Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Hay’adda UNICEF oo Waraaqo is-waydaarsaday

WASIIRKA WAXBARASHADA SOMALILAND CABDILLAAHI IBRAAHIN HABBANE (CABDILLAAHI=DHEERE) 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa Warqad u qoray Hay’adda UNICEF Xafiiskeeda Hargeysa, taasoo uu kaga dalbaday inay raalligelin kaga bixiyaan Dhaqan-xumo uu ku eedeeyey mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaas, isaga oo ugu hanjabay haddii ay raalligelintaas bixin waayaan inay saamayn doonto xidhiidhka ka dhexeeya Hay’adda iyo Wasaaradda.

WASIIRKA WAXBARASHADA SOMALILAND CABDILLAAHI IBRAAHIN HABBANE (CABDILLAAHI=DHEERE) 2016
WASIIRKA WAXBARASHADA SOMALILAND CABDILLAAHI IBRAAHIN HABBANE (CABDILLAAHI=DHEERE) 2016

Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi-Dheere, ayaa ka cadhooday baahinta Mashruuc ay ku baxayso 21 Milyan oo Doollar oo muddo saddex sannadood ah soconaya, laguna taageerayo Waxbarashada Somaliland, kaasoo ay ku guulaysatay Hay’adda UNICEF, hase-yeeshee uu isagu caddeeyey inuu si badheedh ugu diiday, siiyeyna Hay’adda Save the Children, kaasoo ay Warbaahinta qaarkeed xogo iyo muuqaallo Shirkii uu ugu diiday Mashruucaas ka heshay, isla markaana baahisay.

Codsiga iyo Hanjabaadda Warqadda Xambaarsan ee uu Wasiirka Waxbarashada Somaliland u qoray Xafiiska ay UNICEF ku leedahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ku taariikhaysan 29/11/2016, ayaa Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com, taasoo ku qornayn Luuqadda Ingiriisida, balse aannu Soomaali u soo turjunnay, waxay u dhignayd sidan hoos ku qoran:-

“Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxay waydiinaysaa Xafiiskiinna Hargeysa inuu Raalligelin buuxda ka bixiyo dhaqan-xumada iyo dabeecad-xumada uu muujiyey Xubinta Shaqaalihiinna ka tirsan ee Md. Maxamed Cabdi Sh. Axmed, ka dib ku dhawaaqistii cidda ku guulaysatay Mashruuca Of GPE 28/11/2016.

Haddii aad ka bixin waydaan raalligelin aad siisaan Wasaaradda Waxbarashada, waxaannu dib uga fiirsan doonnaa xidhiidha ka dhexeeya UNICEF iyo Wasaaradda Waxbarashada.” Sidaa ayuu Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo ku saxeexnaa isagu Warqaddaas ku yidhi Qoraalkiisa. Waxaanay Warqaddaas oo ku qoran Luuqadda Ingiriisada u dhignayd sidan hoos ka muuqata. Kilig-garee Qoraalka Wasiirku Waxbarashadu u Diray UNICEF.

request-for-an-apology-1.

Sidoo kale, halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Aftahannews helay ee shirkaas ee uu ka xanaaqay Wasiirka Waxbarashadu hadalladii ay is-waydaarsadeen Masuul ka socday UNICEF iyo Wasiirka Waxbarashada oo caddaynaya inuu Mashruucaas ay ku guulaysatay isagu u diiday UNICEF; Daawasho wacan oo wanaagsan Muuqaalkan Hoose:-

Hase-yeeshee, markii uu Warqaddan Wasiirka Waxbarashadu u diray xafiisyada UNICEF, ee uu ku socodsiiyey waxaa iyaguna qoraal raalligelin ah soo saartay madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed kaasi oo lagu muujiyey sida ay UNICEF ahaan uga xun yihiin sida uu masuulkoodu ula macaamilay madaxda wasaaraddaas. Kadib uu Wasiirku Hay’adda Save the Children siiyey fulinta iyo maamulida mashruucan oo saddex sanno socon doona isla markaana ay ku baxayso lacag dhan saddex milyan oo dollar oo ay qaramada midoobay ku bixinayso tayaynta waxbarashada iyo xirfadda barayaasha somaliland.

Qoraalka UNICEF oo sumadiisu ahayd (SOM/HAR/16/242), ayaa lagu yidhi “Waxaannu yiqiinsannahay in masuulkayagu u dhaqmay si aan habboonayn, si niyad ahna waannu idiinka raalligalinaynaa,” ayaa lagu bilaabay qoraalka raalli-galinta ah ee hay’adda UNICEF, xafiiskeeda Somaliland.

“Hawlwadeennadayada qaarkood waxa qaadi karta caadifadda mararka ay la kulmaan xaalado adag, sida tan hadda dhacday oo kale” ayay tidhi Marwo Aamina Maxamed, waxaanay intaa raacisay; “Arrintan waxaannu ka wada hadalnay hawlwadeenkii ay khusaysay ee gefka sameeyay, wuu qiray qaladkii uu sameeyay, waanuu ka qoomamooday. Waxa ka go’an in aanu dib u samayn gef kale.”

Qoraalka madaxa xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, waxa lagu soo afmeeray: “Waxa naga go’an inaannu sii wadno wada-shaqaynta aannu la leennahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo taageerista xaqa uu ilme kastaa ba u leeyahay in uu waxbarasho helo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.