Soomaali Ka Sheekeeyey Arrin Bulshada ka fajiciyey; “Waxaan Guursaday 40, waxaan kala garan la’ay..”

ODAY SOOMAALI AH OO SHEEGAY INUU GUURSADAY AFARTAN DUMAR AH 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Amiir Cali Dhagas oo ah Oday Soomaali ah, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday Dhaqan aan wanaagsan oo Dadka Soomaalida ah intooda badan ku cusub ama aan hore loogu arag, Diinta Islaamkana aan waafaqsanayn, isla markaana sheegay inuu Guursaday Afartan (40) Dumar ah, welina uu Guur-doon yahay.

ODAY SOOMAALI AH OO SHEEGAY INUU GUURSADAY AFARTAN DUMAR AH 2016
ODAY SOOMAALI AH OO SHEEGAY INUU GUURSADAY AFARTAN DUMAR AH 2016

Ninkan oo Da’diisa ku sheegay inuu jiray Lixdan (60) sannadood, ayaa sheegay inuu weli xoog yahay, isla markaana weli isu arko sidii uu soddon jir yahay oo kale sida uu ku dooday. “Anigu waxaan guursaday 40 Dumar ah, maanta waxa joogta tii 39-naad weligay intaan Adduunka joogay Gabadh wax ka badan hal dalqad kumaan furin, dalqadaasna kuma rejacsan (dib uguma noqon), waxaanan keenay Gabadhii haddii ay I tidhaahdo I fur weligay masii qabin.” Sidaa ayuu yidhi Amiir Cali Dhagas oo ku nool dalka Soomaaliya sida lagu sheegay War Muuqaal ah oo laga duubay, isla markaana lagu baahiyey Shabakadda Wararka ee Booramanews oo aannu warkan ka soo xigannay.

Oday Dhagas oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Gabadha haddii uu afkeeda ka soo baxo I fur waxaan idhaahda maca-salaama ee wakaa dharkaagi iyo meherkaagii. Beri ayaa Annagoo Aroos ku jirna Gabadhi tidhi habeen aan reer Islaam ah u soo garnaqayay ayay igu tidhi; ‘Saaxiib gacalliye maxaad caawa ku daahday?’ markaan u sheegay bay tidh; ‘Aniga hadda Nin reer u soo garnaqaya habeennimo ima qabi karee ifur’, markaasaan Anigoo Aroos ah furay oo aan ku idhi meherkaagi wakaas.”

Waxa uu sheegay Dhagax in Gabdhaha uu guursaday ee uu tiradooda afartanka Haweenka ah ku sheegay 15 ka tirsan uu Gashaantiyo iyagoo ah oo aan isaga looga horreyn uu guursaday, halka 25-ka kale uu ku sheegay inuu guursaday iyaga oo carmal ah oo la soo furay. “Waxaan guursaday 15 Gabadhood iyo 25 Garoob (Carmal) ah, hadda ta joogta mooyaane iyo mid dhimatay maahee, horta waxaan guursaday 40-kaa Dumar ah.” Sidaa ayuu yidhi Amiir Cali Dhagas.

Odaygan Soomaaliga ah ee Dhaglas, waxa uu sheegay inuu kala garan la’ahay inay dhimatay iyo in aanay dhalan nooca Gabadh xusay inuu rabo inay Xaas u noqoto, waxaanu yidhi; “Waxaan kala garan la’ahay inay dhimatay iyo in aanay dhalan Xaaska aan doonayaa. Immika Anigu waxaan jiraa 60-sano, waxaanse qabaa inaan 30 jir ahay, waxaanan doonayaa in la iigu yeedho kalmadaha Xabiibi iyo Inaadeer.”

Xigasho Wargeysa Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.