Magacyada Xubno Beesha Caalamka u gudbiyey Xogo lagu Fashilinayo Doorashada Soomaaliya 2016?

SANDUUQA CODBIXINTA DOORASHADA SOOMAALIYA 08 FEBRAAYO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Murrashaxiinta u tartamaya Kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan aqalka hoose ayaa la sheegay inay war-bixino tashuush lagu gelinayo habsami u socodka Doorashada u direen qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Doorashooyinka ka caawinaya Dawladda iyo daneeyayaal kale oo duwalka ah.

Magacyada Xubno Beesha Caalamka u gudbiyey Xogo lagu Fashilinayo Doorashada Soomaaliya 2016?
Magacyada Xubno Beesha Caalamka u gudbiyey Xogo lagu Fashilinayo Doorashada Soomaaliya 2016?

Sida lagu sheegay xoggo rasmi ah oo la helay, Murrashaxiinta ayaa Siyaabo kala duwan Warbixinno borobagaande ah ugu gudbiyey Daneeyayaasha Doorashada Soomaaliya, iyadoo  qaarkood farrimo dhinaca Email-ka ah oo tiro badan u gudbiyeen, halka qaarna Warqado geeyeen Xafiisyada Qaramada Midoobay iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha kale ee Muqdisho ku yaalla.

Daba-gal ay samaysay Hay’ad dusha kala socota dhaqdhaqaaqa Doorashada iyo tartanka Murrashaxiinta Aqalka sare iyo Aqalka hoose, ayaa lagu ogaaday inay Murrashaxiintaasi ka dambeeyeen walaaca Beesha Caalamku ka muujisay geeddi-socodka Doorashada ka socotay gobollada dalka, sida uu Warbixinta Hayaddan ku helay Weriye Aftahannews ka tirsani.

Murrashaxiinta ay Hay’addu heshay Macluumaadka ay gudbiyeen waxa ka mida Guleed Caydaruus Cige oo hore uga shaqayn jiray Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Soomaaliya, kaasoo sida la sheegay Macluumaadka uu gudbiyey ku sheegay inuu u sharraxanyahay Aqalka hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Cabdullahi Jeesow oo ka mid ah shakhsiyaadka u tartamaya Golaha Baarlamanka, kana soo jeeda Gobollada dhexe, ayaa ka mid ah Murrashaxiinta lagu eedeeyey inay dhaleeceeyeen Doorashada.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in Guuleed 30 Email in ka badan u diray Xafiisyada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Safaaradaha Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Waddamo kale oo ay Hay’addu xustay.

Guuleed waxa uu ka mid yahay Murrashaxiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland, waxaanay Hay’addu sheegtay inuu qoraallada uu gudbiyey ku xusay Qabiilka uu ka soo jeedo, iyadoo arrimaha ugu xaasaasisan ee uu ka hadlay ay ka mid tahay Musuqmaasuq, nabadgelyo-darro, xadhig iyo handidaad. Mana jirto illaa iyo hadda Murrashaxiin la xidhay ama si caddaan ah loo handiday, waxayse Warbixintu xustay inay dhici karaan shaki guud iyo mid gaar ahaaneed oo ay Murrashaxiintu ku caban karaan in dhinac looga xagliyey, mase aha arrin imminka la gaadhay wakhti laga hadli karo, sababtoo ah wali lama qaban Doorashada Gobollada Somaliland.

 “Inta badan qoraallada iyo xogta ay gudbiyeen xubnaha sheegtay inay Murrashaxiin yihiin, maaha kuwo ku salaysan xaqiiqada jirta ee waxay xajiimayn ku tahay horumarka la sameeyey. Ma odhan karno may dhicin qaladaad, hase ahaatee markaynu miisaanno bushqadaha xogta la gudbiyey aadbay uga fog yihiin dhab ahaan arrimaha socda.” ayey Warbixin ku sheegtay Hay’adda oo aanu magaceeda u qarinnay sababo dhanka amniga ah.

Hay’addu warkeeda iyadoo sii wadda waxay ku talo-bixisay oo ay tidhi; “Sidaas darteed, waxa loo baahanyahay inay Hay’addaha Dawladda ee ay arrintu khuseysaa ku dhiirradaan inay tallaabo ka qaadaan Ashkhaasta ku xad-gudbaysa ku kalsoonaanta doorashada oo aan u aragno inay qayb ka noqdeen ama doonayaan inay gacan ku yeeshaan in faro-gelin lagu sameeyo doorashada Baarlamanka ee socota iyo midda Madaxweynaha.”

Hay’addu waxay Warbixinteeda ku beyaamisay inaanay tartameyaasha qaarkood ahayn dad xilkas ah oo ka damqanaya waddaniyadda iyo mabaadi’da Qaran ee loo baahanyahay in la dhowro. “Ma meteli karaan ummad kuwa beenta ka sheegaya nidaamka u yaalla iyo hab-dhaqanka siyaasaddeed ee ay qaybta ka yihiin.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkaas Hay’adda.

Warbixinta Hay’addu waxay talooyinka ugu muhiimsan siisay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya oo ay u soo jeedisay inay daba-gasho dhaqdhaqaaqa ay sameeyeen kuwa ku lug leh fidinta borobagaandaha lagu jallaafaynayo hawlaha doorashada. Waxaanay intaa ku dartay in doorashada Soomaaliya ka dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016-ku inkasta oo aanay ahayn mid casri ah haddana ay tahay tallaabo Taariikhi ah oo ay Soomaalidu u aayi doonto.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii waddamada iyo Ururrada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ay walaac ka muujiyeen geedi-socodka Doorashooyinka Baarlamanka ee ka socda Gobolada Soomaaliya, waxaanay qaadhaan-bixiyeyaashu sheegeen in qaladdaad badani dhaceen intii doorashadu socotay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.