Qoraa Siciid M. Gahayr oo loo Aqoonsaday Maxbuuska Sannadka ee Dunida Cadaalad-darro ugu Xidhan

SHIRKA SICIID MAXAMUUD GAHAYR LOOGU AQOONSADAY MAXBUUSKA SANNADKA 2016

Hague(Aftahannews):-  Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo sidoo kale ah Abwaan iyo Macallin wax ka dhiga Dugsiyada sare ee dawladda ee magaalada Hargeysa oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ku xidhan magaalada Hargeysa, ayaa loo aqoonsaday Qoraaga sannadkan sharci-darro ugu xidhan dunida, waxaana Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha Garsoorka dalka loogu baaqay inay xorriyaddiisa u soo celiyaan.

SHIRKA SICIID MAXAMUUD GAHAYR LOOGU AQOONSADAY MAXBUUSKA SANNADKA 2016
SHIRKA SICIID MAXAMUUD GAHAYR LOOGU AQOONSADAY MAXBUUSKA SANNADKA 2016

Sidaa waxa laga sheegay Shir lagaga hadlayey arrimaha Xaquuqda Aadamaha Addunka oo lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hague ee dalka Holland Habeennimadii Sabtidu soo galaysay (xalay), waxaana shirkaa soo qaban-qaabisey Waax ka mida Hay’adaha Qaramaday Midoobay iyo Maxkamadda Denbiyada Adduunka ee ICC. Waxaana lagu soo casuumay waddamada aan la aqoonsanayn ee dunida Xubno ka kala socda, waxaana magaca Somaliland sheegay inuu kaga qaybgalay shirkaas Ambassador Cabdirisaaq Diinaari oo hore Wakiil ugaga ahaan jiray Somaliland Dalka Pakistan, immikana ah sida uu sheegay Guddomiyaha Dalladda ay ku Midoobeen Jaaliyadda Somaliland ee Waddamada Scandavianka ee lagu magacaabo Somaliland Nordic Diaspora Cooperation.

CABDIRISAAQ DIINAARI IYO GABADH CAD
CABDIRISAAQ DIINAARI IYO GABADH CAD

Diinaari waxa uu halkaas ka akhriyey Khudbad dheer oo nuxurkeedu ahaa Qaddiyadda Somaliland iyo arrimaha Aqoonsiga iyo sidoo kale sidii loo kobcin lahaa arrimaha Xaquuqda Aadamaha Somaliland ee Dumarka, Dhalinyarada iyo Saxaafadda tacaddiyada ka dhanka ah ee ay Xukuumadda Somaliland ku kacdo.

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) 2016
QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) 2016

Ambassodor Diinaari, ayaa weydiistey Shirka in la soo casumo Xubno ka socda Dawladda Somaliland sida Saxafadda iyo Waaxdda Cadaladda si; loo siiyo tabobbarro Aqooneed oo ku saabsan ilaaalinta qawaaniinta caalamka ee arrimaha Saxaafadda iyo Xaquuqda Aadamaha ee guud, ilaalinta Xuquuqda Dumarka iyo Carruurta, iyadoo ay ka mid yihiin Bulshadda la hayb sooco.  Waxaana laga yaabaa in shirka danbe noqdo mid lagu qaban doono Geneve iyo Brussels. Halkaas oo uu sheegay in Somaliland lagu soo casumi doono xubno badan oo Bulshadda dhinac walba leh, sida uu sheegay C/Risaaq Diinaari.

Waxaa Diinaari Shabakadda Wararka ee Aftahannews u sheegay inuu Shirkaasi noqon doono mid muhiim ah, isla markaana u baahan inay Somaliland ka dhex-muuqato. Sidoo kalena shirka uu ka qaybgalay uu ahaa mid Xog badan la isku dhaafsaday, arrimaha Somaliland-na uu aad ugaga warramay Xubnaha ka qaybgalay shirkaas Jimcihii la soo gebo-gabeeyey.

Diinaari waxa uu Shirkaas ka sheegay in Xukuumadda Somaliland ee hadda joogtaa ku geftey Xuquuqda Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Xorriyadda hadalka, isla markaana la xidhxidho Weriyeyaasha iyo Qorayaasha iyadoon loo marin Sifo Sharci ah. “Waxaanu horkeeney Maxkamadda Denbiyada Adduunka ee ICC Sawirka Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr oo loo Aqonsaddey inuu yahey Maxbuuska sannadkan 2016-ka ee Dunida ee ku xidhan xaq-darro, isagoo loo xidhey markuu fikirkiisa ku cabbirey qoraal, kana hadley arrimaha masuqmasuqa ee xubno Xukuumadda Somaliland ka tirsani ku kaceen, welina uu sidaas ugu xidhan yahay Hargeysa ka dib markii bishii hore Maxkamaddu fasaxday markay dembi ku wayday, balse dib loo amray Boolisku inay u soo xidhaan, waanannu cambaaraynaa xadhiggaa Qoraa Gahayr.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq Diinaari oo u warramay Aftahannews.com Xalay.

Waxa uu Diinaari oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo Aftahannews u sheegay; “Waxaa si heer caalamiya Shirkaa loogaga codsaday Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha Garsoorku iney xorriyaddisa u soo celiyaan Qoraa Siciid Maxamuud Gaheyr (Hargeysaawi), ka dib markii Warbixinta aan halkaas ka jeediyey la dhegaystay, loona aqoonsaday inuu yahay Maxbuuska sannadka Sharci-darro ugu xidhan meel dunida ka mid ah oo ah Somaliland.”

Xadhigga Siciid Maxmauud Gahayr, ayaa yimi markii uu Wax ka qoray Musuqmaasuq ragaadiyey sida uu sheegay Madaarka Hargeysa iyo qaabka loo qaato Shaqaalaha oo nidaam musuqmaasuq ah, taasoo ay ka xanaaqeen Maamulka Madaarka Hargeysa, isla markaana Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa Maxamed Yuusuf amray in la soo xidho, isagoo la sheegay inuu Amarkaa qayb ka ahaa Wasiirka Madaxtooyada oo ah Wasiirkii hore ee Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo qormooyinka Qoraagu qoray ee Musuqa la xidhiidha raadadka qaar isaga ku aroorayeen.

Abwaan/Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) eyey Maxkamaddu 15-kii bishii October 2016 xorriyaddiisa dib ugu soo celisay, ka dib markii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex caddaysay inaanu jirin wax denbiya oo lagu helay oo la xidhiidha Kiis mala-awaal ah oo Maamulka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey, isla markaana uu u xidhnaa muddo 56 Maalmood ah. Hase-yeeshee, 17-kii Actoobbar ayaa dib loo xidhay, ka dib markii sida la sheegay Wasiirka Madaxtooyadu amray qabashadiisa, sida uu Aftahannews wakhtigaa ka soo xigtay Wargeyska Somalilandtoday oo Warkaas baahiyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.