“Ri’ Masaasad Buu Siiyay, Islaan Xaabuu la qaaday, Dumar buu Roodhi u qaybiyey ugu Codee..” Cali-Guray

CABDIRAXMAAN-CIRRO NEEFKAN XOOLAHA AH MIYUU CABSIINAYAA MISE WUU CAAMMAYNAYAA

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay in aanu cid dhalliili karin Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo uu sheegay inuu yahay Ninka isku darsaday Golihii Wakiillada iyo Wasiirradii Xukuumadda ugu mudada dheeraa, isla markaana wuxuu sheegay inaan Cod lagu siinayn Caawimooyin kooban oo ay ka mid yihiin Neef Xoolaha oo uu Caagad Biyo ku jiraan afka ugu qabtay, Islaan uu Xaabo la qaaday iyo Dumar uu Roodhi u qaybiyey.

CABDIRAXMAAN-CIRRO NEEFKAN XOOLAHA AH MIYUU CABSIINAYAA MISE WUU CAAMMAYNAYAA
CABDIRAXMAAN-CIRRO NEEFKAN XOOLAHA AH MIYUU CABSIINAYAA MISE WUU CAAMMAYNAYAA

Cali-Guray wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Barta uu ku leeyahay Shabakadda Facebook (Faysbuug), waxaana qoraalkaas uu Faysbuuggiisa ku baahiyey u dhignaa sidan:-  “… ‘Ri’ Masaasad Buu Siiyay, Islaan-na Xaabuu la Qaaday, Dumar buu Roodhi u qaybiyey ugu Codee…..’

Cid ma dhalliili karaa Ninka isku darsaday Golihii iyo Wasiirradii Xukuumadda ugu muddada dheeraa? Intaa oo dhami waa wanaag, laakiin cod laguma helo. Marka hoggaamiyaha ugu wayn Mucaaridku uu sidan yahay ee Mucaarid iyo Muxaafid mid uu yahay aan runtii la kala garan karin, yaa odhan kara wuxuu hoggaamin karaa Qaran weli Qarannimadiisu aanay taabbogal noqonnin oo ligliganayso, una baahan in dhidibka loo adkeeyo.

Nasiib-darrada Cabdiraxmaan-Cirro haysata ee ugu wayni waxay tahay isaga oo 12 sannadood ahaa Guddoomiyaha Wakiillada oo dawladda dhankiisa haystay Golaha Wakiillada oo la ogyahay inuu xumaanta inta ugu badan uu masuul ka ahaa welina ka yahay Cabdiraxmaanna intaaba Guddoomiye ka ahaa welina ka yahay.

Waxa ka daran Xukuumaddu haddii ay xun tahay ma wuxuu odhan karaa markii kooxdii ka soo jabtay ay Xisbigiisa ku biirtay bay xumaatay ama haddii si kale loo dhigo intii Xirsi ahaa Wasiirka Madaxtooyada way fiicnayd oo dawlad ay ka dhacayso ayay ahayde markii Maxamuud Xaashi noqday Wasiirka Madaxtooyada ayay xumaatay.

Ma odhan karo oo ma dhalliili karo Xukuumadda haddii wax la gacan-togaaleeyay uu dhankiisa kaga jiray ee weliba inta ugu badsatay uu ka midka ahaa. Tan kale Cabdiraxmaan nacas maaha ee wuu ogyahay intaa abaal iyo waxtar loo yeeshay marka aad ku darto Xisbiga maanta uu Musharraxa ka yahay oo aynu ognahay sida uu ku soo baxay iyo cidda u soo saartayba. Sidaa daraadeed ha la yaabina haddii uu meelo kale iyo wax aan ganac lahayn sii gurguriyo waa Nin meel ku socda waddadii uu u mari lahaana og inay miinaysan tahay oo aan u badheedhi karine.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.