Madaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka qaadis, Magacaabis & Isku-beddel Ku Sameeyey Xukuumadda & Hay’adaha Qaar

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka-qaadis, Magacaabis iyo isku-beddel ku sameeyey Jagooyin Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Wasiiru-dawlayaal, Maareeyayaal, Agaasimayaal guud iyo Wakiillada dalka dibeddiisa u fadhiya Somaliland qaarkood.

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Caawa immika ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu isku-shaandhaynta, magacaabista iyo Xil-ka-qaadista ku sameeyey, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

Taariikh: 03 /12/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 uu caawa xilka qaadis, isku bedel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;           

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasaaraddaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane, Xuseen Cabdi Boos, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Cabdirisaaq Waabari Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Axmed Obsiiye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane, Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
8 In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
9 In Mudane, Guuleed Cabdi Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
10 In Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
11 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
12 In Mudane, Cali Maxamuud Cali Samatar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
13 In Mudane, Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
14 In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
15 In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
16 In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
17 In Mudane, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
18 In Mudane, Axmed Maxamuud Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Gobolada Dalka

1 In Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Cabdi Khayre Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamuud Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

1 In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3 In Mudane, Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5 In Mudane, Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Maxamed Geedi Caynaashe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada (Quality Control) ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane, Maxamed Aadan Xirsi (Vitamin), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Wakiilada Somaliland u fadhiyidoona Dalalka dibeda

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska (United Kingdom);

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo;

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karto xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Marwo, Ayaan Maxamed Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom)
2 In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya
3 In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti
4 In Mudane, Sekeriye Xasan Wacays, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden

Hay’adaha Dawladda Somaliland

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad Faqradiisa 3aad, Xarafka (t) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Naasir Ay-jeex Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta Guddida La Dagaalanka HIV AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Khadar Maxamed Cakule, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Cali Axmed (Daarood), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Axmed Daa’uud Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

La-taliyeyaasha Madaxweynaha JSL

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

1 In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Macdanta
3 In Mudane, Cabdillaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wuxuu go’aansaday

Ujeedo Xilka Qaadis

1 Mudane, Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha
2 Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane,  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare),  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
4 Mudane, Boos Mire Maxamed,  Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda
5 Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
6 Marwo, Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta  
7 Mudane, Cabdi Maxamed Hirad, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud,  Guriyeynta iyo Gaadiidka         
8 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
10 Mudane, Cismaan Garaad Soofe, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
11 Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Sweden
12 Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti
13 Mudane, Cali Aadan Cawaale, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska
14 Mudane, Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Magaalada
15 Mudane, Cabdi Cali Mahdi, Maareeyihii Hore ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee JSL   
16 Mudane, Cabdirashiid Xirsi Dalmar Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sool
17 Mudane, Nuuradiin Maxamed Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada
18 Mudane, Xasan Aadan Geedi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
19 Mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda        
20 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen  qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudaneyaasha iyo Marwooyinka aan xilalka qaranka u soo igmaday una magacaabay.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.