Daawo Xukuumadda Siilaanyo oo ka hadashay Sababta Cirro loogu diiday Booqashado Budhcad Waddani ka tirsan oo Xidhan

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxmaed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay ugu diidday Jimcihii Maanta inuu Booqdo Xubno ka tirsan Xisbigiisa oo Budhcadnimo ugu xidhan Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa oo isaga iyo Saraakiil kale oo Waddani ka mid ah loo diiday inay ugu galaan xubnahaas.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye
Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye

Xadhigga Muniir Axmed Cigaal iyo Cali-mahadi Jibriil Xasan oo Arbacadii lagu xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii uu soo dacweeyey Jaamac Cilmi Jiir oo sheegay in Cali-mahdi iyo Koox kale la dagaallameen, Muniirna ahaa Ninka ku soo diray, marka dambana gaadhiga kula baxsaday Cali-mahdi ka dib markii dagaalkaasi ku dhex-maray Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa sida uu Jaamac-Jiir sheegay, waxaana loo xidhay Dacwad la xidhiidha Kiiskaas oo uu Jaamac-Jiir ka gudbiyey labadaas Nin oo hore Saxaafadda uga tirsanaan jiray, balse immika ah Xubno Xisbiga Waddani ka tirsan.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Sababta loogu diiday Masuuliyiintaa Xisbiga Waddani ka tirsan inay Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa ku booqdaan Xubnaha Xisbigooda kaga xidhan ay tahay inaanay wax xidhiidh ah la soo samaynin Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska midna, isla markaana ay ahaayeen dhawr iyo toban Masuul oo Waddani ka tirsan, tiro intaas le’eg oo Dad ahna aanay suuragal ahayn inay Saldhig wada-tagaan, isaga oo intaa ku daray inay u xidhan yihiin dhibaataynta Muwaaddin ay dhaawacyo gaadhsiiyeen.

Haddaba, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo qodobbadaas iyo kuwo kale-ba faahfaahinaya, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.