Dahabshil oo Kaashanaya UNHCR iyo American Refugee oo Maalgeliyey Dhalinyar Qaxooti ku ah Dalka Uganda

CABDIRASHIID MAXAMED SICIID DAHABSHIIL

Kampala(Aftahannews):- Shirkadda Caalamiga ah ee  Xawailaadda Lacagaha ee Dhabshiil Group oo kaashanaysa Hay’ado caalami ah, ayaa fulisay mashruuc ay ku maalgalinayso Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Qaxooti ku ah waddanka Uganda.

CABDIRASHIID MAXAMED SICIID DAHABSHIIL
CABDIRASHIID MAXAMED SICIID DAHABSHIIL

Shirkadda  oo kaashanaysa Hayadaha UNHCR  iyo American Refugee Committee, ayaa kahirgaliyay dalka Uganda  Mashruuc  loogu talagalay in lagu maalgeliyo fikradaha cusub ee Ganacsi noqon kara.

Fikradahan oo  ay soo diryaarsanayeen  dhalin yarta  ku jirta  Navikale Camp  ee kuyaalla dalka Uganda.  Ujeedadda  mashruucan ayaa ah sidii  kor  loogu qaadi lahaa   heerka Dhaqaale – Bulsho  ee ku dhaqan goobtan.

Mashruucan oo loogu magac daray “Change Makers” ayaa in kabadan 800 oo  dhalinyaro qaxooti ah lawaydiiyay inay soo bandhigaan fikrado ganacsi  oo isbadal horumarineed ku samaynkara noloshooda.

 Waxa  lasoo bandhigay in kabadan 1,500 oo fikir ganacsi , iyada oo 30 kii u wanagsanaana  lagu abaal mariyay xaflad si heer sare loosoo agaasimay, taas oo kadhacday Magaalada Kampala.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Duale oo kamid ahaa  marti sharaftii ugu sareysay ee  kasooqayb gashay  munaasabadda  ayaa kahadlay goobta , isaga  sheegay muhiimadda ay leedahay in lataageero  dhalinyarta qaxootiga ah , lana siiyo fursad ay horumar ku samayn karaan noloshooda.

“Abaalmarinta mashruucan  waxay siinaysaa dareen lahaanshiiyo iyo farxad, sidookale waxa ay siinaysaa  rajo ay kaga maarmi karaan Camp kan.” ayuu yidhi Ducaale.

Waxa uu ku daray; “Hal-abuurka  dhalinyarta halkani waa mid  heer sare ah. Waxay muujisay  dhiiranaanta  isku kalsooni ay qabaan  inay kabaaxad wayntahay dhibka haysta. Arrintani waxay  ka caawin doontaa  inay dalkoodii ku laabtaan  iyaga oo waxqabsaday oo leh sharafta ay u qalmaan.”

13 dhalinyar qaxooti ah  ayaa lagudoonsiiyo Abaal marinno , kataraysa inay fuliyaan fikradahay soo bandhigeen. Madashan waxa si balaadhan u taageeraysay xafiiska  Raysal Wasaaraha, dalka Uganda.

John  Bosco Sentamu, oo ah wakiil kasaocday Xafiiska Raysal Wasaraha ayaa sheegay in Dawladda Uganda  ay  maalinkasta qaabisho in kabadan 2,500 oo qaxooti ah oo kayimaadda  dalalka jaarka ah, dawladdana waxa ka go’an sidii ay wax ugu qaban lahayd.

Xigasho Hadhwanaagnews.com.