Daawo Budhcad Xisbiga Waddani ka tirsan oo Weeraray Jaamac-Jiir iyo Dhaawacyo ay Gaadhsiiyeen

AQOONYAHAN JAAMAC CILMI JIIR OO BUDHCAD WADDANI KA TIRSANI WEERAREEN 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Koox Budhcad ah oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Kuwo u adeega Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Arbacadii Maanta weerar ku qaaday Jaamac Cilmi Jiir oo inta badan ka faallooda xaaladaha siyaasadeed iyo himilada Xisbigaas, kaasoo sheegay inay kooxdaasi weerareen isagoo ku sugan Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa, isla markaana dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyeen.

AQOONYAHAN JAAMAC CILMI JIIR OO BUDHCAD WADDANI KA TIRSANI WEERAREEN 2016
AQOONYAHAN JAAMAC CILMI JIIR OO BUDHCAD WADDANI KA TIRSANI WEERAREEN 2016

Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir, ayaa sheegay inuu marka hore isagoo Xaraf iska fadhiya ay weerar afka ah ku qaadeen Muniir Axmed Cigaal oo Xisbigaas ka tisan iyo Cali-mahdi Jibriil Xasan oo isaguna la shaqeeya Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Inkastoo uu Muniir dagaalkaas inuu wax ka ogaa ku beeniyey Qoraal uu caawa soo dhigay Bartiisa Facebook, haddana waxa uu Jaamac-jiir sheegay in Muniir iyo Xirsi ka dambeeyeen weerarkiisa, Cali-mahadi iyo koox kale oo Budhcad ahna u adeegsadeen dilkiisa.

Jaamac Cilmi Jiir oo ka warramaya sida dagaalkaasi ugu bilaabmay, sababta loogu bilaabay, cidda ku bilawday, sida wax u dhaceen iyo dhaawacyada kala duwan ee la soo gaadhsiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.