“Iskakay Cafi, iskana illoow Jacaylka..” Farriinta Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Weeraray Jaamacadda Ohio

CABDIRISAAQ CALI CARTAN SOOMAALIGA WEERARAY JAAMACADDA OHIO 2016 AP

Ohio(Aftahannews):- Ciidammada Hay’adda Baadhista Dembiyada Maraykanka ee IFB, ayaa bilaabay baadhista qaabka uu u dhacay iyo waxa sababay weerar Wiil Soomaali-Maraykan ahi ku qaaday Jaamacadda Ohio oo 11 Qof ay ku dhaawacmeen Isniintii inuu Argaggixiso la xidhiidho iyo in kale.

CABDIRISAAQ CALI CARTAN SOOMAALIGA WEERARAY JAAMACADDA OHIO 2016 AP
CABDIRISAAQ CALI CARTAN SOOMAALIGA WEERARAY JAAMACADDA OHIO 2016 AP

Cabdirisaaq Cali Cartan oo da’diisu ahayd 18 sano jir Soomaali ah, ayaa Gaadhi uu watay ku dhuftay Dad taaganaa Jaamacadda Ohio horteeda, ka dibna waxa uu ku weeraray Minddi, ka hor intaan Booliisku isaga toogasho ku dilin.

Sababta uu weerarkaas ugu qaaday Ardayda Jaamacaddaas, ayaan weli si rasmi ah loo ogeyn, hase ahaatee, waxaa loo badinayaa inuu ahaa weerar falalka argaggixisannimo ee Ururrada Xag-jirka ahi maleegaan ka mid yahay, sida ay sheegtay Madaxa Booliiska Ohio Kim Jacobs.

Cartan, Booliisku hore uma aqoon, sida uu qof aan magaciisa sheegin u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press. Warfaafinta Maraykanka, ayaa sheegtay in Cartan ay u eg tahay inuu ku qoray farriin Facebook intaanu weerarka qaadin.

Booliis baadhitaanka samaynaya ayaa u sheegay Telefishinka NBC in farriin lagu qoray Faceebook oo la aamminsan yahay inuu leeyahay Cartan ay u dhignayd sidan: “Ma xamili karo in ka badan.” Farriintaas oo sii socotay ayaa sheegaysay; “Ameerika! Jooji faragelinta aad ku hayso waddamada kale, gaar ahaan ummadda Muslimiinta. Ma nihin dad jilicsan. Iskakay Cafi, iskana  illoow Jacayl.” Madaxa Booliska oo la weydiiyay in weerarkani ahaa fal-argagixiso, ayaa ku jawaabtay; “Waa inaan Tixgelinnaa Badhitaanka oo aynu sugnaa natiijadda ka soo baxda.”

FBI-da ayaa samaynaysa baadhitaanka Jaamacadda oo ay dhigtaan 60,000 oo Arday. Cartan, oo ahaa Qaxooti Soomaali ah, ayaa degganaa Maraykanka isagoo helay sharciga Maraykanka. Wuxuu ka baranayay Logistics management, Kulliyada Ganacsiga, siday ku warranatay Columbus Dispatch.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.