27 Lammaane oo Hal Mar la Wada Aroosay & Qaabkuu u dhacay + Daawo Sida loo Baashaalay

27 LAMMAANE OO HAL MAR AROOS LOOGU WADA QABTAY JIGJIGA 2016

Jigjiga(Aftahannews):- Qaybta labaad ee Arooska Qaraniga oo lagu Aroosay 27 Gabdhood iyo 27 Wiil oo is-calmaday, isla markaana si bakhtiyaa-nasiib ah ugu guulaystay inay ka mid noqdaan lammaanayaasha Arooska Qarniga ee Maaliyaddiisa uu bixinayo Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya oo la qabtay badhtamaha bishii sagaalaad ee sannadkan oo ahaa markii ay 27-kan lammaanane Bakhtiyaa-nasiibka galeen.

27 LAMMAANE OO HAL MAR AROOS LOOGU WADA QABTAY JIGJIGA 2016
27 LAMMAANE OO HAL MAR AROOS LOOGU WADA QABTAY JIGJIGA 2016

Arooskan Qarniga qaybtiisa labaad oo 14-kii bishan 11-aad sannadka 2016-ka ee aynu ku jirno waxaa ka qaybgalay, illaa saddex Kun oo Ruux oo lagu casuumay Xafladdaas, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeennada, Xubnaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Aroos Wadareedkaas oo loo qaabeeyey laba hannaan oo kala ah Hannaankii hore ee Aroos-dhaqameedka Soomaalida ee Miyiga lagu qaban jiray iyo Arooska Casriga ah ee Magaalooyinka lagu qabtay, waxaa Warbixinta qaabka la isu waafajiyey iyo sida uuu dhacay-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.