Dembiga Guddoomiye Ku-xigeenkii Xuquuqal-Insaanka Somaliland Dariiq Sharci Ma Maray? Maxamuud-Walaaleye

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKII KOMISHANKA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND MAXAMUUD GARAAD MAXAMED

Salaanta islaamka ka dib, shaqsi kastoo masuuliyad ummadeed qabta, waxa waajib ku ah inuu sida ugu haboon u guto, si ummadu waxqabadkiisa uga garwodo, Ilaahayna xasanaad ku siiyo, taa bedelkeedana,  masuul kastoo ku gaboodfalla gudshada waajibaadkii ka saarnaa iyo masuuliyadda uu ummada u hayo, oo deelqaaf iyo dembi ku dara, waxauu garaadku inna farayaa inuu maro cawaaqibka dunuubta uu sameeyey, ummadana dib looga ilaaliyo inuu masuuliyadeeda u soo dhowaado.

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKII KOMISHANKA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND MAXAMUUD GARAAD MAXAMED
GUDDOOMIYE KU-XIGEENKII KOMISHANKA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND MAXAMUUD GARAAD MAXAMED

Hadaan u soo laabto ujeedada mowduuca maanta, ku dhowaad laba bilood horteed waxa  inbadan oo shacabka Somaliland guddo iyo dibedba, iyo baddi madaxda xukuumada Somaliland dhegahooda ku soo dhacay dhacdo dembi uu Gudoomiye-xigeenka hay’adda Xuquuqal-Insaanka Qaranka ahaa, xil umadeed ka haya hay’adaha ugu mudan Qaranka sameeyey, balse nasiibdaro halkii shaqsigaasi mari lahaa cawaaqibka eedaha uu ka galay ummada, sifo aan weli la aqoonsan looga dambabasay.

 Akhriste, xadiis nebigeena Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa (Sheega XAQA, haba  Qadhaadhnaade) ninkan aan ka hadlayo, ee sifaha maldahan looga saamaxay in la mariyo nidaamka sharciyada dalka, oo ah Maxamuud Garaad Maxamed (Qawdhegeste) ayaan kula talin lahaa inay talaabo ku haboon ka qaataan Gudoomiyaha hay’adda Xuquuqal-insaanka Qaranka, Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur iyo xubnaha kale komiishanka, isla markaana ku baraarujin lahaa inay magaciisa ka masaxaan diiwaanka hay’adda Xuquuqal-insaanka, ilayn horaa loo yidhi (Baruur keliyaa-baruuro Qudhmisee).

Ugu dambayn, waxaan ka rejaynayaa madaxda xukuumada ay khusayso inay hoos u eegaan baaqan muwaadin shacabka Somaliland ugu soo jeedinayo inay waajibaadka kaga beegan, ee xilka ay anniga iyo guud ahaan ummada u hayaan farayaan, ka gutaan, dibna aan loogu aaminin masuuliyad ummadeed ilayn umaqalmee. Ilaahay dariiqa xaqa dhamaanteen ha inna waafajiyo, aamiin.

Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleeye)

mohamoudali33@gmail.com

Hargeysa/Somalilalnd.