaanu Prof: Samatar oo ka hadlaya beddelka waxa uu ka waayey Soomaaliya ee uu ka helay Somaliland, uu yidhi; “Somaliland maaha waa meeshaan ka imi, ee waxaan arkay rejo aan u garaabo. Rejadu maaha inay hayaan jawaabihii oo dhan ee wax badan baa ka dhiman. Laakiin, rejo aad iyo aad kuu tixgelisa ayaan arkay.”

“Aniga dadka na soo dhaweeyey Ceerigaabo illaa Saylac, wax alla waxaan u qabtay ma jirto, waxa weeyaan Qof magiciisa ay waxoogaa garanayaan, hadalkiisu waxoogaa dhadhan macaan u yeeshay, laga yaabo inay rejo ka qabaan inaan waxay haystaan  la sii hagaajin karo, dee intaa waan ka waynay Muqdisho. Sidaa daraaddeed, ayaan anigu u tegay Somaliland, rejo meel ay taallo hadday jirto in aan soo arko.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Axmed Ismaaciil Samatar oo Xisbi la baxay Hiil Qaran ka sameeyey Soomaaliya, isla markaana ka mid ahaa Musharrixiintii u tartamay jagada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya sannadkii 2012-kii, ayaa guul-darraystay markii uu Mudanayaasha Baarlamaanka ee Madaxweynaha dooranayey ka helay toddoba Cod iyo Codkiisa, isagoo hungadaa Siyaasadeed iyo Maamuus-darro uu marar badan sheegay inuu Muqdisho kala kulmay qaba, ayuu u soo wareegay dhinaca Somaliland oo uu qaddiyad ahaan ka soo horjeeday labaatankaa sano iyo dheeraadka uu xaqiijiyey inuu Soomaaliweyn aamminsanaa.

Prof: Samatar oo Somaliland ku soo noqnoqonayey tan iyo bilawga 2014-kii oo uu markii ugu horreysay intii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland, ayaa bishii Ramadaan ee sannadkan aynu ku jirno shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biiray Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Haddaba, Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo si kooban uga hadlaya waxa uu Soomaaliya ka waayey, sida loogala dhaqmay, waxa uu Somaliland ka helay iyo rejada ay leedahay Somaliland ee Mustaqbalka iyo waxay noqon karto, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.