“Ina Cali Waraabe hadduu Suudh xidho & hadduu Surwaal Gaaban xidho waa Ina Cali Waraabe uun..” Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland nidaamka dawladnimada ka arradan tahay, isla markaana aanay dawladdu gacanta ku hayn inta badan adeegyada aasaasiga ah, sida Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Korontada iyo waxyaabaha la midka ah, waxaanu sheegay in Cuqaal iyo Odayaal Cumaamado sitaa ka taliyaan Somaliland, isagoo sheegay inaanay Cumaamaddu Caqli iyo Cilmi midna kordhin.

“Ina Cali Waraabe hadduu Suudh Gashado & hadduu Surwaal Gaaban Xidho waa Ina Cali Waraabe uun..” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadal dheer ka jeediyey Xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo uu ka qaybgalay.

Khudbad dhinacyo kala duwan uu kaga hadlay, isla markaana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhalliilo ugu jeediyey iyo weliba Bulshada qaarkeed oo uu Xafladdaas ka jeediyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.