Daawo Musharrax Cirro oo Sheegay in loo diiday Booqashada Budhcad Xisbiga Waddani ka tirsan oo la Xidhay

MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaardka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in loo diiday inuu ku booqdo Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa Xubno Budhcad ah oo ka tirsan Xisbigiisa Waddani, kuwaasoo u xidhan dhaawacyo ay gaadhsiiyeen Jamaac Cilmi Jiir oo ay Huteelka Xaraf ee Hargeysa ku weerareen Arbacadii, ka dib markii uu Xisbigaas iyo Hoggaamiye Xirsi wax ka qoray.

MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO
MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO

Xubnaha uu Musharrax/Guddoomiye Cirro iyo Masuuliyiin kale oo Xisbiga Waddani ka tirsan ay doonayeen inay Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa ku booqdaan loo diiday inay arkaan, ayaa ah Muniir Axmed Cigaal iyo Cali-mahdi Jibriil, kuwaasoo iyaga iyo Xubno kale oo Budhcad ahi ay weerareen Ninkaas, sida uu sheegay Jaamac-Jiir oo Arbacadii isaga oo Afku Dhiigayo, Gacanina duubantay la hadlay Saxaafadda, sheegayna inay isu qabteen illaa Sagaal Nin oo ay labadaas Nin ee immika xidhani ka tirsan yihiin.

Cabdiraxmaan-Cirro oo markii loo diiday isaga iyo Saraakiisha Xisbigiisu inay booqdaan Nimankaas Waddani ka tirsanaa ee xidhan, ka dib Warbaahinta qaar ka tirsan la hadlay, ayaa sheegay inay Sharci-darro u xidhan yihiin labada Nin ee lagu xidhay dhaawacyada ay gaadhsiiyeen Muwaaddin Jaamac-Jiir markii ay si wada-jir ah ula dagaallameen, waxaanu ku hanjabay haddii Sharciga dalka u yaalla lagu dhaqmi waayo inay dhici doonto in Qof waliba gacantiisa Sharciga ku qaato.

“Marka horre waxaan cambaareeynayaa xidhigga Muniir oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo aan Xisbiga lala socodsiin, xidhigiisana aannu u aragno sharci-darro inuu yahay. Hase-yeeshee maanta arrintaa umaannaan socon ee waxaannu u soconnay in aannu soo booqanno.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Cirro.

Waxaanu intaas ku ladhay; “Kedinka dibedda markii aannu joognay Aniga iyo Saraakiil kale oo badan oo Xoghayaha guud ka mid yahay, oo Xogyaha Cadaaladdu ka mid yahay, waxa dhacday Ciidankii halkan (Saldhigga dhexe) joogay, waxay yidhaahdeen; ‘waxa amar nalagu siiyay in aan lagu soo dayn Adiga oo Guddoomiyihii Baarlamaanka ah, waxaad ka warqabtaan in aan Musharrax ahay oo Qarankan u sharraxan Madaxweynennimo iyo Guddoomiye Xisbi intaba.”

“Askartii waxaan weydiiyay ma I garanaysaan in aan ahay Guddoomiyihii Baarlamaanka? ‘Haa bay yidhaahdeen, laakiin Guddoomiye amar baannu haysannaa intaa wax ka badanna haddeer ma sheegi karno’.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Musharrax Cirro oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Arrintaas waxay ila tahay waxa magac Qarannimada ku xun, dawladnimaddana ku xun, Madax-bannaanida iyo Axsaabta Qarankana ku xun oo sharci-darro ah, haddii amarkaasi jiray ciddii bixisayna way ogtahay, marka waxaan u arkaa amar sharci-darro ah. Anigoo intaas oo xil ka haya Qaranka, intaa waxa dheerayd in Qoryihii nalagu soo fiiqay Annaga oo aan hubaysnayn oo aan waxba sidadannin, waxa intaa dheer in la xidhay Gaadhigii Xoghayaha (Waddani), waxa kale oo la xidhay Suxufiyiin meesha maraysay oo iyagana la xidh-xidhay.”

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Guddoomiye/Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo arrimahaas ka hadlaya, isla markaana faahfaahinaya waxa dhacay iyo hanjabaaddiisa-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.