Naf-hurka Madaxweyne Siilaanyo ee Samato-bixinta Bulshada Abaareysani waa Dhaabbad Lagu Xusi Doono!

By: Cumar M. Faarax ………… Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa in dhawaaleba jiif iyo joogba u diiday  siday u beer-qaaday  xaaladda walaaca leh  iyo dhiillada la xidhiidha abaarta ba’an ee ku laxaadsatay  gobollada bariga wadanka, iyadoo abaartaas kululi ay halis ugu jiraan  dad xukuumaddu ku qadartay  inay gaadhayaan 248, 000 (laba boqol, siddeed iyo afartan kun).

oodweyne-illaa-burco-socdaalka-siilaanyo-2016-3

Sidoo kale, waxa abaaruhu saameyn ku yeesheen bulsho gaadhaysa hal milyan iyo badh qof oo kala ah reer guuraaga ku dhaqan gobollada Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil, inkasta oo ay jiraan dad abaaruhu ay ku saameeyeen gobollada galbeedka oo ay ka mid yihiin Maroodi-jeex iyo Gabiley.

Madaxweyne Axmed Siilaano, waxa uu ka shaqeeyay oo sidii ugu weynayd la iskugu dubo-riday gurmadka abaaraha, iyadoo xukuumadda Somaliland ay ku wareejisay guddida gurmadka abaaraha lacagtii ugu horreysay oo ah hal milyan iyo dheeraad.  Waxa kale oo uu sameeyay laba baaq oo waaweyn oo uu beesha caalamka, qarammada midoobay, midowga Yurub, midowga Afrika iyo jaamacadda Carabtaba uu kaga dalbaday inay il naxariiseed ku qiimeeyaan baaxadda abaaraha ka jirta Somaliland oo sababay in dadkaas abaareysan ay ka baxeen xoolihii ay dhaqanayeen. 86%. Iyadoo 51% dadka abaaruhu ku habsadeen ay hal mar uun helaan wax ay afka galiyaan.

Toddobaadkan oo kaliya waxa la qorsheeyay in deeq raashin iyo biyo ah la gaadhsiiyo 30 kun oo qoys oo ah kuwa ku jira marxladda adag.

Madaxweyne Siilaanyo, oo hoggaaminaya wefti culus oo ka kooban Wasiirro iyo Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa waxay ku gudo-jiraan maalintii saddexaad booqasho ay kula naf qeybsanayaan dadka tabaaloobay,waxaana socdaalka loogu magac-daray TABAN-TAABO oo loogu muujinayo in hiil iyo hooba ay xukuumadii ay doorteen la garab taagan tahay, isla markaana ay ka go’an tahay in la badbaadiyo dadka dhibaateysan. Iyadoo juhdiga madaxweynuhu geliyay gurmadka abaaruhu ay tahay tallaabo togan oo muujinaysa in Madaxweynuhu uu awoodiisa koowaad dul dhigay xilli xaadirkan  sidii loo taakuleyn lahaa dhibaneyaasha abaaraha.

Waxa kale oo wax lagu diirsado ah inuu madaxweynuhu ballan-qaaday in xukuumadiisu ay maareyn doonto qorshe mustaqbalka lagaga gaashaamanayo abaarahan soo noqnoqday.

Haddaba, madaxweyne Siilaanyo oo ah halgamaa danta guud ee dalka ka shaqeynayay muddo nus-qarni ka badan, waxa sida uu uga damqaday abaaruhu ay cashar u tahay siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaasha Somaliland ee mustaqbalka oo laga doonayo inay la yimaadaan hawl-gal cilmi ku dhisan oo ay kaga dayanayaan Madaxweyne Siilaanyo qaabka uu ula tacaalayo masiibadan ummadda saameysay,

Haddaba, waxa qaadhaan-bixiyeyaasha, Hay’adaha caalamiga ah iyo beesha caalamkaba la gudboon inay si wax ku ool ah uga jawaab celiyaan baaqa madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu si qoto-dheer oo aqooneed ugu sawiray xaaladda ba’an ee ka taagan Somaliland, si loo samato-bixiyo dadkaas badbaadada u baahan. Iyadoo xaaladda jirtaa aanay ku simayn dadkaas  inay muddo dheer qaadato kaalmadda caalamiga ahi. Baaqii madaxweynuhu waxa kale oo uu dhiirigelin u yahay muwaadiniinta muxsiniinta ah ee reer Somaliland oo ay tahay inay afar jibaaraan gurmadkooda abaaraha.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com